Shirka wadatashiga arimaha soomaaliya ee 4 maalmood ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Putland ayaa shalay galab si rasmi ah loo so gaba gabeeyay ,waxaana xidhitankii goob joog u ahaa dhamaan dhinacyadii ka soo qeyb galay shirka .
Mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadashay gababadii shirka ayaa sheegay in shirka wax badan lagu fala guray ayna u mahad celinayaan maamulka puntland sida wanaagsan ee uu isku xil saaray ka gun gaadhidda xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.
Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in shirka wax badan lagaga hadlay ayna ka soo baxeen qodobo wax tar ah wuxuuna dhinacyada ka qeyb galay shirka ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan qodobada shirka laga soo saaray.
Sidoo kale waxaa hadalo soo wada jeediyay madaxda labada maamul goboleed ee Puntland iyo Galmudug C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Caalin waxayna labadooduba sheegeen in aaminsan yihiin in ay haboon tahay in laga tanaasulo 4.5 waxa loo yaqaano balse aragtidooda waxa iska badalay ay tahay inta xaaladu sidan ka sii ronaanayso in qaabka cusub loo badalo taas oo ah in gobol kastaa laga soo doorto xubnaha barlamanka u mali doona.
Shirka ayaa dib u dhac ku yimid wakhtigii loo qondeeyay oo ahaa 3 maalmood waxaana maalinta afaraad loogu daray lagu sheegay in war murtiyeedka laga soo saari lahaa gabagabada shirka la isku maan dhaafay taasina ay keentay in dib loo dhigo shirka laguna daro maalinta 4aad .
Qodobada shirkaa ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in golaha barlamanka KMG ah lagu soo koobo 250 xildhibaan lagana tanaasulo 4.5 halkudhiga ah iyo in la kordhiyo wada shaqeynta ka dhaxeysa maamul goboledyada iyo DKMG ah .
Shirka wada tashiga arimaha soomaaliya ayuu qaban qaabadiisu lahaa xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay waxaana wakiil Q.M uga ahaa shirkaa uogustine Mhiga .

Related posts: