Wargeyska Independent ee ka soo baxay Ingiriiska ayaa shaaciyay in Dowlada Ingiriiska ay qorsheynayso in ay gasho xaalada Soomaaliya kadib hadalkii uu jeediyay David Cameron ee ahaa in xaalada Soomaaliya ay khatar ku heyso danaha Dowlada Ingiriiska.
Cameron ayaa sida uu wargeysku qoray aad uga xun dhibaatooyinka loo geysto dadka u dhashayBritainee lagu waxyeeleeyo Soomaaliya taasi oo cabsi weyn ku abuurtay safarada Dibada ee Dadka Igiriiska ah ay sameyn jireeen.
Jonathan Evans oo ah madaxa laamanaha SirdoonkaBritainee MI5 ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqotay wajiga labaad ee badalayPakistandhinaca tababarada xogaga xag jirka ah sababna ay u tahay Xarakada Al shabaab oo xidhiidh la leh Al Qaacida.
Qodobo badan ayay Britain qorsheynaysaa in ay hordhigto shirka lagaga hadli doono khatarta budhcad badeeda Soomaaliya ka jirta iyo sida wax looga qaban lahaa kaas oo bilowga sanadka soo socda ka dhici doona London, wuxuuna Wargeysku tilmaamay in David Cameron uu fursadaa uga faa’iidaysan doono soo bandhigida ajadaha Britain ee ku aadan Soomaaliya si halkaa taareero looga helo iyada oo laga fogaanayo diido iyo cambaareyn ku timaada qorshaha Britain.
Waxa uu Wargeysku xusay in go’aanka uu qaatay David Cameron ay tahay in uu fulo kadib marka ay galaan Soomaaliya ayna lagama maarmaan tahay inBritainay niyada ku heyso waliba si xeel dheer tijaabadii ay kala kulantay Gobolka Helmandi eeAfghanistan.
Qorshaha cusub eeBritainee Soomaaliya ayaa dadka indha indheeya siyaasada waxa ay ku sheegen inBritainay qorsheynayso in ay si toos ah u soo faragaliso arimaha Soomaaliya ayna sidoo kale siyasad iyo military ahabna uga qeyb qaadato howlgalada loogu magacdaray la dagaalanka Al shabaab iyo xasilinta Soomaaliya.

Related posts:
tanina waa bilaayo kale oo soo fool leh denbigeedana waxa iska leh waxmagaratada soomaali hoojisay sababna u noqotay in bulshadii dalka difaaci lahayd jeclaysato cid kasta uu dhibta haysata uga miciinta.
ma abuuqureyb cusub,xasuuq bulsho, baaba’a dhaqan iyo boob dhaqaale oo hor leh ayey la iman doonaan???, yaase sababay inay sidani dhacdo, weliba ku farxaya oo jecel inay dhabowdo?.