Dhallinta Baraaruggu Ma Jihaadayaan Mise Xorriyadda Saxaafadda Ayay ku Kadsoomeen? W/Q: Cubtan Yuusuf

Published on January 23, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

بسم الله الرحمن الرحيم

Hor Dhac

Marka hore Allaah baan ku mahadinayaa, marka xigana Nabigaan ku sallinayaa صلى الله عليه وسلم , intaa ka dib maqaalkaygii “Abu Fadumo Nasiixa Ma Mudan Yahay” ujeedadii aan ka lahaa waan ka gaaray taas oo ahayd inaan walaalkaas u naseexeeyo wadada wanaagsana u tilmaamo si isna uga badbaado dunuubta uu dhex dabaalanayo isagoo magaciisii qarsaday, anna aan ajar uga helo, walaalaha soomaaliyeed ee muslimiinta ahana ugu baraarugaan sida loogu tumanayo xuquuqdii guud iyo tii gaar ahaaneedba, iyadoo xadgudubkaas magac wanaagsan la siinayo kaasoo ah aljihaadu fii sabiilillaah. Abuu Fadumo inuu nasiixadayda qaato iyo inuusan qaadan wax anigu aan xukumo maahan waayo tawfiiqda Allaah baa iska leh      “إنّك لا تهدي من أحببت ولكن الله يهدي من يشاء” القصص . Saas oo ay tahayna waxaan Allaah nooga wada baryayaa inuu xaqa na wada wafajiyo naguna mideeyo.

Walaalo badan baa igula taliyay in aanan waqti isaga lumin u nasiixaynta walaalkaan iyo dadka la midka ah maadaama ay yihiin kuwa diiday nasiixadii loona qurxiyay camalkooda xun, waxaanse naftayda iyo walaalahayba xasuusinyaa Allaah qowlkiisii ahaa

وإذ قالت أمّ ة منهم لم تعظون قوماً الله مهلكهم أو معذبهم عذاباً شديد اً قالوا معذرة إلى ربّكم ولعلّهم يتقون, فلمّا نسوا ما ذكّروا به
161- أنجينا الذين ينهون عن السوء وأخذنا الذين ظلموا بعذاب بئيس بما كانوا يفسقون” الأعراف 061

Jawaabtii laga bixiyay nasiixada iyo mahad celin

Waxaan u mahad celinayaa walaalihii rayigooda cabbiray iigana garaabay cabashada aan ka soo gudbiyay gacandhaafka uu Abuu Faduma ka sameeyay qadiyada shahiidka raximahullaah, wananan dareensannahay ehelkiisii haddaanu nahay inuusan shiikhu kaligeen naga dhiman ee uu ummadda soomaaliyeed iyo muslimiintaba ka dhintay ee ajarkeenna Allaha wayneeyo.

Midda xigta maqaalkii waxaa looga soo jawaabay magac qof dumar ah oo lagu sheegay Mariam Sh Nur Ali . Qaraa’in badan oo ku xeeran baa shaki galinaysa jiritaanka gabadhaas magaca quruxda badan wadata. Waxaana ka mid ah:
- Meesha laga soo diray jawaabta oo Boosaaso ah iyo waqtiga la soo galiyay maqaalka time difference ka u dhaxeeya meesha aan joogo oo aad u yaraa.
- Degdegga lagu soo jawaabay waqigaaas oo boosaaso ay habeen u ahayd iyadoo la wada garanayo duruufta boosaaso xag koronto joogto ah iyo mid internetba.
- Intaas waxaad ku dartaa magaca sida loo hikaadiyay waayo anigu haddaan boosaaso joogi lahaa saas uma hikaadiyeen magacayga haddaanan document raacayn.

Si kastaba ha ahaatee haddaanba ka soo qaado inay Mariama tahay qofta jawaabta bixisay wax micna ah ii samayn mayso waxaana xaqiiqa ah inay is kaliftay walibana ay waxa aan shaqadeed ah ahaynfaraha la gashay waayo hadlaka iyada looma hayn af joogna looma adeego, waxaa ka sii darran intaas oodhan qasadka mowduuca maysan fahmin orodna way ku dul martay, xammaasad iyo caadifad bayna meesha ku xaradhay. Sidaas daraadeed waxaan walaashay ugu naseexayn lahaa xadiithkaan.

من حسن إسلام المرء تركه ما لا يعنيه
haddayba jirto.

Haddaan u soo daadago mowduucaan dulucdiisa, Dhalinta baraarugtay ma jihaadayaan mise saxaafadda xorta ah bay ku kadsoomeen? Waa su’aal aan is waydiiyay ka dib markii aan arkay inay faraha kula jiraan waxyaabo badan oo diinteena xaniifka ah aan ku banaanayn, iyaguna ay ku doodayaan inay Allaah ugu dhawanayaan. Waxay walaaluhu ku jiraan howl aan kala go’a lahayn maalin iyo habeen, taasoo ah inay dhinac ka taageeraan dagaallada waddankii ka socda ee ay alshabaab kula dirirayso dowlad isku sheekta kmg ah iyo ciidamada africaanta ah ee ay wadato, dhinaca kalana ay dagaal kharaar oon naxariis lahayn ku hayaan culumadii soomaaliyeed ee hooyada u ahayd saxwada islaamka, fahamka saxiixa ah iyo towxiid kana allaah noogu soo dhiibay.

Sida aan ognahay, jihaadku waa dirwatu sanaamil islaam, waxaana Allaah u jideeyay in kalimaddiisu kor ku noqoto, waa wasiilo lagu waardiyeeyo fidinta risaalada Rabbi, laguna hubiyo inay gaartay adoomadiisa ”

الله ابتعثنا لنخرج من شاء من عبادة العباد إلى عبادة رب العباد ومن ضيق الدنيا إلى سعة الدنيا والآخرة ومن
. جور الأديان إلى عدل الإسلام” قالها ربعي بن عامر لرستم قائد هرقل عظيم الروم في معركة القادسية

Jihaadku mar waa fardu kifaayah oo waa marka dadka qaar hadday u istaagaan, gudashada muhimmaddaasna ay ku filan yihiin ummadda inteeda kale danbigu waa ka dhacayaa.

وما كان المؤمنون لينفروا كافة فلولا نفر من كل فرقة منهم طائفة ليتفقهوا في الدين ولينذروا قومهم إذا رجعوا إليهم لعلهم يفقهون
التوبة

Mar kalena waa fardu cayn qof walba laga rabo, waana marka ay ku soo xadgudbaan dhulka muslimiinta gaaladu, in laysugu tago mooyaane aan si kale lagu dafcin Karin gaalada soo weerartay dhulkii muslimiita.”

انفروا خفافا وثقالا وجاهدوا بأموالكم وأنفسكم في سبيل الله...” التوبة ا

Ujeedadaydu maahan inaan jihaadka iyo qaybihiisa ku sharraxo halakaan laakin waxaan rabaa inaan is xasuusino dhibaatadeennu haddan soomali nahay siday ku bilaabatay, taa soo ahayd jabhadihii qabaliga aha iyo xuruubtii ahliga ahayd ee cadowgu hoosta ka afuufayay ee ku xigay. Waxaynu wada ognahay heerarkii dhibaatadu inala soo martay, sidasoo ay tahay maanta maalin ay igal xun tahay ma jirto, waayo dagaal nooc cusub ah ayaa ka socda waddankii oo wixii qabqable dagaal waylaat na soo marsiiyay baa soo noqday, markaasaa shacabkii markale waxaa u bilowday qarxin ku cusub iyo qaxid hor leh, laakiin markaan bi’ismi diin, cadowgii markii hore daah gadaashiisa taagnaa shirarka beenta ahna inoo qaban jiray markaan ciidamo qalabkoodu u dhan yahay buu inoo soo diray .

Waxyaabaha naxdinta badan waxaa ka mid ah cadawga gudaha u soo galay waddankeenna kuma soo galin magac gumaysi ee wuxuu ku soo galay magac ah inuu innaga ina kala celinayo, nabad galyadii iyo kala danbayntiina inoo soo celinayo, maatadeenna gaajaysanna hubinayo in deeqda bani aadanimo ay gaarto.

In badan oo ina ka mid ahna way rumaysteen arintaas, waxayna aamininsan yihiin inay danteena u yimaadeen aynuna u baahanahay in naloo soo gurmado, sabatuna waxaa weeye waxaa badankeen ka dhaadhacsan inaynaan kaligeen wax isla fahmi karin.

Maxaa xal ah hadaba , Jihaadse ma u baahan yahay waddanku?

Xalku waa innagoo Rabbigeen u toobad keena afraad iyo jamacadba. Waa inaan waxaan isku khilaafsanahay u celino kitaabka iyo sunnada Nabiga scw. ka dibna innagoo Ilaah talada saaranayna adeegsana xikamdeenna iyo caqligeena sidii aynu uga soo bixi lahayn godkan aynu ku dhacnay. Midda kale, jihad ma u baahan yahay waddanku? Haah, jihaad waa u baahan yahay waddanku, mase ahan- aragtidayda- jihadka hadda socda ee musallax ah. Waa jihaadka islaaxinta dhexdeenna iyo raadinta midnimadeenna. Aniga aragtidayda waa kaas jihaadka aynu u baahnayn tan iyo maalinkii waddankeennu bur buray.

يسألونك عن الأنفال قل الأنفال لله والرسول فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم وأطيعوا الله ورسوله إن كنتم مؤمنين”
“وأطيعوا الله ورسوله ولا تنازعوا فتفسلوا وتذهب ريحكم واصبروا إنّ الله مع الصّابرين” الأنفال: 66

Waddankii oo kala daadsan, shacabkii oo ku dhibaataysan meel walba ayaa koox dadkii ka mid ah jihad ku dhawaaqday ayagoo ku doodayo in gaalada layska cesho, hasa yeeshee ummad meel ka soo wada jeedda baa gaalada iska celin karta!. Hal askari haddii laga dilo gaaladii ,toban rayid ah ayaa madaafiicdii lagu furay ku dhimatay., toban gaalo ah hadday dhimatana boqol muslimiin ah iska dheh waa qiyaase. Shacabkii fadhi uma yaal qax hor leh, su’aashuse waxay tahay xagay u qixi doonaan? Waxay aadeen wadamadii dariska ahaa iyo gaaladii ku soo duushay waxayna ku biireen haddiba loo ogolaao walaalahoodii labaatanka sano ka hor xeryaha looga ooday wadamadaas sida: ifa , dhagax dheer, jaxiima(yaman) iwm. Ha ku darin tahriibta aan kala go’a lahayn oo dhalin yaradii ku halaagsan tahay badaha iyo saxaaraha north Africa

Gunaanad

Gabagabdii waxaa ku waajibay wax garadka ummaddeenna sida culumada diinta, aqoon yahanka duuqowda, dhalin yarada iyo haweenkaba inay u istaagaan in xal la helo. Culumadu waa inay Ilaah uga baqaan xilka ka saran masiirka ummaddan, xaqana cadeeyaan una naseexeeyaan dadka. Dhalinta baraarugga waxaa iyagana ku waajib ah in saxaafadda xorta ah ay u adeegsadaan islaaxinta mujtamaca, baraarujintiisa iyo isu soo dhawayntiisa. Dhalintu waa inay joojiaan dacaayadaha iyo af xumada ay ku hayaan culumada diinta, waayo culumada ceebaynteedu kuma ekaanayso iyaga oo kaliya waxay u gudbaysaa waxay xambaarsan yihiin. Arintasi waxaa ka dhalanaysaa in xurmadii diinta loo hayay ay meesha ka baxdo ama yaraato, ummadiina sii kala fogaato. Sidaas daraadeed waa inay damiyaan camaradaha iyo recorada ay culumada la daba joogaan xataa hadday joogaan baytkii Ilaah ceebohoodana ku goobayaan, kuna badadlaan inay raadiyaan xalkii iyo daawadii waddanka iyagoo ka tala qaadanaya culumada. Islaamku wuxuu inoo jedeeyay isu nasiixaynta iyo is toosinta waana ina ka xarrimay xanta, namiimada, raadinta ceebaha muslimiinta iyo been abuurka. Qofkii mooda inuu arimahaas diin Ilaah ugu adeegayo wuu is moodsiiyay.

Intaa ka dib halkaan waxaa ku lifaaqan erayo duco iyo dacwad isug jira oon dhowr sano ka hor aan ka iri qabqablayaashii dhibka badnaa ee waddanka soo maray walina raadkoodi muuqdo, waxayna taabanayaan cid walba oo dhaqankoodii yeelata.

Allaheen dal jalaalow ducaan kuu soo dirsanay
Duruufaha na soo maray kaama daahanee
Duulaan noo nixin iyo nacab baa na daashadee
Damiir laawayaal nagu diiroo la soo dirsaday
Ducafadii iyo shacabkii aan u diirnaxayn
Dakana iyo culaadna aan ka daalahayn
Waxay doonayaanna aanay dani noogu jirin
Ayaa na daashaday gugii iyo dayr walbaba
Dacwaan ka soo dirnaye dulmigooda naga dulqaad
Oo Allow dowlad khayr qabtoo diirran noogu deeq
Alloo madax daacadoo noo damqata na sii
Allow dulligaan marniyo daalku naga haraa
Oo adigu diiftiyo darxumadaan naga dawee
Allaheen dal jalaalow ducaan kuu soo dirsanay
Allow dadwaynahayaga qalbigooda daawa gali
Oo dirirtiyo culoodii nabad ay ku doorsadaan
Danbi wixii dhacayna toobad ay ku doorsadaan
Dardaarnkaagiyo diintaada daba galaan
Oo dulmile iyo qabiilka ka daba haraan
Oo dar Ilaahay cadaaladda daafacaan
Oo wixii u daran iyo danahooda kala duw
Oo diir walaalnimiyo ilaanimo is dugsadaan
Aloow dowlad khayr qabtoo diirran noogu deeq
Allow madax daacadoo noo damqata na sii
Allow dulligaan marniyo daalku naga haraa
Oo adigu diftiyo darxumada naga dawee
Allaheen dal jalaalow ducaan kuu soo dirsanay
Diintaadoo daahirtiyo iimaan nagu daryeel
Dugsi qabowo na wada deeqa nooga yeel
Dihaalkii iyo dhibkii aan ka doogsannee
Oo dalkayagii doorranaa dib ugu laabane
Qarankeennii kala duday isu soo dunnee
Oo da’yartii la dayacay dib u toosinnee
Duqowdiyo waayeelkana aan daryeelanne
Aloow dowlad khayr qabtoo diirran noogu deeq
Allow madax daacadoo noo damqata na sii
Allow dulligaan marniyo daalku naga haraa
Oo adigu diiftiyo darxumada naga dawee

Qalinkii: Cubtan Yuusuf

Cubtanyusuf@yahoo.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Abu Fadumo Nasiixa Ma Mudan Yahay? W/Q Cubtan Yuusuf
  2. TALOW MA NABI MUXAMAD S.C.W. IN LAGU BEEN ABUURTAA FUDUD MISE SHEEKHIINA IN LA QABTAA ADAG?
  3. Ma U Dabaal Dagnaa Mawlidka Mise?
  4. Guddoomiyaha Ururka UWLSF oo u Warramay Somalimirror:“Waxaan dhihi karnaa si guul ah ayay ku Dhamaatay Qaybtii Koobaad ee Wada Hadalku”
  5. Ma riyaa mise waa run!!

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Abu Fadumo Nasiixa Ma Mudan Yahay? W/Q Cubtan Yuusuf
  2. TALOW MA NABI MUXAMAD S.C.W. IN LAGU BEEN ABUURTAA FUDUD MISE SHEEKHIINA IN LA QABTAA ADAG?
  3. Ma U Dabaal Dagnaa Mawlidka Mise?
  4. Guddoomiyaha Ururka UWLSF oo u Warramay Somalimirror:“Waxaan dhihi karnaa si guul ah ayay ku Dhamaatay Qaybtii Koobaad ee Wada Hadalku”
  5. Ma riyaa mise waa run!!

Latest Headlines