Dad salaad tukanaya ayaa xalay bam-gacmeed dhimasho iyo dhaawac geystay lagu weerarray magaalada Muqdisho.
Xili salaaddii cishe lagu jiray masaajid ku yaala xaafadda Abogedo ee degmada Dharkeynley, ayaa kooxa aan heybtooda la aqoonsan ay bam nooca gacanta laga tuuro ah waxay ku soo rideen gudaha masaajidka.
Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay weerarkaas, halka dhaawacyo ay soo gaareen ilaa 5 qof oo ka mid ahaa dadka Masaajidka u soo aaday si ay salaadda cishaha u tukadaan, waxaana falkaasi uu baqdin ku beeray dadka deegaanka.
Lama aqoonsan kooxda falkaas foosha xun geysatay, sidoo kale waxaan la garaneyn ujeedada ay ka lahaayeen, iyagoona ay u suuragashay inay nabad ku baxsadaan.
Arintan ayaa waxa ay muujineysaa sida xaalka dalku uu u sii qasmayo, haddiiba aan meel loo irkadaa jirin oo Masaajiddii Illaahay muslimiintii lagu dhex leynayo, waxaana falkaan foosha xun uu mudan yahay in la cambaareeyo ciddii geysatayna meel looga soo wada jeedsado.
Xigasho: Somalireal.com

No related posts.
No related posts.