SHEEKHU WAA SHAHIID, KII DILAYNA WAA MUJAAJID! W/Q: Cabdalla Xaaji

Published on January 18, 2012 by   ·   3 Comments   ·   print

Hal-ku-dhegga cinwaanka maqaalkan markaan aad ugu fiirsaday wuxuu ila noqday eraygii iigu yaabka badnaa intii aan jiray noloshayda. Sababtu waxay tahay waxaa isu kay qaban waayay labada qaybood ee ay weedhu ka kooban tahay. ma waxan ku tilmaamaa caqli-xumo mise aqoon-darro xadkeedii dhaaftay, mise caqiido ku salaysan indha-la’aan aan horay uga dhicin koox ama qolo diin ku abtirsata.

Waxan qabaa in arrintu u muuqato intaas oo isbiirsaday iyo weliba kuwo kale oo ka sii daran oo aanan halkan kusoo wada koobi karin. Oraahdu waxay kasoo yeertay kooxda Al-shabaab kadib markii ay dileen Sh.Dr.Axmed Xaaji C/raxman. Waa la hubaa in Sheeku yahay shahiid marka laga eego habdhaqankiisii, aqoontiisii iyo qaabka uu adduunka uga tegay, lakin sidee taas loogu lammaanin karayaa in dadkii ka dambeeyay sheekha ay iyaguna noqdaan mujaahidiin ALLAH agtiisa laga soo dhoweeyo. Waa iga su’aale maxaa u dhaxayn kara labada eray ee ‘HAA” iyo ‘Maya’ ama xuxmaha iyo samaha?

Waa caqli xumida iyo diin la’aanta madaxda Shabaab ay ku hoggaamiyaan oo ku hawlgeliyaan dhallinyarada da’da yar ee aan aqoonta iyo aragtida u lahayn diinta Islaamka iyo xeerarkeeda ee xamaasaddu u hayso inay diintooda u dhintaan ama u dagaallamaan oo keliya taasina waa diinta Islaamka oo laga been sheegay si xunna looga faa’idaystay.

Marka la eego dhaqanka Al-shabaab waxaa cad inay iska horkeeneen dadka muslimka ah iyo diintooda isla markaana ay si cad ay uga horyimaadeen dhaqankii islaamka iyo ujeeddadii loo soo dejiyay farriintii loo soo dhiibay Nabi Muxammad (SCW) iyo mabaa’didii ay xambaarsanayd. Saababtoo ah hawsha ugu muhimsan ee loo soo diray Nabi Muxammad (SCW) waxay ahayd inuu dadka caalamka ku dhaqan oo dhan uu u jiheeeyo xagga Rabbi oo uu hagaajiyo xiriirka u dhexeeya dadka dunida ku dhaqan iyo Rabbi. Lakin Shabaab waxay ciyaareen kaalin aragtidaas aad uga fog weliba liddigeeda ah oo ah, iskaba dhaaf dadka gaalada ahe ay dadkii musllimka ahaa iyo diintooda ay isku diraan oo ay kala fogeeyaan islamaankana ay ka bixiyaan tilmaan uusan lahayn oo aad uga fog.

Waxan aad ula yaabay cinwaan maqaal dhowaan kusoo baxay Somalimiror oo ahaa ‘Amniyaatka ina Godane ma Khawaarij baa mise wakiillo cadow’? qof ahaan waxan qabaa in Shabaab ay labada arrimoodba ay ku sifoobeen taas oo ay markhaati u tahay marka si qoto dheer loo eego dhaqankooda iyo caddaymo kale oo arrimahaas loo hayo haddii ay yihiin kuwo diineed ama kuwo waaqici ah oo ka imanaya meelaha ay ku xiran yihiin ee laga maalgeliyo.

Marka laga yimaado ficil walba oo ay horay u sameeyeen, waxaa arrimahaas caddayn ugu filan dilkii Sh. Axmed X.C/raxmaan oo aanay  suuragal ahayn inuu ku kaco qof diin ku abtirsada ama uu ka soo fulo urur diineed. Waxa keliya ee arrintaas ku kici karaa waa cid ka fogaatay fahamka diineed ee toosan isla markaasna xambaarsan caqiidadii Khawaarijta ama u adeegta cadowga Islaamka oo isagu hadafkiisa koowaad uu yahay inuu meesha ka saaro culimada diinta ee xambaarsan ilayskii Nabi Muxammad (SCW).

Dilkii Dr. Axmed Xaaji wuxuu taabtay oo ka xanuunsaday qof walba oo yiqiinay ama maqlay oo aan aqoon u lahayn qof ahaantii sheekha  marka laga reebo Shabaab oo iyagu masuuliyadda dilkiisa dhabarka u dhigtay markii horana ku dhawaaqay in la laayo isaga iyo culimada kale ee ay isku aragtida yihiin marka la eego qallooca diineed ee Shabaab.

Markii aan maqlay dilka Sheekha, kama sheekayn karo sida uu dareenkaygu noqday, lakin wuxuu ahaa mid aan filayay waayo, Sheeku wuxuu ila soo hadlay 4/tii December oo ahayd maalin ka hor dilkiisa, laba qodob ayuu igala hadlay kuwaas oo kala ahaa:

  •  Inay wadaan barnaamij wacyigelin ah oo loogu gurmanayo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay ee ku hanti beelay dabkii qabsaday suuqii waynaa ee Bosaso.
  • In Shabaabku ay go’aan ku gaareen inay  dilaan isaga, Sh. C/qaadir Nuur Faarax, iyo Sh. Bashiir Axmed Salaad.

Runtii anigu qof ahaan ma ahi qof u dhigma Dr. Axmed ama la garab dhigi karo marka dhinac walba laga eego, lakin haddana sheekha waxanu ahayn saaxiibbo aad isugu dheer, wuxuu  igala hadli jiray arrimo uusan dadka kale kala hadlin, waqtigaas ka hor, wuxuu marar badan ii sheegay in marar badan ay hanjabaad uga imanayso Shabaab. Markii uu labadaas qodob ii sheegay waxan usoo jeediyay inuu dalka isaga baxo inta xaal iska baddalayo, ama uu samaysto ciidan ilaaliiya, lakin Sheekhu intuu igu qoslay ayuu igu yiri ‘ Ninyohow ma xuma talaadu, lakin anigu ma ahi nin si fudud isu dhiibi kara, waayo ma jiro qof ama koox aan eed ka galay oo maanta wax iga tirsan karta. Tan xigta naftu mar bay go’aysaa marka taydu dhamaatana waardiye ma celin karo, tan kale anigu waxan ka shaqeeyo waa dacwo iyo risaalo iyo mabda’ haddii aan u dhintana aan rajo wanaagsan ka qabo inaan ALLAH la hortago wax qiima badan’.

Markuu intaas yiri ayaan ka gaabsaday, waxana ii xigtay dilkiisa iyo sida foosha xun ee loogu bareeray dhiigga Dr. Axmed. Markii aan arrintaas maqlay waxan is waydiyay su’aalo badan oo qaarkood aan u qaatay inuu wareer i galay. Lakin markii dambe waxan naftayda ku qanciiyay dhowr qodob:

  • In nabiyadii ALLAH soo diray qaarkood la laayay iyadoo Rabbi arkayo sida xaqdarrada ah nabiyadiisa hortiisa loogu laynayo.
  • Waxaa kale oo aan xusuuustay in Rabbi hortiisa lagu laayay saddexdii khaliif ee ka dambaysay Abubabar ee kala ahaa Cumar, Cusmaan iyo Cali.

Arrimahaas waxay igu dhaliyeen inaan fahmo in arrintu tahay Suune Rabbi horay u jideeyay oo ah in jidka ALLAH iyo xaqa oo lagu adkaysto ay keeni karto in la isku dilo, kalin midda aan ka quusan waayay waxay ahayd dhaqankii Dr. Axmed, waxan isku ndayay inaan mid mid u garab dhigo culimada aan bartay tan iyo markii aan billaabay barashada diinta islaamka sannadihii 80aadkii. ALLAH wuxuu igu ogyahay inaan waayay qof aan la simo Sheekh Axmed Xaaji, sababtoo ah qofkii aan is iraahdo aqoon buu ku gaari karaa wuxuu ka dhaafay dhaqan wanaag iyo dabeecad, qofkii aan is iraahdo dabeecad ahaan ayuu ku dhow yahay wuxuu ku dhaafay aragti fog iyo bisayl qpf ahaaneed. Qofkii aan is iraahdo taas ayuu ku dhow yahay wuxuu ku dhaafay aqoonta ciidan iyo millateri iyo la socodka siyaasadda caalamka maanta halka ay u socoto.

Waxan goobjoog u ahaa isagoo culimo waawayn oo la wada yaqaano kaga yaabiyay fatwo iyo fiq-hi aanay war ka haynin iyagoo markaas si kedis ah ugu baraarugay, waxan aad ula yaabay sida uu ula socday qoraallada iyo kutubta diineed, fatwada caalamka ee arrimaha cusub ee ka soo baxa culimada caalamka.

Wuxuu ahaa nin saaxiib la ah dadka oo dhan, isla markaasna aan aqoon in dadka laga santaago oo la fariista qof walba oo mujtamaca ka tirsan darajada uu doono ha joogee, waxan arki jiray iyadoo wiilal yar-yar ama haweenku ay waddada dhexdeeda ku qabsadaan oo ay waydiyaan ama kala tashadaasn arrimo diineed ama danahooda hoose la xiriira.

Waxan arki jiray isagoo kaftan  iyo qosol ugu jawaaba marka uu arko qof ka hadlaya arrimo aan munaasab ahayn. ALLAH baan ku  dhaartaye weligey ma arag qof uga dhow dhaqankii Nabi Muxammad (SCW) markay noqoto la dhaqanka dadka, dhoolla-caddaybta iyo soo dhowaynta, deeqsinimada, geesinimada marka loo baahdo ku dhiirranaanta xaqa. Haddaba akhristow haddii Shabaab ay bannaysteen dilka qof noocaas ah, welina ay u sii hanjabayaan culimadiii kale ee Soomaalida ma shaki baa kaaga jira inay haystaan man-hajkii Khawaarijta isla markasna ay yihiin wakiillo cadowga islaamku soo  dirsaday hawsha ay hayaana ay tahay tii cadowga Islaamka ha ogaadeen ama yaysan ogaane?

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa  haddana waxaa muuqata in dad badan oo Soomaaliyeed gaar ahaana dhallinyaro badan aysan weli fahmin dhab ahaan qallooca diineed ee kooxadan Shabaab oo sida muuqata u tafa-xaydatay inay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka dhigaan qaar ay laayeen, kuwo ay qixiyaan, kuwo ay lugaha iyo gacmana jaraan si aan sharciga waafaqsanayn, iyo kuwo ay gaalo u gacan geliyaan. Lakin waxan hubaa dulmigu inuusan sii socon doonin oo uu waqti leeyahay oo ALLAH uu yahay mid dulqaad badan hase ahaatee qofka dulmiga ku caan baxa uu mar uun qaban doono kadibna uusan siidayn doonin.

Waxan qormadayda kooban kusoo xirayaa in dadka Soomaalida ahi ay aad hoos ugu eegaan hab-dhaqanka kooxda Shabaab isla  markaasna qabaa’ilku ay ku dhiirradaan inay ka xoreeyaan gobollada ay xoogga ku haystaan iyagoo aan cid kale ugu danaynayn, meel la iska dhigo khilaafaadka kale ee u dhaxeeya Soomaalida marka kooxdaas dalka laga xoreeyana Soomaalidu  isu timaaddo si dalka nabad loogu dabbaalo.

W/Q: Cabdalle Xaaji

abdalahaji@gmail.com

Aragtida maqaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Tadliiska iyo marin habaabinta fatwada (Sh Xassaan) :Sheekhaas hadaad disho adna mujaahid baad tahay isna waa shahiid!!!.A/qani H. mohamed
  2. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan: adduunka waligi dhib waa ka dhici jirtay ee yaan la isdhiibin
  3. C/xakiim Xaaji Maxamuud “FIQI’ oo sheegay in khilaafka DKMG ah ka dhex taagan uusan saameyn ku lahayn howgaladooda
  4. Cali Cabdalla Saalax oo sheegay inuu Xilka uga degayo usbuucyo balse Shuruud soo bandhigay
  5. Dr. Axmad Xaaji: Ha laga dhiidhiiyo xasuuqa culumada

Readers Comments (3)

  1. Abdinasir says:

    Jazaakallaah walaalkay waa arin runtii qariib ah oo aan is qaban karin in Dr.Axmed ninkii dilay uu yahay mujaahid Ilaahay u nusraynaya. Waxaan aaminsahay inuu caduwullaah yahay qofkaasi waayo wuxuu asaga iyo ciddii soo dirtayba aya u shaqaynayaan wax manhajka rabbi lidi ku aha. Ilaahay nimankaas sharkooda hanaga qabto oo intii uu hanuun ladoonay hasoo hanuuniyo inta kalena waxay ehel u yihiin Ilaahay haku abaalmariyo. Ilaahay Culumada ha xifdiyo,cilmigoodana hanagu anfaco.

  2. Kheyrdoon says:

    Ar maxaad war badateen wixii xun xaawaa leh miyaa warkiinnu war faroolle sooma aragtaan oo wixii wanaaga oo dhami rabin waa midda kalee midda uu sheekhu ka hadley oo ah in loo gurmado walaalaha hantidooda baaba ,dey maxaa dhib ah oo shabaabka ugu jira oo ay ku dilayaan?xagey shabaab ka yiraahdeen ninkii diley waa mujaahid?
    Alla maxaad been noo dhisteen !
    Ood noo buunbuuniseen ilaahey maad ka cabsataan waxaad leedihiin dowlad xagey tallaa dowlad soomaaliyeed oo maanta u naxeysa shacabka soomaaliyeed wallaahi alshabaab ayaa dhaama boqolkii boqol kuwaan calool uusta iyo marya calasta ah ma waxaad noo simeysaan dad salaatulleyl ku dhafrey iyo dad daroogo ku dhafrey hoosjoogana doonfaarcunayaashii ammisom isku magacaabey alla maxaad ictisaamow run been nooga dhigteen beenna run nooga dhigteen?

  3. abdiqani says:

    alle ha u naxariisto Sheakh Ahmed Kuwa dilayna alle umada sharkooda ha kaqabto ,Allow xaqa hanaga lumin, Sheakh Ahmed qof alle wanaajiyey ayuu ahaa ka dilay ayaa ku dhib qaba.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Tadliiska iyo marin habaabinta fatwada (Sh Xassaan) :Sheekhaas hadaad disho adna mujaahid baad tahay isna waa shahiid!!!.A/qani H. mohamed
  2. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan: adduunka waligi dhib waa ka dhici jirtay ee yaan la isdhiibin
  3. C/xakiim Xaaji Maxamuud “FIQI’ oo sheegay in khilaafka DKMG ah ka dhex taagan uusan saameyn ku lahayn howgaladooda
  4. Cali Cabdalla Saalax oo sheegay inuu Xilka uga degayo usbuucyo balse Shuruud soo bandhigay
  5. Dr. Axmad Xaaji: Ha laga dhiidhiiyo xasuuqa culumada

Latest Headlines