Yaa ka Dambeeyey Dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan?

Published on December 9, 2011 by   ·   3 Comments   ·   print

Qoraalkan kooban waxaan qoray bishii February 20, 2011, waxaan u gudbiyey in uu iga hubiyo sidii caadada ii ahayd
Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan (Alle ha u naxariistee) si aan ugu faafiyo bogaga Internet ka, laakiin nasiib darro Shiikhu muddo iigama soo jawaabin, waana ku adkaatay in uu ii ansixiyo, dabeecaddiisa ayaaba ahayd in fikradaha sidan oo kale u adag-adag uusan u badheedhin taageeradooda.

 

Waa kan qoraalkii:

 

Garaad-jab Taariikheed

 

Waxaa in mudo ah ka socday mareegaha internet-ka olole balaadhan ah oo aay hormuud ka yihiin bogag (websites) dhowra,
kaasoo noqday mowduuc saldhig u ah bogaggaas, iyadoo fariintooda oo dhami aay ku wareegayso kicin iyo abaabul ka dhan ah culimada soomaaliyeed kuwooda ugu haybada iyo taariikhda culus.

 

Ololahaani waxuu soo maray dhowr marxaladood  oo kala duwan, isagoo markii hore ku bilowday luqad dabacsan oo u muuqatay cataab iyo canaan khuseysa aragtida culimada aay ka qabaan arimaha taagan, waxuuse ololahaasi qunyar qunyar ugu siqayay xadgudub iyo inuu noqdo  mid isku xidhan oo u muuqda in uu qorshe weyni ka danbeeyo.

 

Ololahaan waxaa loo kaashaday farsamooyin badan oo u muuqday dhagar saxaafadeed iyo doqomeysi miskaxeed kaasoo
xambaarsanaa sumcad dil, ceebayn, sawiro laga xishoodo, been sheegid taariikheed oo bartilmaameedkeedu yahay dadka da’da yar iyo taageerayaasha warmaqabtada ah ee bogaggaas akhriya si loogu qanciyo ujeedooyinka guracan, maskax ahaana
loogu diyaariyo qorshaha fog ee la maagan yahay.

 

Waxaa markhaati ma doonto ah qoraaladaasi sida aay uga  gudbeen dhamaan xuduudihii akhlaaqeed ee saxaafada sharafta leh, iyagoo ku dhacay booraan taariikhdu xusi doonto sida aay isugu qanciyeen inay sumcad-dilka intaas le’eg (Character Assisination) kula kacaan rag cimrigooda intooda badan ku soo qaatay fidinta diinta islaamka.

 

Olalahaani sida aay dareensan yihiin dadkii la socday waxuu soo maray marxalado kala duwan, oo mid walba leedahay ujeedooyin iyo ahdaaf laga dhaadhicinayo dadka, bal dib u xusuuso marxaladihii uu soo maray..

 

“Culimadu jihaadka si buuxda ha u taageeraan”

“Culimadu Jihaadkii bay hagradeen”

“Culimadu jihaadka ha taageereen ama haka aamusaan.”

“Culimaa’suu ama wadaad xumayaasha jihaad diidka ah.”

 

Mudo yar markii cinwaanadaas la naaxnaaxiyey si loogu gogol xaadho waxaa bilaabmey marxaladii duulaanka qaawan iyo luqadii khiyaameynta taasoo ah in cid walba oo aragtidaada aan kula qabin lagu riixo safka cadowga lana yidhaahdo cadowga ayuu la shaqeeyaa.Taasoo ah hab-dhaqan aay caan ku ahaayeen nidaamyada Shuuciga ama hantiwadaaga  ah oo cid walba oo  aan mabda’a shuuciyadda qaadan aay ku tilmaami jireen wuxuu u shaqeeyaa quwadaha dib usocodka ama imbiriyaaliyada
caalamiga ah.

 

Ololihii waxuu u gudbey weerar saf balaadhan ah oo culimadii lagu ekeeyay,  iyadoo weerarkaas ay u istaageen rag loo
igmadey oo shaqo ka dhigtay si loogu bisleeyo dadka go’aanka dhagarta ah ee la damacsanyahay oo aay cadahay in duulaankaas saxaafadeedi uu gogol xaadh u ahaa.

 

Ujeedadii rasmiga ahayd ee ololihii Culimada lagu hayay oo kashifmey:

 

Waxaa xogo rasmi ahi oo laga helay ilo lagu kalsoonaan karo aay xaqiijinayaan in dhaqdhaqaaqa Alshabaab aay go’aan ku gaadheen in Culimo Soomaaliyeed oo farabadan la laayo, arintaas oo si rasmi ah looga soo xigtay xubno katirsan isla kooxdaas, waxaana marag ma doonto ah in duulaankii saxaafadda  kasocday uu higsanayay gaadhista yoolkaan.

 

Rumeyso ama ha rumeysan waxaa dhalinyaro yaryar lagu buuxiyey in markaan jihaadka ugu fadliga badan ee janada lagu galayaa  uu yahay midka Culimada lagu laynayo, iyadoo loo sawirey inay yihiin cadowga keliya ee maanta hortaagan guul aay kooxdaasi gaarto.

 

Waxaa dad badan oo arimaha Soomaliaya ku kuurgala ay aaminsan yihiin in qorshahaani uu qayb kayahay mashruuc dadka Soomaaliyeed lagaga saarayo dalka, si taasi loo gaadhana aay khasab noqotay in la dabar gooyo tiirka ugu weyn jiritaanka umadeed oo ah culimada diinta Islaamka.

 

Ma filayno in marka si mug leh loo raadraaco qormooyinka, maqaalada, fatwooyinka, jeesjeeska, been-abuurka, sawirrada iyo dulmiga aan kala go’a lahayn ee lagu buuxiyey bogaggaas ay ka dhignaayeen maxkamad saxaafadeed, taasoo sida muuqata hada lasoo gabagabeeyay si loogu gudbo xukunkii kadhashay maxkamadaas wax walba iyadu isku ah markhaati, xaakim, qareen iyo doode intaba.

 

Arintaani waxay keenaysaa kun su’aalood oo ku saabsan waxyaabaha socda yaa ka dambeeya? Yaa dan ku qaba in arimahu heerkaan gaadhaan ? Sidee looga bixi karaa? Maxaa kala gudboon shacabka Soomaaliyeed waxa socda? Ma odhan karnaa waxaynu maraynaa garaad-jab taariikhi ah iyo waaliyeey tali ?

Su,aalahaas iyo kuwa la mid ahba qoraalo taxane ayaan ku iftiimin doonaa iyadoo qoraaladani ay ahaan doonaan kuwo furan oo cid walba oo aragti iyo maskax ku biirinaysa ay ku darsan karto.

 

 

 

Jama A. Aidid

jamyare@hotmail.com

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (3)

  1. Ali says:

    ASC waxay ilatahay Bush wuxuuyiri markuu afqanistan kuduulirabay Every state has a choice your either with us or with the Tourist macnaha wuxuu ulajeedey waxaa jiray dawlada Pakistan kamidtahay oo labadhiicyey marka wuxuu yiri AMA naraaca AMA argagixisada raaca mantay somaliya siyaasadeedu waa labagole midka melez iyo kanshabaab marka culumadu labada mid ha aado yaan shacabka lawaalin Wabillahi Towfiq

  2. Guuleed says:

    War jamacyare hadoqonoobin waqtiga intaas ah end galisay qoraalkan waxaa ka haboonayd inaad geliso meelo kale oo kahaboo.

  3. hasan says:

    Aniga cid gooni ah kuma tuhmayo dilka dr axmed hada cid ku tuhmayana gaalo ayaa ku tuhmayaa
    diinta wax laga tanaasuli karo ma ahan ama la badali karo culimada waxaa laga doonayaa inee kirishtaanka toos u raacaan ama inee shabaabka toos u raacaan waxii qaladaad ahna la saxo jihaadkana aan la joojin inta fitno laga weynaayo somalia




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines