Hey’adda Kheyriga ee Dalka Qatar oo soo gaba gabeysay wajigii 7-aad ee gargaarka Soomaaliya

Published on December 26, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Hey’ada kheyriga ah ee Dalka Qatar ayaa sheegtay in ay soo gabagabeysay iyada oo kaashaneysa xafiiskeeda Soomaaliya kaalmooyinkii wajiga 7-aad ee gar gaarka Soomaaliya ay ugu tala gashay gar ahaan dadka ku waxyeeloobay abaaraha.

Jaasim Saalam oo ah Gudoomiyaha waaxda fulinta oo hadal siyay  saxaafadda ayaa sheegay in ay soo gaba gabeyeen wajigii 7-aad ee kaalmooyinka uuna  todobo mashruuc ka koobnaa  wajiga 7-aad ayna ku baxday qiyaastii 16 Milyan oo Riyaalka Qatar ah, waxa uu intaa raciyay in lacagahaas loogu  tala galay in lagu caawiyo dadka barakacay iyo in dib loogu dhiso deegaanada  ay dhibaatooyinku ka jiraan is dadka loo laabanayaa ay ugu suura gasho in ay nolol caadi ah oo ay la qabsan karaan ula kulmaan.

Waxa uu sheegay in mashaariicda ay Hey’addu wado dadka ka faa’iidaystay ay kor u dhaafayso ilaa 20 kun oo qoys  waxayna kaalmooyinkaasi sida uu sheegay isugu jireen agabka wax lagu karsado , bacaha roobka la isaga dhigo, nafaqeynta dhalaankaiyo biyaha nadiifta ah ee la cabo,

Waxa uu sheegay in gar garkooda ay maalintiiba si toos ah ugu faa’idaysaneysay  200 oo qof oo caruur ah marka laga tago dadka waa weyn iyo dumarka kuwaas oo uu ku sheegay in ay ahaayeen kuwo si gaar ah xaaladooda nololeed wax looga qabanayay.

Hey’adda kheyriga ah eeQatarayaa ka mid ah Hey’adaha howlaha gar garka ah ka wada gobolada koonfureed ee dalka waxayna hey’adani inta badan xooga saartaa nafaqeynta iyo kaalmeynta dadka xaaladoodu liidato.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Hey’adda Gargaarka Qatar oo dufacadii 4aad ee Kaalmooyinka ay Soomaaaliya ugu tala gashay u diraysa Soomaaliya
  2. Hey’adda Islaamiga ah ee Gargaarka oo sheegtay in ay kaalmooyin gaadhsiin doonto Gobolada Koonfueed ee Dalka Soomaaliya
  3. Xarunta Beder ee Diraasaadka Mustaqbalka iyo Tala bixinta oo gaba gabeysay Seminar socday 3 maalmood
  4. DKMG ah oo shaacisay in uu soo gaba gaboobay wajigii 2-aad ee kala dhaxeeyay Kooxda Ahlu Suna Wal Jamaaca
  5. Markab laga lee yahay Dalka Qatar oo la qafaashay

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Hey’adda Gargaarka Qatar oo dufacadii 4aad ee Kaalmooyinka ay Soomaaaliya ugu tala gashay u diraysa Soomaaliya
  2. Hey’adda Islaamiga ah ee Gargaarka oo sheegtay in ay kaalmooyin gaadhsiin doonto Gobolada Koonfueed ee Dalka Soomaaliya
  3. Xarunta Beder ee Diraasaadka Mustaqbalka iyo Tala bixinta oo gaba gabeysay Seminar socday 3 maalmood
  4. DKMG ah oo shaacisay in uu soo gaba gaboobay wajigii 2-aad ee kala dhaxeeyay Kooxda Ahlu Suna Wal Jamaaca
  5. Markab laga lee yahay Dalka Qatar oo la qafaashay

Latest Headlines