Culimada ku sugan Boosaaso oo muxaadaraad xidhiidh ah ka bilaabay Masjidka Al rowda

Published on January 7, 2012 by   ·   No Comments   ·   print

Muxaadaraad xidhiidh ah oo ay jedinayaan Culimada ku sugan magaalada Bosaaso ayaa ka socda Masjidka Al rowda ee Magaaladaa waxaana ka qeyb galaya muxaadaraadkaas culimo kala duwan oo ay ka mid yihiin  Sheekh C/qaadir Nuur Faarax , Sheekh Daahir Aw Cabdi , Sheekh Axmed Daahir , Sheekh Axmed C/samed Cabdulle, Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur .

Culimada ka qeyb galaysa muxaadaraadka ayaa si guud uga hadlaya ciwaan  ah ( مفاهيم ينبغي أن تصحح   waxyaabo loo baahan  yahay in la soxo ) waxayna muxaadaraadku si toos u soo bilowdeen habenkii khamiista ahaa .

Culimada ayaa habeenkiiba hal muxaadaro soo jeedinaya iyago halkii muxaaradaba ay wadaagayaan labo sheekh, waxaana habeenkii koowaad si wada jirka muxarado u soo wada jeediyay Sheekh C/qadir Nuur Faarax iyo Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur .

Waxaa sidaa oo kale habeenkii xalay ahaa muxarado ciwaankeedu ahaa  loolanka ka dhaxeeya xaqa iyo baadilka soo wada jeediyay Sheekh Axmed C/samed iyo Sheekh Axmed Daahir , waxayna labada Sheekh si guud uga wada  hadleen loolanka ka soo dhaxeyn jiray Xaqa iyo baadilka iyo waxyaabaha inta badan keena inxiraafka caqiiqdada islaamka , iyo sidaa oo kale khalad u fahamka nusuuska diinta , baneysiga dhiiga muslimka iyada oo loo soo daliishanayo axkaam aan qabaneyn si loo xalaashado dhiigiisa.

Culimada ayaa si guud ahaaneed dadka ugu badhaaminayay xaaladaha sii xumaanaya ee dalka hadda marayo iyo sidaa oo kale beegsiga dadka ahlu diinka ah ee ay Xarakada  Al shabaab beegsaneyso iyo sidoo kale goodinta iyo baneysiga dhiiga muslimka ah.

Muxaadaradka ayaa lagu wadaa in ay socdaan ilaa sadex habeen oo cawa oo sabti ah ku ekaan doonto , waxaa jirtay in culimada su’aalo kala duwan ay dadku soo weydiinayeen  dadka la socday muxaadaraadka waxaa iyana jiray in muxaadaraadka ay si toos ahi u baahineysay Idaacadda Quraanka Kareemka ee Al Xikma xarunteeda Boosaaso.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Dr Axmed Xaaji ,Sheekh Abuu Xasaan iyo Sheekh Axmed Cabdi samed oo muxaadaraad kala duwan ka soo jediyay Jaamacada Bariga Afrika & Masjidka Al-Rowda
  2. Dowro Sharci ah oo loo magac daray la dagaalanka galaysiinta”التكفير” oo Galabta laga bilaabay Masjidka Al-Rowda ee M. Boosaaso
  3. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Caawa darsigii sadexaad oo ciwaankiisu ahaa (KAALINTA CULIMADA IYO ARDAYDA NASEEXEYN IYO SIXITAAN) ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9-aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M. Boosaaso
  4. Kulan Cilmiyeedkii 9aad ee ka socday Masjidka Al Rowda ee Magaalada Boosaaso oo caawa la soo gabagabeeyay
  5. Nadwadii 9-aad oo xalay si rasmi ah uga bilaabatay Masjidka Al rowda ee Magaalada Boosaaso

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dr Axmed Xaaji ,Sheekh Abuu Xasaan iyo Sheekh Axmed Cabdi samed oo muxaadaraad kala duwan ka soo jediyay Jaamacada Bariga Afrika & Masjidka Al-Rowda
  2. Dowro Sharci ah oo loo magac daray la dagaalanka galaysiinta”التكفير” oo Galabta laga bilaabay Masjidka Al-Rowda ee M. Boosaaso
  3. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Caawa darsigii sadexaad oo ciwaankiisu ahaa (KAALINTA CULIMADA IYO ARDAYDA NASEEXEYN IYO SIXITAAN) ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9-aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M. Boosaaso
  4. Kulan Cilmiyeedkii 9aad ee ka socday Masjidka Al Rowda ee Magaalada Boosaaso oo caawa la soo gabagabeeyay
  5. Nadwadii 9-aad oo xalay si rasmi ah uga bilaabatay Masjidka Al rowda ee Magaalada Boosaaso

Latest Headlines