الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله .
Dhibaatooyinka faraha badan ee ku habsadey Umadda soomaaliyeed wax la soo koobi kara ma’aha , waxaad moodaa in mid walba mida ka dambeysa ay fududeynayso sidii lagu sheegey axaadiista Aakhuru zamaanka .
Dhacdooyinka ma aha mid meel ku istaagaya oo aan oran karno wax ka dambeeya dhici maayaan, laakiin waa kuwa socondoona intii ALLAAH subxaanahu qadarey .
Dhacdadii ugu dambeysey ee lagu diley walaalkeen Sh.Dr .Axmed xaaji – raximahu Alaah tacaalaa- aad baa looga Hadley loona diidey , waana waajib sharci ah in sidaa la yeelo . laakiin marabo in arinka meesha uu ku istaago ee waxaan filayaa in dhamaan waxgaradka oo dhan ay fiirinayaan cid arintaa ka miro dhaliso oo u istaagta sidii mixnadaa loogu bedeli lahaa Minxa (faa’ido) ama dhibkaasi loogu rogi lahaa dheef ay Ummadda u aayso oo wax ka bedela xaalada ay maanta ku sugantahay oo markaa la yiraahdo dhibweyn buu ahaa laakiin dheefbaa ILaah noogu bedeley, oo weliba sheekha iyo intii la mid ah magacooda lagu xasuusto .
Waxaan filayaa in arinkaan uusan xaqiijin Karin qof ama koox keliya ee loo baahan yahay in Umadda dhamaanteeda ay ka qeybqaadato.
Allaah kheyrka hana waafajiyo .
Sh. C/baasid sh. Ibraahim . uk
Friday, 16 December 2011

Related posts: