Xagjirnimada Diineed iyo Khatarta ay Ummada u Leedahay. W/Q: Dr. Maxamuud C/Raxmaan

Published on December 20, 2011 by   ·   9 Comments   ·   print

Hordhac Kooban

Mahad dhammaanteed waxay u sugnaatey Rabbi hufnaaye, naxariis iyo nabad gelyna suubaha Nabigeena korkiisa ha ahaato.

Waxaan qormadaan kooban ku qaadaa dhigi doonaa haddii Rabbi idmo mowduuc aad u muhiim ah saldhigna u ah dhibaatada guuntay ee ragaadisay ummadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo markii ay ka xoreebeen isticmaarkii na gumeeyey wixii ka horeeyey lixdameeyaddii.

Waxaan ka hadli doonaa xagjirnimadda nooceeda diimeed iyo khatarta ay ku hayso ummada. Waxaan ifindoonaa Rabbi idankiis astaamaha ay xagjirnimaddu leedahay iyo waxa lagu garto qofka xagjirka ah. Waxaan si gaar ah isu bar-bar dhigi doonaa meelaha ay iskaga dhafmaan “xagjirnada diimeed” iyo “xagjirnada siyaasadeed”.

Xagjirnimaddu waxay weligeed ahayd cudur soo jireen ah oo sabab u noqda in Ummado rogmaan. Waxaan shaki ku jirin in Ummadda Soomaaliyeed la soo daristay xagjirnamadu ayna saldhig u tahay dhiiga xurmadda leh ee sida aan kala go’a hayn u daadanaya. Xagjirnadu waxay gaartey baarkeedi ugu sareeyay mar haddii maanta la ugaarsanayo Culimadii iyo biri ma geydadii isla markaasna loo arko in daadashada dhiiga xurmada leh lagu gaarayo raali ahaanshada Rabbi iyo shahiidnimo! Waxaa maanta gabad iyo gumaad ku jira nin door oo dhan hadday yihiin culimo diineed, aqoon yahan wax ku ool ah, oday dhaqameed iyo weli qofkasta oo waxtar u yeelan kara mustaqbalka ummadda.

Xagjirnadu waxay soo ifbaxday markii Nebi Muxammad (naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) lagu tuhmay in uusan caddaalad samayn! Waa yaabe haddii uusan Nebigii Rabbi soo dirsaday ee risaalada lagu aaminay uusan cadaalad sameyn yaa laga sugayaa in uu cadaalad sameeyo. Xagjirnadu waxay soo bilaabantay markii Cali Ibnu Abii Daalib – oo ka mid ahaa khulafadii hanuunsanayd ahaana qof dhalin yaro ah ee Islaam qaata qofkii ugu horeeyay isaga oo noolna Janno iyo Rabbi raali ahaanshihiis loogu bishaareeyey – loo dilay in lagu Janno tago oo dhiigiiisa Rabbi loogu dhowaado (maxaa maanta shaley uga eg!). Xagjirnamadu waxa si bareer ah u soo ifbaxday marka dhiiga Culimada iyo dadka diinta fidinteeda ku cireystay si aan gabasho la hayn loo iftooday in la gumaado isla markaasna lagu andacoodo in lagu Janno tegayo.

Xagjirnadda iyo khatarta ay leedahay Qur’aanka iyo Axaadiista Nebbiguba aad ayay uga hadleen, waxaana laga qoray kutub aad u fara badan si ummada looga badbaadiyo cudurkaan wax-ma reebaha ah.

Nusuus badan ayaa kusoo arooray xagjirnimada, waxaanse hordhacaan kooban kusoo qaadanaynaa qeyb ka mid ah.

Rabbi isaga oo la hadlaya reer banii Israa’iil ayuu ku yiri: “Kuwa kitaabka la siiyeyow, ha ku dhicinnina xagjirnimo diimeed” (Nisaa, 171).

Xaddiis saxiix ah wuxuu Nebigeenu ku yiri (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha haatee): “War iska jira xagjirnimadda diimeed, maxaa yeelay ummadihii hore waxay ku haligmeen xagjirnimo diimeey” (Saxiix Jaamic Sagiir, xadiis # 2680).

Ibnu Mascuud (Rabbi ha ka raali noqdee) wuxuu Nebiga (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato) ka weriyey in uu yiri: “Waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku” (Saxiix Muslim) – Saddex jeer ayuu Nebbigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ku cel-celiyey khatarta ay leedahay xagjirnimadu darteed.

  1. 1.      Waa maxay Xagjirnimadu?

Xagjirnimo: waxaa lagu qeexaa in shay laga qabsado daaftiisa u shisheysa, ama looga baxo darafta ugu fog. Xagjirnaddu waxay la macno tahay xad-gudub oo ah in qofku uu talaabo soohdinata la ogolyahay. Waxaa lid u ah dhex-dhexaadnimada (sida ka muuqata shaxda ka muuqata dhanka midigta ah) oo ah in qofku ku ekaado xuduuda ama soohdinta sharciga ah oo uusan ka gaabin ama uusan talaabin sida Nebigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) u yiri: “Rabbi wuxuu idinka rabaa waajibaad ee ha dayicinnina, wuxuuna idiin xadeeyey xuduud ee ha gudbinina” (Bukhaari iyo Muslim)

Xagjirnamadu waxay leedahay labo daraf. Daraf waa in qofku ka gaabiyo ama ku gabood falo in uu la yimaado waajibaadkii la iska rabay waxaana loo yaqaan “Tasaahul”. Darafka kale waa in uu qofku la yimaado wax ka baxsan xadkii loo baahnaa waxaana loo yaqaan “Tashadud”.  Noocaan dambe waa kan caanka ku ah xagjirnada, isla markaasna ah cudurka halista ah ee umaduhu la idlaadaan. Asbaabta uu u noqday cudur halis ah waynu faah-faahin doonaa haddii Rabbi idmo.

Qormadaan qeybaheeda kale waxaan xooga saari doonaa noocaan dambe ee xagjirnada ah ee loo yaqaan “Tashadud”, “Tadaruf” iwm. Waxaan si gaar ah uga ka hadli doonaa haddii Rabbi idmo asbaabta keenta xagjirnimada noocaan ah iyo astaamaha lagu garto qofka qaba cudurkaan xagjirnimada dilaaga ah.

Xagjirnimadaani kuma eka diin keliya ee waxay kale oo gashaa dhaqanka, akhlaaqda iyo siyaasadda. Sidaa owgeed waxaan wax ka tilmaami doonaa (Rabbi idinkiis) isbar-bar dhigna ku samayn doonaa jawaanibta ay iska dhexgalaan xadgubuka siyaasiga ah iyo kan diimeed oo labaduba abuura bur-bur, deganaansho la’aan, dhiig badan oo daata, nabadgelyada oo laalanta iyo colaad aan dhamaan oo lagu le’do.

 

La soco …



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Nadwo:Saamayta Dhimmasha Culimadu ummada ku leedahay أثر فقد العلماء على الأمة
  2. Sh.C/raxmaan Abyad oo ka hadli doona khatarta ay leeyihiin fataawaha lagu banneysto dhiigga culimada
  3. yaa dilay Dr. axmad Xaaji C/raxmaan:Dr Cabdirisaaq Maxamuud Takar
  4. C/raxmaan Maxamuud “faroole “ oo noqday Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland
  5. C/raxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” oo magacaabay Wasiirka Warfaafinta ee Maamulkiisa

Readers Comments (9)

  1. Ducaysane says:

    Ilaahay khayr ha siiyo shiikha, wuxuu sheegay in xagjirnamda ay leedahay labo dhinac oo ah in laga gaabiyo awaamiirta diinta iyo in lagu xadgudbo fulinta diinta. Hadda waxaa badan in ereyga ‘Xagjir’ ay warbaahintu u isticmaasho si qaldan laakiin haddii axaadiista iyo quraanka sida ay u yaqaanaan lagu ekaado waxaa muuqata in laga faa’iidaysan doono maqaalkan taxanaha ah.

    Ilaahay ha ku garab galo sheekh.

  2. sagal says:

    waa qormo fiican oo wax tar uleh umada kana badbaadin karta da,yarta aan aqoon kufilan lahayn lagu cabeeyay wax yaalo aan sax ahayn uhalaagaya umada marka digtoorka khayr allahah siiyo waa dawo ay dadku ubaahanyihiin jazaahulahu khayraljazzaa allahan naga dhigo kuwii kafaaidaysta qoraalada culimada ee barakaysan

  3. Waa Been says:

    Turufotoore weynaaday oo Islaam neceb, yaad ka aqoon iyo cilmi badan tahay,Murtad weynaaday ayaad tahay qoraagow.

  4. mamow says:

    war maxaad waxaas ugu hadleysaa oo shikha u caayaysaa ma waxa tahay kuwa inay isqaexiyaan u liisgaraysan, kelimada murtad waxa caado kadhigtay kuwii garanwaayey waxa ay kasbanayaan aduun iyo aakhiro ilaahow idin soo hanuuni

  5. Muraad says:

    Waryaa waa ninka Waa Been la baxay dadka maqaalkan uu khuseeyaad ku jirtaa, ee ka towbad keen xagjirnimada, maqaalka sheekhana ka faa’iideyso.

    Kuwa sida xun kuusoo cabbeeyay aakhiro kaama daafacayaan marka lagu weydiiyo maxaad qof muslim ah murtad ugu sheegtay?

    Qodobka xiga dadka ahluddiinka ah sida ciyaal suuqa uma caytamaan ereyo xun xunna ma isticmAalaan, maxaa yeelay caydu waa faasiqnimo ee is ceebso oo ereyadaada dib u fiiri.

    sheekh dhan oo diin Alle sheegaya baad leedahay turuufotoore, haddii uu sheekhu turuufatoor yahay adigu maxaad tahay? sow ardaygiisii ma tihid?

    Dib isu fiiri

  6. Asad says:

    Asc waxan leyahay ugu horayn ereyga xagjir oo af carabi la mid ah tadaruf oo ah ficilka mutadarif oo ah ismiga ficilka ama qofka ficilkas la yimid aya logu yedha mutadarif hadaba reer galbeedku mutadarif wa erey ay u isticmaalan kala qaybinta musliminta iyago kuwa ay markas is hayan ugu yedha mutadarifin kuwa markas aysan is hayna ugu yeedha muctadilin ama qunyar socod ,dhexdhexam iwm.
    Hadalkas waxan uga jeedaa ereyga xagjir ama xagjirnimo maaha erey ay salafka ama culimada islamku isticmali jireen ee wa erey gaalo kaso jeedo, sidas daradeed aayada suuratul nisaa’ ee u qoragu so qaatay wa midan
    ? ??? ??? ?????? ?? ???? ?? ?????? wuxu ku micneeyey ( kuwa kitabka la siyow haku dhicina xagjirnimo diineed) runti waa wax layaab leh ereyga ah (laa taghluu) ayu ku micneyey haku dhicina xagjirnimo saw wax layab leh maha in nin aqoonyahan dimed sheganaya uu tafsirka aayada saas ugu ciyaaro oo uu isago raba in uu koox weraro tafsirki bedelo waa wixi xasan takar lagu haystay oo kale .
    Aan uso noqono tafsirka saxda ah ee aayadda waana sidan ( kuwa kitabka la siiyow ha xadgudbina diintiina dhexdeda) ?? ????? waa ?? ?????? oo ah xadgudub ee maah xagjirnimo iyo sad adigu u fasirtay shekhow quluwi oo ah xadgudub iyo tadaruf oo ah xagjirnimo ayad isku mid ka dhigtay wana laba erey oo kala micno ah ee Allah ka cabso tafsirka aad hawadada ku fasirayso jooji kuwan juhalada ah ee commentska kugu amaanayana waxba qur’an iyo axkamtisa ka garan mayan ,intaas waxa dheer axadiith aad iyagana mesha kuso qortay o macnahodi macna aan ahayn aad siisay waan kaga jawabi laha balse intas ayan ku jojin igamana aha canan ama ceeb raadis ee wa iga nasexo Dr.
    Nb. Aniga fikirka reer galbedku u yaqan xagjirka inaguna aynu u naqan takfiriga ma difacayo beri ayaana ka ahay laakin waxan ka hadlaya wa in aadan adigo is leh wanaag raadi oo koox ama shaqsi reddi tafsiirka aayaadka & axadithta aadan ku ciyarin oo micnahoda micno aan ahayna aadan u adeegsan ,waxa kalo wanagsan in la iska dhaafo musdalaxadka reer galbedku bixiyen sida xagjir ??(?????)?oo la adegsado kuwa culimada muslimintu bixiyen sida takfiri,khawarij,murji’a,muctazila iyo jahmiya iwm
    waa Muxamad Xasan
    dhamanten khayrka alle ha ina wafajiyo

  7. asad says:

    asc cafwan meesha aan dhahay isimka ficilka waxaan ka wadaa isimka faacilka

  8. Taabici says:

    Asc dhamaantiin akhyaarta meesha caqligooda kasoo dhiibatay.

    waxaan u mahad celinayaa Dr. Maxamud C/raxman ajir iyo xasanaad allaha kasiiyo qormadan.

    marka xiga waxaan wax yar waydiinayaa ninka labaxay Asad “Asadoow sheekhu markuu macnaynhayey ereyga xagjirnimo wuxuu ku tilmaamay in xadkaadii aad ka gaabiso ama aad xadka ka gudubto waana tan dambe tan uu u jeedo sida uu sheegay” hadaba hadaad ghulu ku macnaysay xadgudub, isaguna xagjirnimada uu ka hadlayaa ay tahay xadgudub khaladka aad aragtay xagee ka muuqdaa mise abaanoo adaa dan kale leh wakaasoo aad soo qaadatay xasan takar oo axaadiir been abuur ah lasoo suuq tagaye.

    inta iin hadlin fahma waxa aad ka hadlaysaan.

    Allah ha nagu toosiyo tubta toosan

  9. Asad says:

    Asc wr wb
    to: taabici
    qar iska tuur iyo tagero indha la’ looma baahna akhi qur’ankuna maha shay ninba sidu rabo u jiidan karo waxan ku dhahay xagjirnimo waxa la micno ah (tadaruf) ereyga aayada lagu shegayna wa (ghuluwi) markas labadas erey see la isugu fasiri kara sxbow midda kale say al shabab kuwa xagjir ah oo u haysta in aysan alshabab qaldamin ugu jiraan o qaladkoda u ta’wiliyan aye ictisam ugu jiran qaar sidada oo kale ah o qaladka culimada ta’wiliya
    ugu danbaynti sxbow xaqa tager hadii nin walba qur’anka uu fasirkisa dhinac u jiito waxa iman donta fitno tan manta taagan ka weyn adigu is waydii wa hadad qur’an iyo sunno wax ka taqan maxay tahay fa’idada ku jirta in ayada ad micne kale ku fasirto ado micneheda saxda ah ku fasiri karo wsc wr wb




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nadwo:Saamayta Dhimmasha Culimadu ummada ku leedahay أثر فقد العلماء على الأمة
  2. Sh.C/raxmaan Abyad oo ka hadli doona khatarta ay leeyihiin fataawaha lagu banneysto dhiigga culimada
  3. yaa dilay Dr. axmad Xaaji C/raxmaan:Dr Cabdirisaaq Maxamuud Takar
  4. C/raxmaan Maxamuud “faroole “ oo noqday Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland
  5. C/raxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” oo magacaabay Wasiirka Warfaafinta ee Maamulkiisa

Latest Headlines