Waa tix aan ka tiriyey dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan (Allaha u naxariistee) oo isaga oo salaad subax masaajidka ka soo baxay oo sooman dhagarqabayaal madaxa u soo duubteen.
1.Ashqararayeey Arin miyaa laygu soo kadiyey
2.Ma Arooryo soon bay dileen Ehelo kheyrkiiye
3.Isagoo adkaarsadey miyaa madaxa loo duubtey
4.Iriduu kasoo baxay miyaa laga ilaaleystay
5.ma Asqihii Rasaseed ayaa Uunku wada toosey
6.Axmed dhimaye Eebow Janee miyaa la isla qaadaayey
7.In Aabi loo diley Miyaa uunka wada Gaadhey
8.Ma almadey ruuxii yaqiin ilin miyuu hooreey
9.Eebow Addoon buu ahaa Aano aan qabine
10.Eebow akhyaar buu ahaa diinta aaminaye
11.Eebow Ustaad buu ahaa ifiye diintaada
12.Eebow adiib buu ahaa Eexo aan Barane
13.Eebow abwaan baan ihiyo odorosaa wayne
14.Eebow Astaamee raggaa Aduunba garane
15.Eebow aafo iyo ku Oom daano iyo ceeb
16.Eebow inkaarnaye dadkaa Eega la arkaa

Related posts:
axsan gabey dheh waa gabey afar ley ah
maansha alaah gabey wanaagsan