Culimada ku sugan Puntland oo xalay qabtay kulan ay uga hadlayeen Taariikhda Dr Axmed Xaaji C/raxmaan

Published on December 7, 2011 by   ·   2 Comments   ·   print

Waxaa xalay intii u dhaxaysay 5:40 Pm ilaa 8:00P xiliga magaalada Boosaaso (MAKKA TIME) Masjidka Al rowda ka bilowday Kulan ay culimadu uga hadleysay Taariikh nololeedkii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan , cida dilkiisa ka dambeyn karto iyo baaq ay culimadu ku muujineyso Dilka loo geystay Drka.

 

Ugu horeyn waxaa hadalka furay Sheekh Daahir Aw Cabdi wuxuuna ka hadlay taariikh nololeedkii DRka wuxuuna sheegay in Drku uu dhashay 1958 kuna dhashay gobolka mudug wuxuuna waxbarashadiisa quraanka kariimka ah ku soo qaatay magaalada Gaalkacyo waxana wax soo baray Macalin Daahir.

 

Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu intaa kadib ka hadlay xiligii ay is barteen Drka wuxuuna sheegay in wakhti hore ay is barteen ilaa 30 ku dhawadna ay saaxiibo isku dhow ahaayeen, waxa uu intaa kadib Sheekhu xusay in Sheekhu Waxbarashadiisa sare uu ku soo wada qaatay Jaamacadda , Master-ka iyo PHD-gaba uu ku soo wada qaatay Jaamacadda UMUL QURAA ee Magaalada Makka , waxa uu Sheekh Daahir sheegay in Drka intii uu jaamacadda uusan maalin ka maqnaan sidoo kalena uusan ka daahir , intii uu diraada wadayna waxaa uu ahaa qofka koowaad ee ugu sareeya mar walba.

 

Sheekh Daahir waxa uu soo bandhigay intaa kadib Document-ga waxbarasho oo uu kasoo qaaday Maareeyaha Xawaalada Amal ee Puntland Maxamuud Qorane Maxamed oo hayay Document-gaa .

 

Intaa kadib waxa uu Sheekh Daahir ka hadlay cida dishay Drka wuxuuna sheegay in Drka xiliga la dilayay uu Salaada Subax Jamaacada ku soo tukaday uuna Somaanaa Cashuraa uuna ku jiray maganta Alle cid ka gardarana ay dishay , waxa uu Sheekh Daahir oo aad u qiireysan uu sheegay in geeridu ay xaq tahay balse cida Drka ku xad gudubtayi ay yihiin kuwo Umadda dambi ka galay Allena dadka ka soo dhex saaro.

 

Intaa kadib waxaa hadalka qaatay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxaanu sheegay in Drka ay is barteen 1975 ama 1976 xiligaa oo uu Sheekhu ku tilmaamay in uu ahaa mid dhigta Dugsiga Sare kadib Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ka hadlay sidii uu Drku ku ahaa diinta iyo jecelka uu u qabo faafinteeda iyo u gudbinta dadka Soomaaliyeed oo xiligaa aan si weyn diinta u fahamsaneyn .

 Halkan ka dhageyso Codadkii  Culimada

Kadib waxa uu Sheekh C/qaadir ka hadlay dilka loo geytay waxa uu tilmaamay in Drka ay geyteen dad dhagar qabayaal ah Allena uu ka baryayo in cidii dilkaa so abaabushay ama fulisay uu calaamad ka muujiyo .

 

Sheekhu intaa kadib waxa uu sheegay in Drka marar badan loo soo diray warqado caga jugleyn ah oo Drka loogu sheegayo in la dilayo, waxa uu intaa raaciyay in wixii baydhabo laga soo saaray ay tuhun weyn galineyso dadka

 

Kadib intaa waxaa bayaanka ay Culimada soo saareen Akhriyay Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur , bayaanka ka hor ayuu Sheekh Fu’aad ka hadlay tacliiq yar oo uu ka yidhi Dr Axmed Xaaji C/raxmaan.

 

Culimada ayaa so bandhigtay qaar ka mid ah Codadka dadkii ka qeyb galay Shirkii ay Shababku ku qabsadeen Baydhabo ayna ku sheegeen in Culimada aan a fikirka ahayn ay dilayaan waxaana codkii la soo bandhigay ku jiray Xasan Maxamuud Takar oo ahaa ninkii ugu hadalka adkaa inta ka qeyb gashay shirkaa, sidaa oo kale waxa ay Culimadu soo bandhigtay qoraalo cabsi galin ah oo Dr Axmed Xaaji C/raxmaan loo soo qoray.

 

Kulanka Culimadu ay uga hadleysay taariikhda Dr Axmed Xaji C/raxmaan ayaa si toos ah loogala socday Magaalada Boosaso iyo deegaanada ka baxsanba waxaaana si toos ah u tabinayay Idaacadaha SBC International Bosaso iyo Idaacada Quraanka Kareemka ee Al xikma Bosaaso.

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo manta Salaadii Duhur lagu aasay Magaalada Boosaaso
  2. Culimada & Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Dalka Qatar oo u tacsiyaynaya Dr Axmed Xaaji C/raxmaan
  3. Baaq Culimadu ay ka soo saareen Dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan
  4. Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo Caawa jeediyay Muxaaradii 1-aad Nadwada ka bilaabtay Masjidka Al Rowda ciwaankeeduna ahaa “Diintu waa naseexo “
  5. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Caawa darsigii sadexaad oo ciwaankiisu ahaa (KAALINTA CULIMADA IYO ARDAYDA NASEEXEYN IYO SIXITAAN) ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9-aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M. Boosaaso

Readers Comments (2)

  1. Mohamed Abdullahi Abdulle says:

    waxaan halkaan ka amaanayaa hadalkii geesinimada iyo qiimaha lahaa ee ay culimada puntland kaga hadleen dilki naxdinta lahaa ee loo geeystay sh.axmed xaji c/raxman.

    waxaa loo baahan yahay inay bulshada somaliyeed gaar ahaan kuwa puntland ay kacaan oo iska dhiciyaan dhiig cabayaasha, somali dilayaasha, diin bi’iyayaasha dalkeena kusoo duulay.

  2. xasan maxamed c/samed(kaad) says:

    waxan salamaya culimada rer puntland waxan leyahay indhahay naga rideen ilahay haka ride waxana dilay drkena (karamalahu wajhahu() kuwa takfirka ah e culima diidka ah..aah..aah..




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo manta Salaadii Duhur lagu aasay Magaalada Boosaaso
  2. Culimada & Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Dalka Qatar oo u tacsiyaynaya Dr Axmed Xaaji C/raxmaan
  3. Baaq Culimadu ay ka soo saareen Dilkii Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan
  4. Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo Caawa jeediyay Muxaaradii 1-aad Nadwada ka bilaabtay Masjidka Al Rowda ciwaankeeduna ahaa “Diintu waa naseexo “
  5. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Caawa darsigii sadexaad oo ciwaankiisu ahaa (KAALINTA CULIMADA IYO ARDAYDA NASEEXEYN IYO SIXITAAN) ka jeediyay kulan cilmiyeedka 9-aad ee ka socda Masjidka Al Rowda ee M. Boosaaso

Latest Headlines