Dagaal xalay Deyniile ku dhex maray Al shabaab iyo AMISOM +DKMG ah

Published on December 21, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Dagaal khasaaro geystay ayaa xalay Degmada Deyniile ku dhex maray Xarakadda Al shabaab iyo Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG Ah oo is garabsanaya waxaana hubka laysku adeegsaday laga maqlayay deeegaano ka fog halka uu dagaalku ka dhacayay.

3 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay rasaas habow ah oo haleeshay sidoo kale tobaneeyo qof ayay dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen dagaalkaa kuwaa oo ku sugnaa guryahooda oo aya rasastu ugu tagtay.

Dadka ku dhaawacmay rasaastaa ayaa loo qaaday saaka Isbitalka Degmada Madiina oo inta badan la dhigo dadka ay dhawacyadu ka soo gaadhaan dagaalada sidoo kale waxaa qeyb ka mid ah dhawacyadaa la dhigay isbitalka Degmada Deyniile.

Si cad loogama war hayo khasaraaha rasmiga ah ee kala gaadhay labada dhinac wallow xiligu uu ahaa habeen hadana ma jirto cid u hadashay labada dhinac ee Al shabaab iyo DKMG +AMISOM oo guul ka sheegatay dagaalkii xalay.

Mudo ka hor ayay ahayd markii ay gacan ku heynta Degmada Deyniile la wareegeen AMISOM iyo DKMG Ah kadib dagaalo mudo socday oo ay la galeen Xarakada Al shabaab

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Dagaal saaka Ceelgaal ku dhex maray Al shabaab iyo DKMG ah oo istaagay
  2. Dagaal Xoogan oo xalay lagu qaaday AMISOM
  3. Al-Shabaab & Xisbul Islaam oo Dagaal Culus ku qaaday AMISOM & DKMG ah
  4. Dagaal Culus oo xalay lagu qaaday Ciidaada AMISOM iyo kuwa DKMG ah
  5. 2 Qof oo Rayid ah oo lagu diley Xaafata Tiida ee Deyniile

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal saaka Ceelgaal ku dhex maray Al shabaab iyo DKMG ah oo istaagay
  2. Dagaal Xoogan oo xalay lagu qaaday AMISOM
  3. Al-Shabaab & Xisbul Islaam oo Dagaal Culus ku qaaday AMISOM & DKMG ah
  4. Dagaal Culus oo xalay lagu qaaday Ciidaada AMISOM iyo kuwa DKMG ah
  5. 2 Qof oo Rayid ah oo lagu diley Xaafata Tiida ee Deyniile

Latest Headlines