Sida lawada ogyahay Culimadu waa tiir muhiim ah marka laga eego dhanka Diinta Islaamka oo waxay dhaxleen Diintii Rususha SCW. waxuuna waajibkoodu yahay in ey Diinta Islaamka kudhaqmaan, Dadkana Baraan, Alle dartii & ikhalaasna kushaqeeyaan. Culimadu way kakhayr badanyihiin Caamada Cibaadada badan, wayna ka Ciqaab culusyihiin markay danbi galaan qofka caadiga ah iyo danbiga uu galo, waana qolada sabab unoqota in Ummadi baadiyawdo ( sida Yahuuda) ama kutoosto jidka Alle. Diintu way kawayntahay in lagu danaysto ama loo jiido kolba dhanka danaha koox, beel ama shakhsi leeyahay. Waxaana waajib ah in Xaqa laraaco dhankuu jirana loohogoonsamo.
Waxaa baryahan Dadka Soomaaliyeed aad isuwaydiiyaa ama oogu wareersanyihiin waxyaabaha kayimid Ururka looyaqaan: Al-shabaab ee Soomaliya ama Geeska Afrika kahawlgala, Ururkaas oo Culimo & Caamaba isku raaceen in uu Diintii Islaamka Magacdilayo, Ummadii Soomaliyeedna Hoog & Halaag Badan Uhorseeday. Haddaba waxaan jeclaystay in aan qormadan Dadka Soomaaliyeed wax yar oo tusaaleyaal ah kasiiyo Sheekh kamid ah labada Sheekh ee lumisay Alshabaab, labadaas sheekh oo kala ah: Sh Axmed Cabdi Aw Muxumed (Godane) oo ah Gudoomiyaha Alshabaab & Sh. Xassaan Xuseen oo ah muftiga kooxdaas. Haddaba Sh. Axmed asagu waa nin Afku u duubanyahay oo aan la’arkin, isla markaana udhaqma sida suufiyada oo iska dhiga sidii nin lawehliyo (Awliya Mulham ah) sida ay tilmaameen rag lasooshqeeyey. Sh Axmed haddaba Dadka Soomaaliyeed waxay maqlaan cajalado uu soo saaro marmar sidii Sh. Usaame Bin Ladin, inta badanna lama maqlo asagoo soosaaraya Fatwa ee kooxdiisa ayuu siiyaa awaamirta wax lagu gumaado asagoo isu muujin haya in uu yahay nin Awliya ah ama mufakir aan laga aghadli karina. Haddaba waxaan qormadan kusooqaadanhayaa Sheekh Xassaan oo la badheedha Fataawida yaabka leh, waxaana kugaabsanayaa waxii aan asaga kamaqlay (cajaladahiisa) ama ka akhriyay qoraaladiisa ama ay ii xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay oo asaga lasoonooladay. Waxaana kamid ah Fataawida Sh. Xassaan ee yaabka leh kuwan:
1-waxuu Sagaashameeyadii Arday ka ahaa Magaalada Herar, wuxuuna ufatwooday ardaydii Soomaaliyeed ee ladhigan jirtay Machadkii Sh Axmed Sh Xusseen Cadde in Gabdhaha Axmaaradu yihiin Mulku yamiin ama (Adoomo) oo meher la aan laqabi karo ama lala dhaqmi karo !!!
2-waxuu Fatwooday in DKM ee Soomaaliyeed dhammaan laga bilaabo Madaxwaynaha ilaa shaqaale hoosaadka yar ayar yihiin Murtadiin Diinta Islaamka banaanka ka ah. Taasoo horseeday in Alshabaab xalaalaysteen dad badan oo soomaaliyeed oon halkan lagu sookoobi Karin, waxaana laga xusuustaa Gumaadkii ardaydii kaqalin jabisay Jaamacada Banaadir ee Hotel Shaamaw & Ardaydii deeqda waxbarasho kaheshay wadanka Turkiga ee lagu gumaaday Warshadda Hargaha & Saamaha ee Magaalada Muqdisho.
3-waxuu Fatwooday in ay Murtadiin yihiin Diintana Bannaanka ka yihiin: Dadkii Kashaqeeyay, kuwii kuwaafaqay & kuwii Kufarxay heshiiskii dhaxmaray Dawlada Itoopiya & Ururkii UWSLF !!!
4- waxuu Fatwooday in la dilo Culumada loo yaqaano Al-salafiya Aljadiidah oo meesha laga saaro, asagoo waliba magacaabay culimo uu ka mid yahay Sh Axmed Imaam, waxaana hadalkiisu ahaa: Immisaan idin idhi war madaxa katoogta Salafiya Jidiida, sida Sh Axmed Imaam !!
5-waxuu Fatwooday in ninkii dila Nin Jihaadka Caqabad ku ah haba noqdo nin culima ahee waa ladili karaa: waxuuna noqon ninkii Dila Mujaahid, ka ladilana waxuu noqon: Shahiid !!! taasoo macnaheedu kadhalan in nin walba nin culima ah dilo: si uu asna unoqdo Mujaahid Ajar badan hela, Sheekhaa la dilayna Shahiid Janno gale ah!!!! Sidaa waxaa lagu gumaaday Culimo uu udanbeeyay Sh Axmed Xaaji C/raxmaan !!
6-waxuu Fatwooday: in ninkii Jinsiyad kaqaata wadan gaalaad ama Dastuurka wadankaas aqbala: in uu yahahay Murtad. Akhristaw waxaase yaableh: in Sh Xassaan laftiisu galayo Fatwadaas maxaa yeelay sida lawada ogsoonyahay waxuu kudhashay Gobolka Goday ee wadanka S/Galbeed. Waxuuna kharashbadan iyo wax isdaba marin badan kubixiyay siduu kuheli lahaa dhalashada wadanka Kenya taasoo uu kuguulastay kadib markuu been kasheegay oos badalay: goobtuu kudhashay, taariikhduu dhashay & magacyadii waalidkii. Waxuuna maanta haystaa dhalashada wadanka Kenya waxuuna kuqaatay in uu aaminsanyahay, ixtiraamayo, kana danbaynayo: Dastuurka & Shuruucda dalka Kenya Sida kucad Shuruucda Sugnaanta & Dhalashada Kenya Utaala ee kucad dastuurka Dalkaas. !!!
7-waxuu fatwoodaa dadkana ka iibiyaa in Xarakada Alshabaab lamid tahay: Imaaro Islaami ah oo wadankaas katalisa. Taas oo macnaheedu yahay ururkii diida ama kooxdii iyo shakhsigii kahoryimaada in surka lajaro oo uu kahoryimid Dawlad ama Imaaro Islaami ah!!! Taasi waxay sabab u ahayd in Cagta lamariyo Ururadii kahoreeyey Alshabaab ee wadanka kajiray Sida Kooxdii Raaskaanbooni & Xuzbul Alislaam. Hadaba Imaaradaas dadka in ay adheecaan lagu layn hayo: talaw yaayaqaana Amiirkeeda si dadku ubarto Imaamkooda: magaciisa & Muuqaalkiisa midna yaa yaqaana (waa jinni madax Duuban Amiir kadhigo) soo ma aha?.
8-waxuu fatwooday in Bulshada dagan (Puntland, S/Land & S/galbeed) dhamaantood yihiin Murtadiin ama haku raalinoqdeen ama yayna ku raalinoqone !!!!
9-sh Xassaan waxuu fatwooday in laxadi karo xoolaha Gaalada oo tusaale ahaan intaad gasho Supermarketyada aad iska daldalan karto waxay tabartaadu kuu ogolaato ama kuusuurooba; maxaayeelay waa ghaniimo (Qaniimo) ayuu leeyahay. Taa hadaad layaabto akhristaw tan eeg: Wuu kasiidaray oo waxuu fatwooday Sh xassaan in Xoolaha Abgaal ee Islii yaalla (waa xaafadda somalida ee Nairobi) in laboobo maxaa yeeylay ayuu yidhi waxay taageersanyihiin DKM ee Murtadka ah waa siduu aaminsanyahaye !!!!
10- Sh Xassaan Iyo SH Axmed Godane waxaa fataawidooda cajiibka ah kamid ah in ninkii Isku qarxiyo oo kudhinta Dadkaa Muslimiinta ah ee ay Murtadiin uyaqaanaan in uu Jannada horay kagali. Halka ayagu waa labada sheekh iyo Madaxda Alshabaab ee ayna diyaar u ahayn inay isqarxiyaan Janadaana Jubuq dhahaan!. Iska daa inay isqarxiyaane dagaalba isku dayimaayaan, Godane isaga in la arkaaba geeri u ah!.
Hadaba Akhristoow walaal: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Geel Curadiisii diday maxaad mooday Aarankiisa?!! Oo macnaheedu yahay haduu yaaco Geela waawayn kiisa yarayari maxaad kafili oo loola jeedo : wuu ka sii daranyahay oo wuu durduriyaa ama afdhuubleeyaa, waxwalbana cagtuu mariyaa gaar ahaan Maqasha iyo caruurta. Hadaba hadaad kuwareersanayd falalka Alshabaab waxaad aad oola yaabtaa Culimadooda Ufatwootay balaayadan. Ee waliba Diinta Islaamka kusheegi in ay sidaa qabto !!!

Related posts:
SCWW
Salaan ka dib walaal aad iyo aad ishaad ka tuurtay, ilaahay ha ku xifdiyo, sheekh xasaanna allaah ha soo hadeeyo, iyo godane, carruurta ay naga duufsadeen iyo maangaabka ama makastana ilaahay ha ka samatabixiyo. Diinta waa la yaqaan, axkaamteedu jihaad kaliya maaha, jihaadkuna takhriib maaha ee masaalixda dacwada, inuu dacwadii dadka ka didiyo ayuu marayaa maanta, oo ninkii loo yara aqoonsado salfinimo waa laga cararaa, masaajiddii waa laga go’ay habeenkii duhur iyo casar baa ku soo haray jamaacada baqdin baa looga go’ay, ilaahay baa kala xisaabtami doona.
Waxaan walaal rabay inaan kuu tacliiqiyo Godane waa gang leader wuxuu xukumaa niman la yiraahdo amniyaadka oo ay intooda kale ka baqaan, shongolo iyagaa ku qarxiyey masjidka markay godane isku qabteen arrintii kayse dilkiisii oo ay si ba’an isugu khilaafeen, godane iyo afgaanna ay qabyaalad ku difaaceen roobow iyo shongolona ay go’aansheen dilkiisa. Marka godane way ka baqaane awliyo uma arkaan, kuwa amniyaadkuna waa kuwo u tababaran sirdoon oo aan is aqoon oo kala baqa, ninkii iyaga ah oo leexleexdaana si aan la garanayn buu u dhintaa cidda dishayna lama yaqaan, marka nin kastaa si uu uga boxo wuu rabi lahaaye wuuba baqayaa.
Akhii aad bay u fiicnaan lahayd …. in aad adillo noogu dartid si warkaagu nooga dhaadhaco ,,, hadii kale wadaad qaraaaray baa loo qaaadan
asc dhaman walalaha wan salami lahaa anoon midna dinta kasaarayn cadayn la aan khayrkana lajecel muslim kasta mel kasta ujogaba naarna aan umada ugu halilaynin inta kadib 1.cabsida alle ayan udardarmaya walalahay 2.in tacasubka lagatago kooxaysig ah iyo ashkhast ku dhisan xaqu shakhsi kama tarjumo e xaqa asal ah 3.bentana haladayo waan dhihi laha hadu war wax anfici oo wax lahubo un halashego anafada iyo xadgudub kana haladayo 4.walalaha sh.xasan ubaba ayana waxan dhihi laha wax kasta oo u sh.xasan yidhi waa dubanyahay ee adigu kuqanac ama haku qancin qalyaha kalana waxaan dhihi lahaa haku dardarina wsc
Salaam dear brothers an sisters,i like this commen from abu Ali below ere>><
"Akhii aad bay u fiicnaan lahayd …. in aad adillo noogu dartid si warkaagu nooga dhaadhaco ,,, hadii kale wadaad qaraaaray baa loo qaaadan".