Si walba u dil!. W/Q: Axmed C/samad
Published on January 15, 2012 by Somalimirror · 6 Comments ·
Sheekh Abuu xassaan baa qoray maqaal uu ku suntay “Iska dil” , anigu waxaan ka fahmay muslimka sabab iyo sabab la’aanba iska dil, laakiin maqaalku kama hadlin in dadka la iska dilayo dhinac walba laga dilayo, si walbana loo dilayo; Sidaa darteed waxaan jeclaystay in aan qormadan qeybteeda koowaad ku soo bandhigo siyaabaha kala duwan ee xarakada AlShabaab ay shacabka Soomaaliyeed u disho, waxaana rajeynayaa in aan qeybteeda labaad ku soo bandhigo dhinacyada kala duwan ee ay ka dilaan shacabka.
Siyaabaha kala duwan ee Alshabaab u dilaan shacabka Soomaaliyeed:
- Dil toos ah oo noqon kara toogasho bareer ah ama mid qarsoodi ah, waana hababka ugu dhibta iyo argagaxa badan ee ay bulshada u laayaan.
- Dil toos ah oo ku yimaada weerar lagu qaaday koox, qabiil ama maamul, kaas oo ay ku hoobtaan dad farabadan oo labada dhinacba ah (isku soo jimlee kuwa kaa dhintay iyo kuwa qolada kale ka dhimatay), waana dagaalada sababa geerida ugu badan, barakaca iyo saboolnimada.
- Dil ama xasuuq dadban oo ku yimaada habka dadweynaha reer Muqdisho ay u bixiyeen ii soo baaq aan ku soo wecee!. Kaas oo looga jeedo in xaafadaha iyo suuqyada laga dhex rido madfac inta badan ku habsada dadkeena ama cidla ku dhaca, ka dibna gaaladu ay madaafiic ku asqaysiiyaan xaafadihii iyo suuqyadii shacbiga ahaa.
- Dil dabargoyn ah, oo looga jeedo in dhallinyaradii ummadda lagu hubeeyo qoryo fudud, ka dibna la yiraahdo ku qamaama ama u daata dhufaysyo ay ka sokeeyaan taangiyo iyo madaafiic aan xisaab lahayn. Habkaas oo la sheegay in marar badan hoggaanka xarakadu kaga takhaluso ragga uu kahday.
- Dil isku dhaf ah oo laga wado in si shirqool ah lagu dilo qof ama dad badan, ka dibna la faafiyo in qolo heblo dishay; si qolada wax laga diley iyo qolada lagu nabay isugu rogmadaan.
- Gaalo ku dilis iyo u gacangalin ka dhalata in deegaan la qabsado, ka dibna la salloxo sababihii loogu soo duuli lahaa. Markii cadowgu yimaadana la hor cararo.
- Gaalo u loogis ku timaada:
a) in dadweynaha hubka laga dhigo, kolkay gaalo timaadana la isaga tago cadowgii iyo dadkii oo waranleyaal ah.
b) in la ciribtiro hoggaanka bulshada gaar ahaan saraakiisha ciidamada qalabka sida oo hormuud ka nqon lahaa difaaca diinta, dadka iyo dalka, dilkooduna sahlayo in bulshada sidii la doono laga yeelo.
c) In la laayo, lana qixiyo dhallinyaradii ummadda difaaci lahayd, kaas oo u sahlaya cadowgu inuu dalka iyo dadkiisa baylah ka helo.
Gabagabadii qodobadaani waxay ka mid yihiin siyaabaha xarakada Alshabaab u dabargoyso shacabka Soomaaliyeed iyada oo ku andacoonaysa inay ummadda u hiilinayso, diintana koryeelayso!. Haddaba waxaa ina la gudboon in aynu is barbardhigno falalka Alshabaab dadkeena kula kacayo iyo halkudhegyada uu ku andacoonayo; si aynu u hubsano in ficilkooda iyo qowlkoodu is waafaqsan yahay ama is khilaafsan yahay.
Related posts:
- Culumadu dilkii Sheekha maxay shabaab dusha uga saareen?. W/Q: Axmed C/samad
- Alla ninku gaalsanaa!. W/Q: Axmed C/samad
- Dr. Axmed maxaa loo dilay? W/Q: Axmed C/samad
- Dhulkay fasaadinayaane teed ma isaga dhignaa?. W/Q: Axmed C/samad
- Sheeko:- Gabadhii Shiina ahayd iyo gegida diyaaradaha (qeybta 1aad). Axmed C/samad
a.c waa sifooyin aan fiicnayn oo aan lga faaiidaynin waayo dhiiga muslimka daadintiisa oo loo xeelaysto waa xaaraam ilaahayna lama siri karo culimada waxa ka qaylisiinayana waa arin jirta oo aan la inkiri karin inta aan ka aragnay saaxada yaana markhaati noogu filan walaahul mustacaan calaa maa yasifuun.
Asc
ilaahay ajir iyo xasanaad ha ka siiyo raga aad isugu dayaya inay dadka u iftiimiyaan dhibka ka haysta xarakada al-shabaab iyo dabar goynta ay shacabka ku hayaan hase ahaatee waxaan dhihi lahaa xarakadan waa imtixaan ilaahay dadka usoo diray. hadaan inyar idiinka sheego sida ayna xarakadan diinta ugu qanacsanayn iyo cidii diinta kula dooda sida ay uga takhalusaan, intii uusan bilaaban dagaalkii u dhaxeeyey iyaga iyo qolodii markaa la dhihi jiray xisbul islaam ee ka dhacay Kismaayo. markuu waydiistay sh. Axmed Maxamed Islaam inay kitaabka alle ku kala baxaan, Xassan Yacquub ayaa ugu jawaabay dagaal is difaac ah ayaan ku qaadaynaa Axmed Madoobe. marka waxaan garan la’ahay sida dagaal loogu qaado nin ku leh diinta aan ku kala baxno xitaa haduu kaa qaldan yahay.
khayrka allaha ina waafajiyo
Waxaan arkaa , in Cadaalada aad ka xuub siibateen , , Axmed C/samad , haddaa dhaliil u haydo , shabaab Allaah kaagama Raali ahana inaa Cadaalada ka tagto , oo wixii xunba Xaawaa leh tiraa. Culumaa u Nasab sheegataa , Hadda Qoraalada aad qorto ¨¨ee aad Shabaab u weeraree , qaarkood wallaahi waxaaba is dhahaa War ninka Magaciisa miyaa Qolo Caamo ah wax ku qoreen , sida uu DHabta u Dheerya .
waa cajaaib is barabardhiga qoraaga aad ayaan ula yaabay ka dib markaan dib u fiiriyay falalak al shabaab oo aad loogu yaqaan oraahyo huwan diin iyo dal u hiilin hadana falkoodu khilaafsan yahay wax ay ku dhawaaqayaan, war dadaow baraarug
marka hore waan salamayaa shiikha shiikh axmed runtii waan culumada aan aadka u jecel lahay waliaba waan ka xanaaqaa marka wiilasha yar yar ay website yada ku caayaan waayo shiikha waan la kulma waliba bil ramadan ma arag nin ku gaaro cibaado,akhlaaq,karti lkn kuma teegeersani shiikha in uu aad isgu hawlo waxka sheegida shabaab waan ogahay in ay meelo badan ka khaldan yihiin una baahan yihiin in looga nasteexeeyo hadaba yaa mudun in la isku hawlo dadkana looga digo waa dadka madax isku sheegaya dadkana baadilka iyo gaalo jaceylka u horseedaya
asc wiil mudug shiikh axmed waa layaqaan waana saad u sheegtay khayr Allaha siiyo nimaankaas iyo TFG waxba isma dhaamaan midna umada somaliyeed iyo musliimiintaba dan umahayo shiikhana waxaan dhihilahaa xagaas ka sii wad jazakalaahu khayran