LIISKA DIL SUGAYAASHA DR. AXMED DABADII

Published on December 6, 2011 by   ·   3 Comments   ·   print

 Way badanyihiin, waxaana ka mida kuwan hoos ku qoran:

1-      Aqoonyahan

2-      Caalim diineed

3-      Digtoor

4-      Daaci

5-      Arday jaamacadeed

6-      Oday nabada jecel

7-      Miskiin meel iska maraya

8-      Macalin quraan

9-      Marti

10-  Maalqabeen

MAXAABA HADHAY?!

 

Ugu horayn waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan  gaar ahaana eheladii, sheikh Dr/ Axmed xaaji C/raxmaan oo ahaa caalim & aqoonyahan soomaaliyeed  oo u taagnaa noloshiisa inta aan garanayo dhismaha iyo danaha ummada waxbadana ka xaqiijiyay.

 

Caalim mufti ah buu ahaa,   Wuu soomanaa,   salaad subaxbuu soo tukaday   , xaajina wuu ahaa oo maalmo yar ka hor kacbada ayuu agfadhiyay, daqiiqadihii noloshiisa u dambeeyayna danta guud ee ummaddiisa ayuu ka shaqaynayay.

 

Ilaahay haka aqbalo acmaasha suuban iyo cibaadada Alle ee uu kulansaday,  naxariistiisa waasica ah iyo jannooyinkii qaaliga ahaana ha siiyo ayaan ugu ducaynaynaa

AAMIIN                     AAMIIN                     AAMIIN.

 

MAXAA LOO DILAY SHEEKHA?

 

Waayahan dambe soomaaliya waxaa ka socday silsilad dilal qarsoon iyo kuwo muuqda oo dhamaantood is shabahaya hadday
tahay goobaha dilalku ka dhacayaan, nooca dadka lala beegsanayo iyo waqtiga falalku dhacayaanba.

 

Waa layaabee bal in yar aan dib u milicsano dhacdooyinkii murugada lahaa ee dalka soo maray  qaar ka mid ah, dhamaantood waxaad arkaysaa inay isku nooc ahaayeen, shirqoolkuna meel kasoo wada jeedo.

 

- Goobta dhacdooyinku inta badan  waa: Masjid, jaamacad ama munaasabad aqoonyahan kulmisay.

- Nooca dadka diiradu saarantahay:  Culimo, aqoonyahan iyo inta kale ee kor ku xusan.

- Dembiiluhuna inta badan waa: mid, laba ama koox dhalinyaro ah oo afka soo duubatay, kuna hubaysan bastoolado
ama  waxyaabaha qarxa.

 

Haddii ay sidaa tahay aynu u soo noqono su,aasheena ah maxaa sheekha loo dilay?. ,Ilaahay wuxuu caqliga inoo siiyay in
aynu wax ku garano, axdaasta iyo dhacdooyinkana ku fahamno ama ku falanqayno waxa ay daaran yihiin.

 

Dr. Axmed xaaji C/raxmaan ilaahay haw naxariistee wuxuu ahaan nin aqoondheer dadku u leeyahay oo lawada yaqaano,
inkasta oo waqtigiisii uu dhintay hadana waxaa la odhan karaa wuxuu ahaa shakhsi ka fog oo nadiif ka ah dhamaan asbaabaha soomaalidu isu disho ama isu dabagasho marka laga reebo dhaqamo guracan oo waayahn dambe ku soo kordhay  saaxada soomaalida, kuwaasoo ah in qof muslim ah  dhiigiisa cid kale ku banaysato ama ku hadido  wuu iga soo hor jeedaa, waxaan
wado ma waafaqsana iyo dadka ayuu wax ugu sheegaa sidaan arko si ka duwan.

-muu ahayn  siyaasi kursi doon ah oo dakano siyaasadeed qaba oo markaa la yidhaahdo
sababtaas ayaa loo dilay.

  • Manuuse ahayn dadka qabaa,ilka horbooda oo aano qabiil looma dilin  ee taa caksigeeda  wuxuu ahaa caalim  soomaaliyeed oo dadka oo dhami wada jecelyahay Xitaa muu ahayn dadka carabkiisu dalabta leeyahay ee dhacdhaca badan ,wuxuu ahaa
    nin marka uu hadlo hadalkiisu intabadan cilmi iyo xikmad yahay oo aan laga  xiisagoyn

Hadaba dilka sheikh Dr. axmed ilaahay ha u naxariistee waxaynu odhan karaa oo dhamaan calaamadaha jiraa ay muujinayaan  meel dheer loogama iman ee  wuxuu daba socdaa  duqaydii ka horaysay iyo haldoorkii soomaaliyeed ee magacyadooda aad wada garanaysaan ciyaartuna ma dhowa oo liisku waa furanyahay , culimo iyo aqoonyahan farabadan oo aad wada jeceshihiin sidii
sheekheena alle naxariis ha siiyee ayaa faylka ku jira.

 

Maxaa talo ah ?

KU: CULIMADA:

 

1-      waa in aan lagu sasin axdaasta iyo dhacdooyinka noocan oo kale ah ee soo wajahaya ummada iyo ducaada xaqqa ah ee u taagan danaha ummadooda.

2-      waa in ay hoosta ka xariiqnaataa in dariiqa Dr.axmed iyo ragii ka horeeyayba  ay ku dhinteen uu yahay dariiqii ambiyada dhamaan raga inta hadhayna ay fishaan oo diyaar u ahaadaan inay ilaahay la kulmaan iyaga oo dariiqa ku taagan.

 

قال تعالى: وكأيّ من نبيّ قتل معه ربيّون كثير فما وهنوا لما أصابهم في سبيل الله
وما ضعفوا وما استكانوا والله يحبّ الصابرين

3-      waa in culimada iyo ducaadu ay dardar geliyaan oo labanlaabaan juhuudda iyo dadaalka ay wadaan ee dacwada iyo danaha guud ee Ummadda

4-      ilaahay wuxuu culimada dusha ka saaray bayaaminta xaqqa meel kasta oo ay joogaan iyo si kasta oo xaaladu noqonayso xitaa hadii ay naftooda ku waayayaan arintaana waxaa tusaale inoogu ah selefkii ummadda ee saalixa ahaa

5-      ugu dambayntii Dr. axmed waa in dadkiisii wax loo qabtaa dhaxalkii cilmiga ahaa ee uu ummadda uga tegayna la ururiyaa si loogu intifaaco .

 

KU: DHALIYARADA:

   dhaliyaroy waxaad tihiin xoogii Ummadda iyo mustaqbalkeedii, ogaada in duulaanka ugu faraha badani idinka idinku wajahan yahay hadii ay tahay sidii  maskaxdiina iyo fidrada saliimka ah ee eebbe idinku abuuray  loo majara habaabin lahaa oo markaa xoogiina iyo firfircoonidiina loo adeegsado duminta dalkiina iyo dulaynta dadkaad ka dhalateen .Waxaan ugu naseexaynayaa naftayda iyo naftiinaba qodobadan hoos ku qoran:

 

  1. Aakiro naf waliba wixii ay gaysatay isaga ayaa loo qabanayaa oo kooxdiisa iyo qabiilkiisa midna waxba uma tari doono ee nin walowba ka fiirso intaanad falin
  2. jahligu waa cadow, caaqibadiisuna way xuntahay, cilmi baa ku caymin kara ee carar oo culimada gaadh intaanad cadaabka gelin.
  3. qofka caalimka ah ama ahlu diinka ah  oo la aflagaadeeyo,loo hanjabo ama la dilaaba waa dambi wayn oo jariimo ahee
    yaan walaal lagugu dagin oo diintaada haku fasahaadin.
  4. hubsiimo halbaa la siistaa ,ee haku halaagsamin heblaa tidhi iyo hebel baa iigu sheekha.
  5. dhagartu ma hadho dhiiga muslinkuna ma duugoobo ee dhulka haysu daraysiin

 

KU: UMMADDA GUUD AHAAN:

-Waxaan guud ahaan u dardaarmayaa walaalahayga soomaaliyeed muslinka ah  meelkasta oo ay joogaan .

- ilaahay xadhigiisa qabsada oo ku walaaloba diinta

  1. culimadiina  iyo waxgaradkiina gacan siiya oo meel uga soo wada jeesta mu,aamaraadka shaadhadhka kala duwan gashan ee ummadda loo soo maleegay.

3. diintu  waa tii ilaahay soo dejiyay dadka sheegtaa se kama wada turjumaan ee dadkiina kala barta.

 

Sh. C/laahi Baashe

cbaashe@hotmail.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan: adduunka waligi dhib waa ka dhici jirtay ee yaan la isdhiibin
  2. Dr. Axmed maxaa loo dilay? W/Q: Axmed C/samad
  3. Suuriya oo ku soo biirtey liiska wadamada kacdoonadu ka socdaan
  4. Ninkii Ilaahay khayr la doono diinta ayuu fahamsiiyaa. W/Q: Axmed C/samad
  5. Liiska Magacyada Dadkii wax ku noqday Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa.

Readers Comments (3)

  1. Asc. Walalka faalada qoray wuu mahadsan yahay waxan la hadlayaa dhalinyaradda lagu adeegto war hooy faraha kala baxa falalka foosha xun ee jariimadda ah ee danuubta ah inta ay goori-goor tahay wlhi qof walbo qabriga keligiis ayaa la gelinayaa malinti qiyaamana keligaa ayaad alle hor istaageysaa ogow in aysan kula socon doonin qoladda kugu adeegata qof walba malintaa qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira , culimadda soomaliyeed weel walba ay joogaan waa iin ay xaqqa siduu yahay u sheegaan falakan arxan darada ahna meel uga soo wadajeestaan dadkan ay aad u wacyi geliyaan.

  2. cabdiraxmaan sheekh says:

    asc/ mahadsanid sheekh c/laahi baashe ,dr /axmed na alaha unaxariisto dhamaan umada somaaliyeed khaas ahaan eheladii ,asxaabtii iyo bahada culimada alaha kheyr idinkugu badalo samir iyo imaana idin kasiiyo umadana balaayada alaha kaqabto.

  3. C/raxmaan says:

    asalaamu Calaykum Waraxma,
    Walaalayaal Shiikh Dr Axmed alle ha unaxariistee wuxuu ahaa waxaa ka markhaati kacay ummaddii jinaasadiisa isugu timi iyagoon cidina balmin. taas ayaa ugu filan in la garto cida uu ahaa Sh. Dr axmed.

    Walaalayaalow waxaan anigu shakhsiyan ahaa dadka ugu dhawaa xiliyadii danbe, waxaan rajo ka qabaa in geeridiisu noqoto muftaaxul faraj oo wixii lagu dilay ay noqoto wax feedhaha ka dilaaca. dr-ka inta soomaliyi isu disho uma dhiman ee fikirkiisa iyo awoodiisa saameyneed ayuu u dhintay, waxaa jirtay in dadbadan ay ku kadsoomaan marin habaabinta ah cidkalaa wax disha ee daqiiqado kadib lagu soo qoray webka qolyaha dhimashadiisa ka hor la badheedhayey waxay culimada ictisaam noqdeen gaala raacyo. waxaa ka mudan in ay barakeeyaan maxaa yeelay waxaad shalay boorinaysay hadii la fulito sow ku farxi maysid.

    akhristaw gal webka Somalimidnim fiir sawirada dadka shirka baydhabo fadhiya. waa su,aale kuwa afku u xidhan yahay iyo kuwa wajiga furan maxaa u dhexeeya makala cadawbaa maka naf fiican yihiin??? maya qolada awajiga loo furay ee mikirifoonka loo dhiibay malaha intaas ayay meesha u joogaan. maanta xasan takar markuu leeyahay Dr Axmed waa u tacsiyeynayaa miyoo garan waayey shalay markuu lahaa ictisaam waa na khayaameeyeen in Caqliga Ictisaam iyo koolada uu ahaa Dr Axmed!!!!!!!!!!!!! saw isaga uma jeedin waxaase ka yaab badan maxaa culimo badane ictisaam loo xukumay?? waxay ila tahay ninku wuxuu diirada saaraa cida uu ku o yahay in ay tartanka kaga adkaan karto .

    ma boorinayo in cid kale oo culima ah ama caadi ah wax la yeelo laakiin shalay ictisaam shirka baydhabo wuxuu u ahaa hal kudhig maantana maxxaa is bedelay?? waxaa shaki galay in ay dhaawac ku noqon doonto qolyihii hawshaa waday ?? armaa shirku ahaa in hordhac looga dhigayo dhacdaaa foosha xun




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan: adduunka waligi dhib waa ka dhici jirtay ee yaan la isdhiibin
  2. Dr. Axmed maxaa loo dilay? W/Q: Axmed C/samad
  3. Suuriya oo ku soo biirtey liiska wadamada kacdoonadu ka socdaan
  4. Ninkii Ilaahay khayr la doono diinta ayuu fahamsiiyaa. W/Q: Axmed C/samad
  5. Liiska Magacyada Dadkii wax ku noqday Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa.

Latest Headlines