Amniyaatka in Godane – Khawaarij mise wakiillo cadow ? W/Q Axmed M. Ciise

Published on January 10, 2012 by   ·   6 Comments   ·   print

Dad badan ayaa uga gaabsaday wax-ka-sheegga iyo naqdinta Al-Shabaab labo arrimood awgood: tan koowaad, maadaama culimadu sheegeen in dagaalka ay wadaan yahay  fitno, fitnadana ay tahay in laga gaabsado oo laga fogaado. Tan labaad, iyadoo loo maleynayey in wax dhaamaa aysan jirin; haddii iyaga laga adkaadana, dalka shisheeye cadow ahi qabsan doono. Haddaba – sida Soomaali iyo Muslimiin kaleba – waxaan mar qura si xanuun iyo argagax leh ugu salaley dilkii, Allaah ha u naxariistee, Sh./Dr./Mumtaz Military Officer – Axmed Xaaji C/Raxmaan anigu aqoon shakhsi ah uma lahayn, weligayna fool-ka-fool ulama kulmin Shiikh Dr. Axmed Xaaji C/Raxmaan.

Shakhsiyaddiisa, wanaaggiisa, iyo aqoontiisii baahsanayd waxaa hore si qoto dheer uga hadlay saaxiibbadiis iyo intii taqaannayn maalinka ay timaaddo Jihaad dhab ah iyo raadin dowlad Islaami ah, waxaa hubaal ah in uusan Shiikh Dr. Axmed Xaaji C/Raxmaan cabsi amase munaafaqnimo awgeed – sida ina Godane, sidii gabar cadraa ah – wejiga qarsadeen. Wuxuu ahaan lahaa abbaanduule ciidan oo dejiya khiddada iyo qorshaha dagaalka. Wuxuu ahaan lahaa caalim aan meel kale cilmi iyo fatwo u doonan. Wuxuu ahaan lahaa aftahan – markii ay noqoto dood iyo hadal. Xarakooyin Islaamiyiin ah oo hubaysan ayaa Soomaaliya ka jirey labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaana hore u dhacay dagaallo lagu hoobtay. Balse, marna hore uma dhicin waxa maanta gumaad iyo xadgudub aan xad lahayn la geysanayo iyadoo la huwan yahay shaar jihaad iyo Islaam. Sababtuna waxay ahayd raggii hoggaaminayey xarakooyinkaas waxay ahaayeen rag madaxbannaan, isla markaana doonayey in aysan dadka ku dirin diintooda naxariista badan ee Islaamka.

Tusaale ahaan, markii 1992 dagaalku dhexmaray ururkii Al-Itixaad iyo maamulkii C/llaahi Yuusuf, waxaa camaliyad gaadmo ah ay ku qabteen C/llaahi Yuusuf. Raggii qabtay waxay u keeneen taliyahoodii – oo hadda ah sheekh caan ah laakiin waagaas ahaa nin dhallinyaro ah oo da’ yar, balse Alle ku mannaystay caqli iyo xikmad. Ragga qaarkiis ayaa  ku hanjabay inay dilayaan C/llaahi Yuusuf laakiin ninkaas dhalinyarada ahaa wuxuu diiday arrinkaas; C/llaahi Yuusuf isagoo aan bahdilid, jirdilid iyo wax kale loo geysan ayaa la siidaayey. Taliyahaas dhallinyarada ahaa wuxuu miisaamay oo ka fakeray maslaxada iyo mafsadada ka dhalan karta haddii la dilo C/llaahi Yuusuf. Wuxuu ka fakeray sumacadda xarakada Islaamiga ah iyo dacwada diinta. Wuxuu ka fakeray saamaynta dilkaasi ku yeelan karo dadka shacabka ah ee walaalaha ah ee degaankaas wada dega. Wuxuu ka fakeray midnimada iyo is-haysashada xarakadii Islaamiga ahayd ee uu ka tirsanaa.

C/llaahi Yuusuf markii la siidaayey kadib, wuxuu guluf dagaal oo ballaaran oo lagu  hoobtay ku qaaday xarakadii Al-Itixaad. Wixiise intaas ka dambeeyey, culimada reer Puntland iyo dacwada diintuba waxay heleen nabad iyo xorriyad ilaa iyo intii uu C/llaahi Yuusuf ahaa hoggaamiyaha Puntland. Haddaba, wixii ka dambeeyey duullaankii Itoobiya iyo burburkii Midowgii Maxaakiimta, waxaa soo shaac-baxay ururka Al-Shabaab waxaa soo baxay rag qallafsan oo weji iyo af duuban, oo qaarkood Af Soomaali ku hadlayaan, qaarna aammusan yihiin. Oo badankoodu dool ku yihiin oo aan laga aqoon meelaha ay qabsadaan iyo meelaha ay maamulaan.

Waxaa hoggaamiya rag aan Soomaalida badankeedu hore u maqli jirin, isla markaana aan loo tirin laguna aqoon cilmi  diineed iyo mid ciidan midna. Rag wata oo ay ku hareeraysan yihiin boqollaal shisheeye ah oo aan la aqoon cidda ay yihiin iyo cidda soo dirsatay. Rag sheeganaya amiirro laakiin aan ka hadlin masaajidda iyo fagaarayaasha. Waxa keliya ee laga maqlaa tahay cajalado la soo duubay. Rag aan wejigooda tusin ciidanka ay u dirayaan dagaalka. Rag dhallinyaro hub fudud ku hubaysan ku halaagay markii ay ka horgeeyeen ciidan rasmi (professional) ah oo ku hubaysan gawaari gaashaaman, taangiyo, iyo madaafiic.

Rag israaciya oo ruux-toga ninkii sarkaal ah oo aan koox-hoosaadkooda ka tirsanayn ee dhaawacma. Waxaan maqli jirey ‘waxaasi waa dhurwaa dhurwaayo ka jabay’! Rag DKMG ee tabarta iyo taladaba yar, u yaqaan ‘Kooxda Riddada’ – koox gaalowday oo gaalo hiil ka doonatay. Dhanka kalese, rag iyagu saaxiib la ah oo hub iyo kaalmo ka hela Isaayas Afawerqi (Eriteriya) oo ah gaal ka xun, kana cadowsan Meles Zenawi. Afawerqi oo ah ninkii cagta mariyey jabhadihii Muslimiinta reer Eriteriya ee iyagu bilaabay halgankii dagaalkii xorriyadda. Afawerqi oo 30%  ah Kiristaanka Eriteriya ku sandulleeya oo ku haysta in ka badan 60% shacabka Eriteriya oo ah Muslimiin. Afawerqi oo sheegta kuna faana in asalkiisu yahay Yahuud. Afawerqi oo ka abaaldhacay dalalkii Muslimiinta ee iyagu ahaa kuwa u suurtogaliyey in shacabka Eriteriya galaan dagaal gobonimo-doon oo dheer.

Rag qummanahooda qoorta loo suray, oo, malaha, aammisan inaysan gefi karin oo macsuum yihiin. Oo aan oggolayn dood furan iyo niqaash ku salaysan daliil Sharci ah. Oo ninkii u duurxula, amase naqdiya, amase khilaafa – waxaa u qoran rasaas madaxa iyo wadnaha looga dhufto. Rag cuqdad iyo xiqdi u qaba culimada ka aqoonta badan, kana shacbiyadda badan. Rag aysan u muuqan musiibada ku habsatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Oo dadkii sii barakicinaya oo dalkoodii ka suulinaya. Oo dhulkii xaalufinaya iyagoo dhirtii dhuxul ay lacagteeda dagaalka ku sii huriyaan ku beddelanaya. Rag doonaya Soomaaliya inay u isticmaalaan saldhig ay dalal kale kaga duulaan. Rag cadowga shisheeyaha siinaya fursad iyo marmarsiinyo ay ugu soo duulaan oo ku qabsadaan dhulka Soomaaliya.

Waxaas oo dhan waxaa loo saaraa Al-Shabaab, laakiin waa inaan fahamnaa in Al-Shabaab yahay urur u afduuban ina Godane iyo khusuusidiisa (inner circle) iyo ilaaladooda shisheeyaha u badan. Kooxdaasi waxay Al-Shabaab u maamulaan sida Mafia-yada oo cabsi iyo khaarijin ayaa meesha ka jirta. Dilal iyo xadgudubyo badan oo Al-Shabaab loo aaneeyo, ma ahan kuwo lagu go’aamiyo xalqo xor ah oo ay u dhan yihiin, lagalana tashado ragga lagu tuhmayo inay yihiin hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab. Rag badan oo culimo ah oo halkaas joogana, meesha cod iyo go’aan kuma laha.   Kumannaanka dhallinyarada ah ee hubka Al-Shabaab u sida, waxay u badan yihiin rag dalkooda iyo diintooda u daacad ah laakiin si gurracan loo adeegsaday.

Dadka Al-Shabaab dhaleeceeyaa waxay si huwin ah ugu tilmaamaan ‘khawaarij’. Taas waxaan u arkaa sifo dusha laga saaray kumannaan qof oo wax walba leh. Waxaan u maleynayaa waxaa la joogaa xilligii arrinta laga eegi lahaa dhanka siyaasadda oo diiradda la saari lahaa ina Godane khusuusidiisa iyo Aminyaadkiisa. Waxaa la joogaa xilligii la ogaan lahaa kooxdan waxa ay ku kacayaan ma caqiido iyo faham diineed oo ay sidaa u arkaan baa mise waxay ku shaqaynayaan qorshe loo soo dhiibay oo ay soo diyaariyeen cadowga Muslimiinta iyo Islaamka.

Kooxda ina Godane way fashilantay, waana inay is-casilaan. Haddiise ay diidaan – si loo badbaadiyo kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah naftooda – waa inuu dhacaa gadood iyo cinqilaab Al-Shabaab dhexdiisa ah. Ugu dambeeyn, waxay u egtahay in Soomaaliya loo dejiyey qorshihii hashii ninka gurrani dheelmay. Soomaalida badankeedu Al-Shabaab ma taageersana, isla markaana rajo kama qabaan, niyadna uma hayaan DKMG. Haddaba – inta aan la isku jebin amase la xasuuqin jiil idil oo da’yartii Soomaaliyeed ah, isla markaana aan  dalkeenna lagu daadin bambooyink firdha (cluster bombs) ee markii ay  qaraxdana wax xasuuqda, tii qarxiweydaana noqoto miino dhul-jiifa ah oo sugeysa cid taabata uun -  sidee loo helaa awood Soomaaliyeed oo taag leh. Awood u daacad ah Diintooda, dalkooda, iyo dadkooda?

Afeef  Aragtida Qoraalka waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

W/Q Axmed M. Ciise



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. C/raxiim Ciise Cadow oo Sheegay inay la wareegeen Deg. Boondheere
  2. Nabi Ciise oo ninkii wax xaday ka rumaystay dhaarta W/Q: Axmed C/samad
  3. Wasiirka Amniga Puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo Sheegay in Puntland ay leedahay Cadow kala duwan
  4. C/raxiim Ciise Cadow “Ciddii nagu xad gudubta maanta ka bacdi ama na Dhibaateysa ama Af-nagu Dhibaataysa ama Adin nagu Dhibaateysa insha allaahu Maanta wixii ka danbeeya Xisaabtan ayuu noqon doonaa”
  5. Hanjabaadda Axmed Walad Cabdalla: Sharci mise Sheeko Baraleey?

Readers Comments (6)

  1. laazib says:

    Assalaamu Caleykum.

    Qoraaga waxaa fiicneed maqaalkiisa inuu ku furto bismillahi iyo saliga nabiga, sidi sheeko soo socotay ayuu u bilaabay, sida kale maqaalka waa fiicnyahay se sidi awood soomaaliyeed oo taag leh loo heli lahaa taladaada soo bilaaaw adiga.

  2. Abu abdala says:

    ahmed m. ciise
    walaalkayga islaamka ahow sheikh axmed anaa aqaan inta aad sheegtay ayuu ku sifaysnaa waana saad u sheegtay ninmankaas ilaah ayaan kaga dacwoonaynaa alaha naga qabto waxaan leenahay ilaahow qof dambe oo islaam ah haku imtixaamin adna runta aad sheegtay alaha laa abaalmariyo khawaarijtuna ha ogaato xijaab la xirtay sida gab dhihii ma aha xaal rageed sc

  3. dhicis says:

    asalaam calaykum.walal qoraga maqaalkan qoray cid ka af adag wali maanan arag.arinta uu kutilmamay ninkii siidaayay cllahi yussuf maslaxada iyo mafsada dilkisa cidwaliba oo somali ah way garanaysaa tan awlaysnayd,wadaadadi alitixaad waxyaalaha aykashalaayaan ayaay kamidtahay siidayntii cllahii yussuf.aabihi fitnada soomaliya ayaa lasiidaayay waxaan u arkaa arinqaldan,waxaana kulatalinlahaa qoraaga ilah kacabso

  4. Falxado says:

    Axmed M. Ciise

    Waxaad qortay qormo xiisa leh .. laakiin!

    Alshabaab goorta uu inxiraafku ku dhacay hadda maahayn!! Goorta ay billaabeen saqiir suujinta, dhagar dilka iyo ceegada hadda maahayn??

    Waa maxay waxaan ictisaam sida nabar soo booddo u qabtey??

    Miyaanay ceeb idnku ahayn inaad shabaab u abtirisaan markii adinka afraaddiina la taabtey ka dib?? markii horena aad aamusneedeen ama si xishood leh u hadli jirteen? imisaa oday waayeel oo mooge (innocent) dhgar loo dilay, imisaa islaan agoon korsanaysay loo dilay meel heblaayo ayay gashay, imisaa nin dhallin yaro ah oo niyad san oo islahaa raggii aad shalay isku dariiqa ahaydeen sahal kugu dili maayaa la gawracay oo maydkiisa eeyaha loo tuuray, imisa miino gurigooda lugu hor aasay ka gilgishay sidaasna loo dilay??

    Maxaa hadda idinka hadalsiiyay??

    Maxaad u qiran weydeen inay Alshabaab yihiin camalkiinni oo laydinku salliday??

    Ikhyaarey koox kale ha nagu samaynina.. falkiinnii hore waxaa ka dhashay alshabaab.. iyagiinna waa idinka ka qeylinayaa..!!

    Shibir baa mar dab qaadday markiina buulkeedii ay gubtey..!! idinkuna mar baad dab qaateen waxaadna gubteen wax kasta!!!

    maba idii harin wax kale oo aad gubtaan!! you burned every thing!! you left nothing!!!

  5. Taabici says:

    Asc
    Qoraaga Jazaaka-llahu khayr, qaa qoraal xiiso leh inkastoo waayahan dambe shabaab iyo waxa ay yihiin aad wax looga qoray. dadkase faalada ka bixiyey waxay u muuqataa nin walba meeshii u darnayd ayuu ka hadlay, nin baa hadalkiisii ku soo gaba gabeeyey allaah ka cabso, waxaanse leeyahay qoraagu ma wuxuu ku dambaabayaa in qof kale fikir uu adeegsaday uu sheego iyo sidii ay qofkaas ula muutay arrin markaam hor taalay? qof kale ayaa yidhi maxaa hadda idinka hadalsiiyey oo aad awal la aamusnaydeen. waxaan dhihi lahaa qofka hadii laga taabto wadnaha wax u dhiman ma jiraan, dilkii Dr. Sh. Axmed wadnaha ayuu naga taabtay sidaas ayaan la hadlaynaa hadda

    Allah khayrka ha ina waafajiyo kuligeen

  6. sheekha says:

    falxado
    .
    dr.axmed rximahuALLAAHU waxaa loo dilay aamus!! kolka sax maaha in culimadu aamusnaayeen.
    .
    haddibase ay awal aamusnaayeen haddase ay soo kaceen ma in la dhiirigaliyaa mise waa in la aamusiyo.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. C/raxiim Ciise Cadow oo Sheegay inay la wareegeen Deg. Boondheere
  2. Nabi Ciise oo ninkii wax xaday ka rumaystay dhaarta W/Q: Axmed C/samad
  3. Wasiirka Amniga Puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo Sheegay in Puntland ay leedahay Cadow kala duwan
  4. C/raxiim Ciise Cadow “Ciddii nagu xad gudubta maanta ka bacdi ama na Dhibaateysa ama Af-nagu Dhibaataysa ama Adin nagu Dhibaateysa insha allaahu Maanta wixii ka danbeeya Xisaabtan ayuu noqon doonaa”
  5. Hanjabaadda Axmed Walad Cabdalla: Sharci mise Sheeko Baraleey?

Latest Headlines