Augustine Mahiga oo sheegay in uu xafiiskiisa (Q/Midooba) usoo rarayo Muqdisho

Published on January 24, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Augustine Mahiga ayaa maanta oo talaada ah ku dhawaaqay in  uu rajeynayo in xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya loo raro magaalada Muqdisho, taasoo uu ku tilmaamay astaan rajo kusoo korodhay mustaqbalka Soomaaliya, dalkaas oo aanan helin dowlad shaqeysa labaatanki sano ee lasoo dhaafay.

Mahiga ayaa yiri in xafiiska qaramada midoobay uu ka howlgalo Muqdisho wuxuu fursad inoo siinayaa inaan wada shaqeyn dhow la yeelanno dowladda ku meelgaarka ah. Dowladda ayaa sharciyaddeedu ku eg tahay bisha siddeedaad ee sanadkan 2012ka.

Mahiga oo ay magaalada Nairobi ee dalka kenya u aheyd wixii hadda ka horreeyay ayaa ku dhawaaqay maanta in xafiiskiisu u guurayo Muqdisho inta aysan dhammaan bishan aynu ku jirno, hase yeeshee aanan sheegin halka u calaamadsan ee ay caasimadda soomaaliya ka dagi doonaan.

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa isaga guuray Muqdisho sanadkii 1995kii, intaa wixii ka dambeeyayna ka howlgalayay caasimadda dalka Kenya.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Mahiga oo booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho [SAWIRO]
  2. Wafdi uu hogaaminayo Mahiga oo Muqdisho soo gaarey
  3. Mahiga “DFKMG Soomaaliya dhaqaalihii wuu ka sii dhamaanayaa, Amisom taageero maheysato”
  4. Shaqalaha TV-ga Universal Xafiiskiisa Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay
  5. Madaxweynaha Puntland oo faah faahin ka bixiyay kulan uu la qaatay Augustine Mhiga

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Mahiga oo booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho [SAWIRO]
  2. Wafdi uu hogaaminayo Mahiga oo Muqdisho soo gaarey
  3. Mahiga “DFKMG Soomaaliya dhaqaalihii wuu ka sii dhamaanayaa, Amisom taageero maheysato”
  4. Shaqalaha TV-ga Universal Xafiiskiisa Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay
  5. Madaxweynaha Puntland oo faah faahin ka bixiyay kulan uu la qaatay Augustine Mhiga

Latest Headlines