Shirka Wada tashiga arimaha Soomaaliya wajigisa labaad ayaa saacado kadib lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo Magaalada Madaxda Maamulka Puntland ee Garoowe waxaana ilaa hadda soo gaadhaya wafdiyo kala duwan oo ah kuwa ka qeyb galaya iyo kuwo marti sharaf ah.
Shirka ayaa lagu wadaa in uu ka bilowdo hoolka weyn ee Jaamacada Puntland State University (PSU) ee Garoowe , waxaana ilaa iyo hadda wufuuda soo gaadhay Magalada ka mid ah Madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed , Ra’iisal Wasaraha DKMG ah C/wali Cali Gaas Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
U qeybsanaha Qaramada Midoobay Arimaha Somalia Augostine Mhiga ayaa lagu wadaa in uu Garoowe soo gaadho wixii ka dambeeya 11:00 AM (Makka Time ),waxaa sidoo kale wufuuda la filayaa ka mid ah maamulka Galmudug iyo Kooxda Ahlu Sunna Wal jamaaca.
Si gud faah faahin loogama hayo qodobada lagu lafa guri doono madasha shirka waxaase laga warqabaa in shirkadani uu daba ku hayo kii ka horeeyay ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Related posts: