Dowladda Shiinaha ayaa ciidamada Amisom ugu deeqday deeq lacageed oo gaadhaysa 30 Milyan oo lacagta Shiinaha ah una dhiganta 4.76 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah si loogu caawiyo howlaha nabad ilaalinta ah ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya .
Shih Shiew Yang oo ah Safiirka Shiinaha u fadhiya Dalka Itoobiya ahna u qeybsaha Dowlada Shiinaha Midowga Afrika ayaa deeqa gudoonsiiyay Ramitan Lamamra oo ah u qeybsanaha Midowga Afrika dhinaca nabad galyada kadib xaflad lagu qabtay xarunta Midowga Afrika eeAddis Ababa.
Shih Shiew Yang oo hadal ka jeediyay xafladaa ayaa sheegay in kaalin muuqata ay ka qaateen caawinta iyo taageerada Midowga Afrika ay siinayaan si buu yidhi Midowga Afrika uu wax uga qabto xaalada fowdada iyo amni xumada ah ee ka jirta geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.
Shih Shiew Yang waxaa kale oo uu sheegay in Shiinuhu uu Midowga Afrika kala shaqeyn doono dhinyaca kale ah kobcinta iyo sare u qadida arimaha Bin aadaninimo ee ka jira qaarada iyo hey’aaadka Qaarada ka jira wuxuuna yidhi “ waxaan isku daynay u kuur galida dhinacyo kala duwan oo kulmisay qadiyadaha ka jira Afrika iyo xaaladaha iyo loolanada xidhiidhka la leh Xukuumaadaha sidaa oo kale dhibaatooyinka iyo loolanada ay dareemayso Qaarada iyo qadiyadaha muuqda ee la xidhiidha Suudan iyo Soomaaliya”.
Shih Shiew Yang waxaa kale oo uu sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay ee ay ka qeyb qaataan wuxuuna yidhi “ tani ma ahan markii ugu horeysan ee aan cawino runtii mana ahan markii ugu dambeysay muuqaalku halkan aad ayuu uga muuqdaa waxaan isku wadnaa innaan halkan ka furo xafiis cusub iyo iyo xarunta shirarka oo uu Shiinuhu balan qaaday …. Waxaa suura gal ah in xooga la saro hadda lagama maarmaanimada ilaalinta iyo amniga qaarada “
Dhinaca kale Lamamra ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqda ay Dowlada Shiinu soo gaadhsiisay Amisom ayna uga mahad celinayaan wax muuqdana ay ka tareyso howlaha horyaala Ciidamada AMISOM wakhti xaadirkan.
Marar sii horeysay ayay Dowlada Shiinu kaalmooyin kala duwan siisay Midowga Afrika , IGAD iyo DKMG ah ee taageerada ka heysata wadamada shisheeye waxaana celcelis ahaan deeqaha muuqda ee ay Dowlada Shiinu siisay Qaarada Afrika lagu qiyaasay Sanadkan 2011 150 Milyan oo Dollar.
Isha Warka – Al shacab Online

Related posts: