Dowlada Jabuuti ayaa shaacisay in ay qorshenayso in ay ciidamo dheeri ah u diri doono Soomaaliya bilaha soo socda si ay uga mid noqdaan kuwa AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayna sare u qaadan tirada yar ee ciidamadooda ka joogta gudaha Soomaaliya xiligan.
Bayaan qoraal ah oo la soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa lagu xaqiijiyay wararka la xidhiidha in ciidamo dheeri ah ay u diri donan Soomaaliya wakhtiyada soo socda sidaa oo kalena ay ku xaqiijinayan in ay ciidamoodu si nabad ah ku gadheen Muqdisho ayna si toos ah u guda gali donaan howlahooda..
Sidaa oo kale waxaa bayaankaa lagu sheegay in ciidamada Jabuuti ay caawin donaan walalahooda Soomaaliyeed aysana is faham waa kala kulmeyn gudaha Soomaaliya marka loo eego Luuqda iyo Dinta oo ay la wadaagaan soomaaliya taas oo keenaysa ayaa la yidhi in is faham wanaagsan ay wada yeelan doonan shacabka Muqdisho ku sugan iyo ciidamada Jabuuti.
Dhinaca kale af hayeen u hadlay AMISOM ayaa sheegay in imatinka ciidamada Jabuuti ee Muqdisho ay wax badan ka tarayso xaalada xiligan lagu sugan yahay ayna wax badan ka tari doonaan howlaha nabad ilaalinta ah ee ay u wada joogan Soomaaliya.
Shalay ayay ahayd markii ay ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Dowlada Jabuuti ay gaadheen Magaalada Muqdisho kuwaa oo la dajiyay Xarada Xalada waxaana lagu wadaa in ay la wareegaan ilaalada Dekada iyo Madaarka Muqdisho.

Related posts: