Sheekha waxaa la diley markii uu ka soo baxay salaadda subax, culumaduna waxay kaga dhawaaqeen qabuuraha salaaddii duhur ka dib in xarakada Alshabaab ka dambaysey dilkii Sheekha. Waxaana hubaal ah in aysan culumadu goobta sheekha lagu dilay joogin, ninkii la socday sheekha markii la dilayna wuxuu sheegay in ay ahaayeen labo nin oo aanu midna garanayn.
Qur’aanka iyo xadiiskana waxaa la ina ku amary in aynu ka dheeraano malaha badankiisa; waayo malaha qaarki waa dambi. Haddaba waxaa isweydiin leh culumadu maxay u cuskadeen eedda ay dusha ka saareen xarakada Alshabaab iyaga oo aan fursad u helin inay arrinta baaritaan ku sameeyaan?. Markii aan u kuurgalay waxa culumadu eedayntooda u cuskadeen waxaa ii soo baxay arrimahaan:
a) In Alshabaab iyo taageerayaashoodu mudaba ay culumada ku wadeen dicaayado cismada lagaga qaadayo (dhiigooda lagu banaysanayo), sida: culamaa’usuu’, taageerayaal cadaw, jihaad diid, shareeca diid, taangiga gaalada ayay ku gabbanayaan iwm, iyaga oo dicaayadahaas ku qoray buugaag, kana sheegay masaajida iyo saxaafadoodaba.
b) In culumadoodu fatwoodeen, kuna taliyeen laynta culumada.
c) In ay hanjabaado guud u jeediyeen culumada
d) In ay hanjabaado gaara u soo direen sheekha la dilay, sida: E-mail, massage iyo telefon.
e) Markii uu dhamaaday shirkii Baydhabo ee laga sheegay in culumada Ictisaam ka daranyihiin gaalada iyo dilka sheekha waxaa u dhexeeyey maalin ama labo.
f) In sheekha rag saaxiibadiis ah (oo isugu jira kuwo xarakada shabaab ka tirsan iyo kuwo ka agdhow) u sheegeen in Alshabaab ay dilayaan, ayna kula taliyeen inuu dalka si degdeg ah uga boxo.
g) Inuu maalmihii noloshiisa ugu dambeeyay sheegay in uu culays badan ka dareemayo nimankaas, markii dalka ka bax lagu la taliyeyna uu ku jawaabay: mabda’a aan xambaarsanahay sidaas uga ma cararai karno, waqtigaygana dhaafi maayo.
h) In ay ka muuqatey Diktoorka inuu u diyaargaroobay in la dilayo, muxaadarooyinkii ugu dambeeyay ee uu jeediyeyna kama marnayn dardaaran uu ummadda uga tagayey.
Haddaba arrimahaani waxay caddaynayaan hadalka culumadu in aanu ahayn “ul mugdi ku tuur” ee uu ku qotomay waxyaabo la taaban karo oo u baahan dhammaystir kaliya. Ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu ummadda u muujiyo kuwii shirqoolka sameeyey iyo kuwii fuliyeyba, uuna ciqaab adduun oo cibro noqota deg deg u mariyo, tan aakhirana u laalaabo, qof muslim ah oo sheekha ka dambeeyana uusan ku sallidin.

Related posts:
Assalaamu calaykum w.w.
Marka hore Aamiin aamiin aamiin ducada. Marka xiga xaq iyo baadil ma sinna, hadalka Sheekh Axmed C/samadna wuxuu jawaab cad u yahay shubhooyinka dadka ma kasta ah lagu marin habaabiyo iyo xujajka caatada ah ee dadka alshabaab ka ag dhow andacoodaan ee oranaya ciddii dishay lama yaqaan.
Waxaa iyana caddeyn iskeed u taagan ah in madaxda Alshabaab aysan arrintan ka hadlin, iskana dheereyn, qiranna, marka laga reebo dhowr sheekh oo laftooda loo aaneynayo in ay la heystayaal u yihiin Shabaabka, markii la doonana laga hadashiiyo, marar ay muhiim tahahy taas oo sii kordhineysa adillada muujineysa in ay iyaga yihiin cidda dishay.
Waxaan rajeynaayaa dilka sheekha inay Shabaab u dhiman doonaan.
inaalilaahi wa’inaa ilayhi Raajicuun ilaahoow sheekha u naxariiso
Asc
Innaa lillahi wa innaa ileyhi rajicun. ilaahow naxariistaadii janno ka waraabi ehelkiisana samir iyo iiman ka sii
waxyaabaha ka dhacaya somaliya ee ay ugu horrayso dilalka loo gaysanayo biri ma gaydada ay culimadu ugu horayso waa waxa umadaha halaaga. ilaahay ha naga qabto dadka dhaqankaas faafinaya.
Ummada in laga laayo dadka wax tarka u leh waxaa lagu yaqaanaa dhaqanka Yuhuda ay kula dhaqmaan ummadaha caarbeed, allow adaan kaa magan galnay dhaqankaas
salama claykum
aadbaan ugu raaxaysay sida wanaagsan ee uu abu mujahid ukala cadeeyaya xogta uu og yahay waxaana ka codsan lahaa dhaman dhalinyarada dacwada ehelka u ah in ay codkooda kor u qaadaan ilaahna loo baryo in khawaarijta laae umada ka qabto uusan qof dambana ku salidin
Asalamu aalikum
Sheekha waxaan ka codsanlahaa inuu nusuusta ku badiyo qoraaladan oo kale..waayo waxa laga hadlayo waa DHIIG qof muslim ah iyo eedeeyn lagu eedeenayo qof kale…
marka maqaalka waxaa u badan waa malo iyo sheeko uu sheekha nooga sheekeenayo khawaadirta qalbigiisa ku jirta..
waxaan Alaah ka baryayaa inu soo dadajiyo kashifida cidii falkaan xun gesatay aamiin aamiin
lakin waxad ilowday in culimadii gaalkacayo lagu laayey salaad subax ladilay in madaxa laga toogtay inay dhalinyaro dishay. “walaa takun lil khaainiina khasiimaa” ashahaado ladirir ayaad iidifaacday balanteenu waa qiyaamaha aduun waad iiga raysay waayo waxad haysataa aalada gaalada oo ah saxaafad.
waxaan ilaahay weydiisanaynaa in uu ciqaab degdeg badan oo laxaad leh ka muujiyo cid allaale iyo ciddii ka shaqaysay dilka ninkaa culimada ahaa,waxaan ku kalsonahay ilaahay inuusan dhigaas ninkaas qiimaha leh diinta ilaahayna sidaa ugu adeegayay inuusansan cidla dhacaynin,waxay ila tahay ciddii dishay maalintay ku fakartay dilkaas ayaa waxaa u bilawday baaba,waa run warkaasi, waxay ila tahay way ka shallaayi doonaan,waxaan u soo jeedinayanaa dhallinyarada hubka loo dhibay ee qiiraysan war adduun iyo aakhir haa seegina ee wax iska hubsada,waxaan sidoo kale leeyahay kuwa dhallinyarada ku adeeganaya war ogaaday dhallinyaraasi waxa ay gasho o dhig iyo xuquuq ah ilaahay hortiisa waa la idin weydiinayaa fursadna waad haysataan aad ilaahay ugu laabataan.waxaan leeyahay kuwa isku magacaabaya maamul sida puntland waxaa imaan doonta maalin aysan dadku idika yeelaynin inaad cashur ka uruurisan oo aad haldadbdamis ku gadi weydaan si hantidooda laa badbaadiyo marna la la laayo aqoonyahanada idinkoo daawanaya.
maxamed jaamac ninka la baxayow warkaagu wuu is burinayaa, mar waxaad sheekha ku xukuntay inuu ashahaado la dirir difaacayo adigoon wax cadayn ah haba yaraatee u haysan arrintaas mar kalena waad calaacashay oo in aduunka lagaaga adkaaday ayaad sheegtay aakhirona waa noo madal ayaad raacisay, waxay ahayd inaad ama ku adkaysatid xukunkaaga ama aad iska aamustid oo aakhiro sugtid, waxaanse kuu sheegayaa adduunka in lagaga adkaanayo waa kahsab maxaa yeelay diintii alle ayad garab marteen adiga io kuwa aad difaacaysidba hawadiina ayaad diin ka dhigateen, shaydaan ayaa idiin qurxiyey camalkiinna xun, laynta culimada iyo ahlu tawxiidka ayaad ilaahay ugu dhawaataan, sidaas darteed ninaan daliil haysan in laga adkanayo waa khasab, aakhirona waxaad adduunka shaqaysatay uunbaad la tagi doontaaye ku bishaaraysta in qiyaamaha la idiin soo taagi doono dunuub aad u waaweyn oo aad allaah iyo uunkiisaba ka gasheen, aakhro nin is huba oo toosan ayaa ku hanjaba ee adoo kale ma aha kii dhihilahaa aakhiraa inoo madal ah, wayse noo wada tahay qof walbana wuxuu kasbaday ayaa ka horeeya.
ASC Salan Kadib Walal arinta dilka Culimada waa arin anan Fiicnen waana in la hubsada wayo in wax La hubsado Dinta ayaa na fareyso wsc