Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka. W/Q: Maxamed Nuur Shire

Published on December 10, 2011 by   ·   2 Comments   ·   print

Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka, waa qormo aan ku qaadaa dhigi doono dhaqannada cusub ee ay soo kordhiyeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Barasho wanaagsan

Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka waa qeyb ka mid ah taageerayaasha koox ka mid ah  kuwa ku hardamaya waddanka Soomaaliya, waxaana ay sheegtaan inay iyagu afka ka  jihaadayaan.

Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka waxa ay ka kooban yihiin 3 qeybood oo kala ah:

1-Kuwa afka ka hadla

2-Kuwa wax qora

3-Kuwa murma

Haddii aan ku hormaro kuwa afka ka hadla: waa kuwa ay suuragalka u tahay inay dadka si guud ula hadlaan, haddii ay ahaan laheyd inay Masaajid kala hadlaan, iyo inay warbaahinta qeybaheeda kala duwan isticmaalaan.

Qoladan koowaad iyagu waxa dhib badan ka haysataa sidii ay aragtidooda dadka u laqsiin lahaayeen, iyadoona marka ay ka hadlayaan meelaha ay fariintooda ka gudbinayaan uu ka muuqado ciil badan oo ay u qabaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kooxda labaad waa kuwa wax qora, qoladan iyo kuwii ka horeeyeyba ma badna, waxayna geed dheer iyo mid gaaban u fuulaan sidii ay qoraal ugu difaaci lahaayeen waxa ay aaminsan yihiin, iyagoo dacaayado badan ku fura qolyaha fikradaha ay qabaan diiddan.

Kooxda kale waa qolyo iyagu ayan suuragal u aheyn inay si guud dadka ula hadlaan, ama inay wax qoraan, balse iyagu waxa ay aaminsan yihiin waxa ay ku gutaan muran. waxa ay tagaan meelaha bulshadu isugu timaaddo, waxaana ay ku doodaan wixii ay ka soo maqleen ama ka soo aqriyeen qoyalaha ay isku taageerada yihiin.

Mujaahidiinta fadhi ku-dirika waxa ay aad u neceb yihiin marka la weydiiyo hal su’aal waana middan:

” Haddii waxa aad sheegeysaan idinka dhab yihiin maxaad idinku u jihaadi weydeen?: taasi waa su’aasha ay ugu neceb yihiin in la weydiiyo, qofka arintaas soo hadal qaadana waa midka ay ifka ugu neceb yihiin, iyagoo u isticmaala erey marka ay caroodaan ay dhahaan, dib ayuu inooga imaan doonaaye.

Sababta ay su’aashaas u neceb yihiin waa, inay iyagu dhahaan Jihaadka socdaa waa mid qof walba laga rabo oo sida salaadda oo kale qof walba Waajib ku ah. dadka kale qaarkood waxay ku xukumaan inay waajibkaas ka fariisteen, balse marka iyaga la weydiiyo waxa ay uga fariisteen waajibka ay sheegayaan waxa ay la dibiraan caro.

Qaar ka mid ah Wadaadada fadhi ku-dirirka ayaa waxa ay dhahaan “Sheikh hebel waa faasiq, maxaa yeelay Sheikhul Islaam Ibnu Teymiyah ayaa sheegay inuu faasiq yahay Sheikhii Jihaadka ka fariista” haddii lagu dhaho adigu ma faasiq baad tahay? “wuxuu ku leeyahay shaqsiyadda qofka lama faragashto” isaguna cidda uu xukumayo waa qof iyo bulsho gaar ah. bal adigu fahan.

Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka ereyada ay isticmaalaan waxaa ka mid ah:

Murtad

Munaafiq

Khabiith

Faasiq

Munxarif iyo kuwa kale.

Ereyadaas waxay u isticmaalaan dadka ay diiddan yihiin qeybahooda kala duwan, sida ay ereyadu u kala culus yihiinna waxay ugu dhahaan sida ay u kala neceb yihiin dadka ay u isticmaalayaan, waxaa xusid mudan in ereyga “Murtad” ay isticmaalaan marka ay aad u xanaaqaan.

Waxaa dhici karta in ereryadu sida ay u kala culus yihiin ayan u kala xulanin, iyadoo xiliyada qaarna sida afkooda ay ugu soo kala hormaraan ay u dhahaan, mana kala jecla haddii uu kugu dhaho wax uusan kaa aaminsaneyn maaddaama uu aad kuugu careysan yahay.

Taageerayaashan waxa ay qaataan mowqifba midka uu ka adag yahay, haddii laba mas’alo oo labuduba la qaadan karo ay isu qabtaan waxa ay xushaan midda ay is leeyihiin dadka ayaad ku dhibi kartaan oo waa ay ku culus tahay, waxaa xusid mudan in Taageerayaasha iyo qolayaha ay taageersan yihiin ay mowqif ahaan u fog yihiin Taageerayaasha, waxaana la arkaa inay qabaan wax ayan qabin qolyaha ay taageersan yihiin.

Dad badan waxaa fogeeya oo neceyb ku beera taageerayaasha,” Wadaadada fadhi ku-dirirka” waxaana marmar ay dusha saartaan wax ayan qabin qolyaha ay taageersan yihiin, ama diiddan yihiin, taasoo qolyaha ay taageersan yihiin ka fogeysa dad badan oo beer jileec markii hore u hayey.

Qaar ka mid ah tilmaamaha ay leeyihiin Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka:

Xanaaq badan

Been abuur

Degdeg

Aflagaaddo iyo kuwa kale oo badan.

La yaab malahan in mid ka mid ah mujaahidiinta fadhi ku-dirirku uu cidda uu neceb yahay ku xukumo in dhiigiisu banaan yahay, iyadoo waxa qofka Muslimka ah dhiigiisa lagu baneynayo ayan dhaafsiineyn in badan ciil laga qaaday, hadallo qofkaasi jeediyey, ama qoraalo qofkaasi qoray iyo wax la mid ah, taasoo ay dhici karto in sida ay u fahmeen ”

Qormadii ku saabsaneyd Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka intaan ayaan ku soo afmeerayaa.

 

W/Q: Maxamed Nuur Shir

mnuur10@gmail.com

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (2)

  1. safiyo maxamed says:

    waxan u arkaa ninka wax soo qoray laftirkiisu inuu ku jiro fadhi kudirir uusana is ogayn, camal la’aani waa ayaan darro ee wax kale oo aad qorto miyad wayday

  2. abshir says:

    As walal aad iyo aad ayaa ugu mahadsantahay sida wanaagsan oo aad maqaalka noogu soo bandhigtay waxaana rajaynayaa in badan oo raagas ah ama kuwa niyada ka taageersan in ay wax badan ku waana qaadan doonaan adiga alle ajar iyo xasanaad hakaasiiyo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines