Assalaamu Caleykum. Eebbe ayaa mahad oo dhan iska leh.
Waxa sunno Rabbaani ah in qoladii laga itaal roon yahay ama laga xoolo badan yahay ama laga xadaaro badan yahay in mar walba la gacma-gacmeeyo oo gudihiisa wakiillo lagu yeesho si wixii kolba looga baahdo qoladaas ay afkooda fahmayaan isku dubkana yihiin ugu fuliso wixii ay u baahan yihiin iyagana loogu beddelo sandareerto nafac degdeg ah leh laakiin damiirkooda adduun iyo aakhiradoodaba lid ku ah.
Iyadoo taas laga duulayo gaaladu 7dii qarni oo u dambeysey iyadaa gacanta sare ka lahayd muslimiinta kana xadaarad sarraysey kana xoog iyo xoolo iyo cilmiba badnayd muslimiinta. Sidaa darteed, Kolkii ay fuliyeen wixii qorshe ahaa ee bareer u fulin lahaayeen oo muslimka lagu dulleyn lahaa, ayey wixii qorshe ahaa oo fuli waayey waxay u dirsadeen kooxahaas aan kor ku soo sheegay.
Inta aaney howshaas u dirsan dadka ku habboon waxay samayn jireen waayadii hore dalmareennimo ay basaasnimo ku dheehantahay si ay u ogaadaan meelaha muslimiintu ka jilicsanyihiin, waxyaabaha ay weyneeyaan oo lagu beerlaxawsan karo, dadka cuqdadda qaba oo la adeegsan karo, kuwa la jecelyahay oo la iska dhigi karo, iwm.
Haddii Somalia tuslaale u qaadano sow ma xusuusataan in gaal ingiriis ah uu Berbera ka soo degey oo Sh.Cabdalla la baxay oo muddo aan yarayn uu muslimiinta geeska Africa tujinayey salaadda isagoo sheeganaya Ashraaf Maka ka yimi.
Waayada dambena waxa la adeegsadaa safaarado, qunsuliyado, xafiisyo haya dano milatery, xarumo dhaqameed oo dhammaantood howshooda qarsoon ay tahay in ay dalkaas ay joogaan dantooda uga ilaaliyaan-waa haddii ay saaxiib yihiin- haddii ay cadow isu yihiinna ay gudaha uga burburin lahaayeen.
Waxyaalaha gaaladii hore ogaadeen in somalidu jeceshahay oo sun loo hoos gelin waxa ka mid ah: Guud ahaan diinta gaar ahaanna: Awliyada, Ashraafta, iwm.
Tuslaale ahaan waxa dhacday waqtii sii horreeyey in nin askartii talyaaniga ka mid ah uu nin madax ah oo Talyaani ah ku yiri: waxan ogahay nin xertii Sh.Aweys ka mid ah oo ciidankaaga ku jira. Si degdeg ah ayuu ugu amray in uu ugu yeero. Kolkii loo keenay oo uu waraystay wuxu ku qancay in ay run tahay warka askarigu sheegayo. Ninkii madaxda talyaaniga ahaa ayaa wuxu yiri: Saacadda laga bilaabo “Awliyo”ayaad tahay ee dharkii awliyada oo cadcaddaana soo tolo, mowlacna samayso, mushaharkaagana waa kuu soconayaa. Weligaas xertiisii waa joogaan Somalia dad raacsanna waa leeyihiin imminka.
Sidoo kale, mazaaraatka(qubuuraha la ziyaarto) ku yaal inta u dhaxaysa Afgooye ilaa iyo Jilib awliyada la ziyaarto kulligood waa hal mujtamac. Waa yaabe maxaa gobollada kale awliyada ka qadiyey? Gaar ahaan kuwii ku caanbaxay in ay isticmaar la dagaallamaan. Sow in Talyaanigii beeran jirey dhulkaas uu sameeyey oo dicaayad u sameeyey ma aha! Kolkii la qaxay oo Siyaad Barre dhacayna waxyaalo badan oo malahaas hore xoojinaya ayaa soo baxay. Tusaale ahaan: Awliyada intii dhimatay Eebbe janno ha siiyee maxaa intii noolayd Telyaaniga nolol iyo degaan looga siiyey oo ilaa iyo imminka ugu noolyihiin?
Waxa kale oo la sheegay in sawirro arrintaas sii adkaynaya mooryaantii bililiqaysaneysey ay ka heleen xarumihii caanka ahaa ee Jilib iyo nawaaxigeeda. Sidoo kale dad somalidu awliyo u haystaan oo hubanti ah in ay Talyaani la shaqayn jireen ayaa jira.
Haddaba Telyaanigu muxuu ka rabey culimada awliyada wakiilka ka ah iyo dadka raacsan? Wuxuu ka rabey in dadku aaminsanaadaan diin aan isticmaarka ka hor iman mararka qaarkoodna u khidmaysa kuna mashquulsan qabuurahaas iyo xoolo lagu qalo oo aan dhammaad lahayn.
Haddaba maanta iyadoo adduunyadii isu soo dhowaatey oo hal tuulo u ekaatay, macluumaatkana si aad u degdeg la isuweydaarsado, maxaa u daran gaalada oo xagga muslimiinta dhib ku haya? Jawaabta degdegga ah waa Jihaadka. Sidaa darteed waa in la helo kooxo jihaadka ku dhawaaqaya oo wixii gaalo fulin weydey gudaha ka fuliya iyadoo la siinayo wixii howshaas ku caawinaya oo ah maal, hagid, tababar, dicaayad u samayn iyo wixii la mid ah(dabcan dadka la adeegsanayaa waa dad kooban laakiin dadka inta badan diinjacaylkooda ayaa looga faa’iidaysanayaa).
Muhimmaddaas adag waxa si hagar la’aan ah uga soo baxay dhinaca somalida ururka “Alshabaab” oo shacabka somaliyeed meesha la arkay ku furay,isagoo ka dhawaajinaya wixii mujtamaca somaliyeed weligiis ku taamayey oo ah: Shariicada oo la isku xukumo iyo jihaad. Sidoo kale kooxahaas waxay ka howlgaleen: Aljeeria, Ciraaq, iyo Afgaanistaan.
Haddaba maxay gaaladu fulinweydey oo Shabaab u xilsaareen? Waxay u xilsaareen: dilka waxgaradka ummadda, ceebaynta culimada si aan diinta looga qaadan, gaadmo ku dilid xataa dhulka ay haystaan, eedaysane aan caddaalad la horkeenayn, isku dirka qabaa’ilka, wadashaqaynta ka dhaxaysa burcadbadeedda, marmarsiinyo u samayn cadow meel uu Somali u soo maro waayey, la dagaalanka waxbarashada, ilaha dhaqaalaha oo kolka la qabsado aan dadweynaha loogu khidmayn laguna hormarin caafimaadka, waxbarashada iyo meelo kale.
Ugu dambayntii, akhristow ma u egtahay in shalay cadowga ummadda daantiisu ku jirtey in somalida awliyo loo sameeyo maantana ay ku jirto in Shabaab jihaad doon ah loo sameeyo laakiin wakiillada iyo howsha la qabanayaa ay kala geddisan tahay?
Qalinkii: Jaamac Guuleed
Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Related posts: