Mahad dhammaanteed ilaahay baa leh, ammaan iyo nabadgelyna nabi Maxammed scw ilaahay dushiisa ha yeelo, intaa kadib waxaan halkan uga tacsiyeynayaa muslimiinta dhammaanteed, soomaali oo idil, gaar ahaan culimada iyo qoyskii uu ka soo jeeday dr. Axmed X Cabdiraxmaan, anigoo ilaahay ka baryaya inuu samir iyo iimaan inaga siiyo, isagana danbidhaaf iyo naxariis ku abaalmariyo.
Walaalayaal waxa halkan aan ugu soo gudbinayaa inta tacsidu ku socoto oo dhan gabay baroor-diiq ah oo ku saabsan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid dr. Axmed oo runtii qof kasta oo Soomali ahi ka naxay anigana si gaara ii taabatay, ilaahay ha u naxariisto oo godka ha u waasiciyo albaabna janada ha uga furo, xisaabtana ha u fududeeyo, cadaabka qabriga iyo ka aakhirona haka ilaaliyo, ciddii dishayna ilaahay ifka ha ku ciqaabo aakhiro ka hor, dadka muslimiinta ha ku kashifo.
Garaad-li,ida Soomaali waa loogu daw-galaye
Halyaygii gargaaraba marbay boqonta gooyaane
Waa macallinkeed gawraciyo guurti mawtiya,e
Lama gooyo geed wayn hadduu kuu gabbaad yahaye
Gurgurshaaga lama qalo iyo hashii geela ka irmaane
Inkastoon nin door iyo garaad, geesi badan waynay
Geeridii diktoorkii ku timid lama gudboonayne
Tilmaantiisi kama gaadhi karo gabi ahaanteede
Bal guddooma dhowr qodob ayaan gaar u taabaniye
Gar adkaatay oo culus haddii odayo loo geeyo
Oo ay giraan xidhan gashoo gees u bixi waydo
Inta goysa buu ugu mudnaa geesigii tagaye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya
Masallooyin gaaraa jiroon caamo garaneyne
Bayd-gaabka oo idil hadduu gaadhi kari waayo
Mufti loo gudbaa buu ahaa geesigii tagaye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya
Gayigeena soomaaliyeed oo gunnimo qaatay
Dhallintiina ay wada galeen kuwa jid-goynaaya
Garaadkiisa waatuu ka helay geeya jaamacade
Boqolaal digrii gaadhay baa goostay midhihiiye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya
Gaajiyo abaariyo haddii uunka dhibi gaadho
Maatada gardaadshuu ahaa geesigii tagaye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya
Golihii shir laysugu baxoo xaajo la gorfeeyo
Rag baa hadalka gawlgawla oo godob ka raacdaaye
Kalmad gara ayuu geysan jiray geesigii tagaye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya
Gacan furan ma deeqdee khalqiga gabi ahaantiise
Qalbi gacalo buuxdoon cidnaba dhagar la gaadaynin
Oo aan guhaad qabin la sii geesigii tagaye
Guullahay qabriga hawga dhigo guri iftiimaaya
Gacal iyo xigaal iyo asxaab gabiba soomaali
Intii garanaysaa way ogtahay hiil wuxuu galaye
Ilaahaw cadaab guba ka dhowr oo gali jannaatkaaga
Guullow ku tuugaye haddaan geesta kale eego
Godobqabihi gawracay la waa meesha uu galaye
Ilaahow adaa garanayoo kaa gedsami-waaye
Allahayow cuqubaduu gasbaday gooni uga muuji
oo gumaca uu sido ku goo gaadadiyo laabta
Guullow qofkii kuu baxsada waw gargaartaaye
Ilaahaw ka soo gaar khalqiga beledan gaadaysa
Ee looga go,ay goobihii loo gingimay khayrka
Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire
Madiina almunawara, S. Arabia
jaamacadda islaamiga ah ee madiina .
email:axmedrashiid72@hotmail.com
No related posts.
No related posts.
jazaakalaahu kheyra ilaahay miisaanka xasanaadka ha kuugu daro waxaan markhaati kaaga ahay inuu lahaa sifaadkaas aad sheegtay.
Jazaakalaahu khayran ilaahaywxaanu ka baryeynaa inuu ducadaas aqbalo.
runtii waa midho muujinayo asalka ay ka soo jeedaa, laafakka fuuk, ibnu ismaaciil mire.
waxaan jeclaan lahaa in kelmadahan hoose uu dictoorku dib u eego oo kuwo kale ku bedelo, isagoo tixgelinaya dhinaca macnaha qaarkood kuwa kalena ka eega isla jaanqaadka baytka, inkastoonan gabayaa ahayn hadan waa ilaha fiicanaan lahayd arintani.
lama gudboonayne
gaar u taabaniye
Guullahay
gasbaday
salaan kadib, waxaan jeclaan lahaa in Abdulqani Xuseen uu kalmadahan uu gaarka u feedhsaday waxay galabsadeen ee loo bedelayo emailkayga kor ku xusan iigu soo sheego iyo waxa uu ku bedeli lahaa sida isaga ay la tahay.
walow uu xusay inaanu gabyaa ahayn .
aad buuna u mahadsan yahay
khayr alle haku siiyo dr axmed jaamac ismaaciil ??? ??????
fadlan bal ila dhagaysta gabaygan aan anigu tiriyey
1.Ashqararayeey Arin miyaa laygu kadiyeeyey
2.Ma Arooryo soon bay dileen Ehelo kheyrkiiye
3.Isagoo adkaarsadey miyaa madaxa loo duubtey
4.Iriduu kasoo baxay miyaa laga ilaaleystay
5.ma Asqihii Rasaseed ayaa Uunku wada toosey
6.Axmed dhimaye Eebow Janee miyaa la isla qadayeey
7.In Aabi loo diley Miyaa uunka wada Gadhey
8.Ma almadey ruuxii yaqiin ilin miyuu hooreey
9.Eebow Adoon buu ahaa Aano aan qabine
10.Eebow akhyaar buu ahaa diinta aaminaye
11.Eebow Ustaad buu ahaa ifiye diintada
12.Eebow adiib buu ahaa Eexo aan Barane
13.Eebow abwaan baan ihiyo odorosaa wayne
14.Eebow Astamee raggaa Adunba garane
15.Eebow aafo iyo ku Oom daano iyo ceeb
16.Eebow inkaarnaye dadkaa Eega la arkaa
Jazaakallaah Dr.Axmed Jaamac. Wallaahi Ilaahayna adoomadiisa wanaagsan ma dayaco, mana dayacayo inshaa Allaah Culumad iyo ducaada u taagan faafinta xaqqa. Dr.Axmed X C/raxmaana Ilaahay ha unaxariisto hana u aqbalo ducada walaalku uu Ilaahay u waydiiyay. Ilaahay Culumada dhamaan hanoo xifdiyo cilmigoodana hanagu anfaco.