Dr Axmed waxaa lagu dilay Bosaso 5/12/11 isaga oo kasoo baxay masajid gurigiisa daris la ah kuna soo tukaday saladdii subax,markii la maqlay dilka sheekha dad badani waa rumaysan waayeen, kuwo kalena argagax bay meel kula suuxeen, taasna waxa keenay boska sheekhu ka joogay ummadda haday tahay cilmiga uu lahaa iyo haday tahay waxtarkiisaba, sheekha aaskiisii waxa kahadlay dad isugu jira culimo iyo maamulba dhammantood waxay isku raaceen XARAKADA AL-SHABAB inay dileen Sheekha.
Hase ahatee AL-SHABAB arintaas mana qiran mana inkirin, laakiin dadka taageera AL-SHABAB oo badankoodu ku nool dalka dibaddiisa, ayaa arintaas aad ugasoo horjeedsaday, waxayna eeddii dusha ka saareen ciidanka PIS ta ee jooga Bosaso iyo maamulka Puntland oo uu ugu horreeyo Madaxweynaheeda. Waxaan iyadu dhanna ku raacin wixii ay sheegeen Beesha uu sheekhu ka dhashay oo ku jawabtay aamus, waxayna doorbideen inay baaritaan xeeldheer sameeyaan kaas oo ay rabeen inay ku gaaraan xaqiiqo aan cidina dafiri Karin, meeshana ka saaraysa in uu tuhun iyo isku tuurtuur galo dhiigga Dr Axmed Xaaji allaha u naxariistee.
Manta oo ay bishu tahay 30/12/11 ayay beeshii soo saartay bayaan ay ku caddaynayso jihada dhabta ah eek a danbaysay dilka sheekha, taas oo aan ahayn oo kaliya inay afka ka sheegeen, ee waxay hayaan dadkii dhab ahaan uga danbeeyay dilkii, walowba ay sheegeen in dadkaas qaar ka dhiman yahay, balse sida hadalka ka cad badankoodii wixii dilka ka danbeeyay waa la hayaa. Waxay beeshu qodobka ugu danbeeyay bayaankooda ku sheegeen inay jawaab cad ka sugayaan hoggaanka ururka AL-SHABAAB oo ah jihada rasmiga ah ee gaar ahaan falkaan ka danbeeyay sida ay caddeeysay beeshu.
Hadaba su,aasha is waydiinta lihi waxay tahay, maxay tahay jawaabta laga filayo inay AL-SHABAAB usoo celiyaan beesha Leelkase gaar ahaan, guud ahaanna ummudda Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan.
Aniga waxay ila tahay labo arimood inay kuso jawaabi karaan.
1- Inay iska aamusaan maadaama aan qorax sacab lagu qarin Karin oo aysan arrinta dalabka waxba kasoo qaadin ee ay iska indho tiraan sidii iyagoon maqalba.
2- Inay fasir u raadiyaan Beesha soo saartay bayaanka oo macno kale kasoo saaraan si ay isugu dayaan inay tushuush galiyaan xaqiiqnimada baarista iyo xogta la hayo.
Duulka waxaa lagu bartay inay abuuraan been aan waxba ka jirin oo ay run u ekaysiiyaan, waxay awood u leeyihiin inay yiraahdaan Beesha Leelkase waxay qaateen lacag, ama odayaasha soosaaray bayaanka ma matelaan beesha Lelkase iyo waxyaalo aan ka agfogayn intaas. Sababtoo ah dilka sheeku waa arin wayn oo fadeexo ku noqonaysa ciddii dilkiisa ka danbaysay waxay kaloo noqonayaan kuwo, carada ilaahay ku dhacday oo umaddoo dhamina u aqoonsato inay yihiin mujrimiin iyo mufsidiinta ugu wayn waxa manta ka jira Somalia.
Waxay kalooorankaraan dadka lahayo waa Asha-haado la dirir ay kasoo shaqeeyeen maamulku si ay qiraal been ah u sameeyaan oo looga dhigo dad ka tirsan Xarakada AL-SHABAAB wallow raga ururkaas ka tirsan ay si fiican u garan doonaan dadka dilay sheekha ee la hayo in la dafirana ay shabaabka laftooda waswaas badan galin doonto.
Su,aasha kale waxay tahay maxaa la gudboon kuwii sida indho la,aanta ah u difaacayay AL-SHABAAB oo lahaa madilin iyagu ee PIS baa dishay sheekha , haddii ay cadaatay inay dileen AL-SHABAB. Ma waxay soo qori doonaan kuwo lamidah arimaha aynu kor kuso xusnay oo kale oo waxay isku dayi doonaan wax kastaba haku qaadatee inaysan aqbalin xaqiiqada la gaaray?. Masii wadi doonan taageeradii ay u hayeen AL-SHABAB, haddii ay awal ka dahsoonayd xaqiiqada waxa ay yihiin AL-SHABAAB?.Ma kahor imaan doonaan oo ma cambaarayn doonaan iyaguna ma qiran doonaan inay ku khaldanayeen taageeriddooda?.
Kolley waxa la rumaysan yahay taageerayashu inay isugu jiraan dhowr nooc, badankooda ama kuwo ugu dardaranna waxay ku nool yihiin wadanka dibaddiisa(cariga gaalada) oo dalka muddo dheer kahor baa ugu danbaysay. Hadaan soo koobno waxaan ukala qaybin karnaa sidan soo socoto:
1- Kuwo diin jacayl u taageersan Ururka oo maqlay nimankaasi waxay dalka ka difaacayaan gaalo kusoo duushay oo waa kooxda kaliya ee manta hortaagan in Somaliya la gumaysto, hase ahaatee aan xog dheraadah ka hayn ujeedooyinka Ururka,noocani waxaa laga yaabaa in dhib farabadani kasoo gaartay wadamada ay ku nool yihiin oo ah caddaadis xagga diinta ah.
2- Kuwo kale waxay u taageersan yihiin Ururka ayaa dagaal kula jira dad isagu neceb yahay ama ha u necbaado qabiil ahaan oo wuxu is leeyahay reer hebel wixii laynaya waa inaad taageerta maadaama ay yihiin qabiilkii aad necbayd ama ay is hayeen reerkina. Ama diin ahaan buu u neceb yahay oo wuxuu u arkaa haddii kuwaasi mesha kabixi lahaayeen in isaga boos uga bannaanaan lahaa.
3- Kuwo kale waxay u taageersanyihiin waxaa loo soo diray Ururka laftigiisa oo waxay doonayaan inay kalsooni ku dhexyeshaan si ay xog dheeraada uga helaan oo aan looga shakiyin urukan oo dabeecadihiisa ay ka mid tahay inay iska qaataan cid kasta oo tiraahda waan idinla jirnaa.
Isku soo duuduub waxaad moodaa in rajo laga qabi karo qofkii diini u gaysay taageerida ururkan in wax iska badalaan mowqifkiisa haddii ay u cadaatay in aysan meesha oolin diintii uu ku taageersanaa.
Waaxase daawadoodu ama rajada laga qabo ay yartahay labada nooc ee jirradoodu tahay qabiil, ama koox necbaysiga, iyo kuwa shaqadoodu tahay inay uruka war ka raadiyaan oo kuwaasi business bay ku jiraan.
Waxaa kaloo u baahan inay su,aal is waydiiyaan dhalinyarada u dirirta AL-SHABAB oo iyaga laftigoodu aan ka fogayn qaybaha aynu kor kusoo xusnay guud ahaanse u kala qaybsan ciidamada caadiga ah ee sida bareerka ah u dirira iyo kuwa qarsoon.
Marka waa dhici karta ciidamada caadiga in dilka sheekhu wax ka baddalo haddii uusan markaasi qabin cudurada kansarka ah ee qabiil nacayb,koox gaara oo culimo ha nacayb ama shaqadiisu aysan ahayn inuu ururka dibindaabyeeyo.
Waxaa rajadoodu aad u yartahay, kuwa sida gaarka ah loo khaliifay oo wax loogu akhriyay ee AXMED GODANE xukumo oo ka danbeeyay dilkii sheekha sida Beeshu caddaysay inay marnaba arintaa ka tanaasulaan waxana keenaya dhowr qodob.
Inta aanan u gelin qodobada soo socda, horta milicsi guud aynu fiirino ururka oo kulansaday mad-habyo farabdan oo kasoo saaray hal mad-had oo cusub. Markii aad fiirisid dilalka qorshaysan ee arxan darada ah ee uusan qofku dhaawac lahayn dhimay mooyee, waxaad arkaysaa in howlahaan ay caan ku ahayeen ururkii khawaarijta ee dilay labadii khalif ee janada loogu bishaareeyay ( CismanIbnu Cafaan iyo Cali Ibnu Abii Daalib allaha ka raalli noqdee) taas oo si cadaan ah inoo tusaysa,dilka culimadu inuusan hadda bilaaban iyo waliba in figraddii Khawarijtu weli nooshahay. Waxaa kale oo iyaguna ku caan baxay dilalalka noocan oo kale ah ururada, Birigaato Rose iyo CIA halkaana ay kasoo dheegteen.
Markaad aragtid beenta aan laga gabbanayn oo meeshii la doono loo isticmaalayo, waxaad garanaysaa inay kasoo qaateen TUQYADII shiicada. Markad aragtid gaalaysiinta umaddoo dhan sheikh iyo shariif, waxay kasoo qaateen TAKFIIR. Markaad aragtid qaraxyada aan loo meel dayin oo boqolaal qof hal mar qudha looga jarayo, waxay kasoo qaateen AL-QACIDA.
Sidaa daraadeed qodobada ay adag tahay inaad ka baxdid kooxda garka ah ee INA GODANE waxaa adkaynaya arimahan soo socda.
1- Qofkii ka baxa waa la dilayaa sababtoo ah xogbadan buu hayaa(waana sida lagu yaqaan CIA,BIRIGATO ROSE).
2- Qofku isagaa dhiiggii ku mabay oo dad badan laayay sidaa daraaddeed meel aan kooxda dhexdeeda ahayn kuma noolaan karo(dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqa)
3- Qofka waxaa loo qabaa noloshiisa oo way ku adagtay inuu shaqo kale raadsado.
4- Waxay u badan yihiin dhalinyaro badankoodu aan 20ka dhaafin garaadkooda ayaa aad u hooseeya waxayna wax heer sare ah u arkaan howshaan ay ku jiran oo u eg tii ay filimada ka daawan jireen (ATOORE).
Maxaa la gudboon ummada Somaaliyeed, waxaan arkaa in howshu figtii ugu sarreysay gaartay oo wax inoo haray aan la arag, dal,dad,diin,cirdi(sharaf),dhaqaale,caqli. Dhammaan wixii shareecada lslaamka loogu talo galay inay ilaaliso, ayaa la burburinayaa waxaana loo isticmaalay oo lagu burburiniyaa isla Shareecadii magaceedii taas oo keenaysa in dadku (caamada) karaahsadaan diinta islaamka ayna u arkaan inaysan u naxariis dhaamin Dimuqraadiyaddii,Shuucuyaddii, iyo Dhaqankii jaahiliga ahaa. Marka ma dhici kartaa in dadku baarugo oo dulliga saaran iska rogaan, oo dalkooda iyo diintoodaba badbaadsadaan.???
Culimada maxaa la gudboon, waxaan arkaa iyagu awalba kaalintooda waa qaadanayeen oo waxa loo laynayo waa in la aamusiyo, marka waxaan leeyahay sidii xaqa ula taagnaada dil hal sheikh ama labo iyo sadex toona ha uga aamusina caddaynta diinta iyo inaad sheegtaan khaladka jira ilahayna ha idin xifdiyo.
Waxaan arkaa in ducada la badiyo, ilaahay inuu inaga qabto kuwa ashraarta ah ee afduubka ku qabsaday dalkii iyo diintiiba,hase yeeshee ducada wax ha lagu daro(sheekhoow wadeeco alle, xoolaha wax haloogu daro).
W/Q: Xasan Cali Maxamed.
hassandcd@hotmail.com

No related posts.
No related posts.
walaal afkaaga caana lagu qabay si fiican ayaa wax u iftiimisay, qorayaasha kalena sidaa ayaan ka rajaynayaa
asc wr wb dhamaan akhyaarta
waxay ilatahay soomaali war kumadhimana dhan walba laakiin waxaa loo baahanyahay xikmaddii dhiraan dhirinlahay kana soo saari lahay wax camaliyad loo badalo ama shaqayn kara lakiin hadalku hadduu bato kii hore iiqiimaha lahaa ayuu masxayaa markawaxaan oronlahaa inay kaff,iidaystaan xikmadahaan yaacaya qolooyinka wax qora oo koley waxay bogogaan usamaysteen in waxuun xikamada ahi kosooo dhacdo marka kafaa,iidaysta.
Alloow xaqa nawaafaji.wsc wr wb