war deg deg ah: Dr .Axmad xaaji C/raxmaan oo saaka boosaaso lagu dilay

Published on December 5, 2011 by   ·   4 Comments   ·   print

waxaa saaka salaaddii subax ka dib magaalada boosaaso lagu dilay Dr. axmad xaaji c/raxmaan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee soomaaliyeed, sheekha waxaa la toogtay isaga oo ka soo baxay masjidka xasan bin cali ee xaafadda biyo kulule ee magaalada boosaaso, isaga oo soomanaa shalayna dadka masaajidda kaga boorriyay in la nooleeyo sunnada soonka caashuuraa.

dilka sheekha ayaa lala xiriirinayaa hadal ka soo baxay shir ay ururka alshabaab ku yeesheen magaalada baydhabo oo ay ku go’aansadeen in la laayo culumada soomaaliyeed ee aan la fikradda aheyn si gaar ah culimada al ictisaam sida ay hadalka u dhigeen,shirkaas oo ay bayaanka ka soo baxay wax ka saxiixeen culimo ay ka mid yihiin sh. xasan daahir,sh.c/laahi cali xaashi,sh,jaamac c/salaan,sh. xasan takar, iyo sh. c/laahi raabi.

sheekhu wuxuu maalmo ka hor ka soo noqday xajka wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii jaamacadda bariga afrika wuxuuna ka mid ahaa culimada soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka qaatay faafinta manhajka salafka .

wixii faahfaahin ah ee la xiriira dilka sheekh iyo taariikh nololeedkiisa kala soco bogga somalimirror



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dr. axmad xaaji C/raxmaan oo sunan al-tirmidi ka billaabi doona masjidka al-rashiid ee boosaaso
  2. Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Boosaaso
  3. Nabadoon xaley lagu dilay magaalada Boosaaso
  4. Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo si nabad ah ku soo gaadhay M. Boosaaso laguna soo dhaweeyay
  5. Nin maanta lagu dilay Suuqii hore ee Sarifka ee M. Boosaaso

Readers Comments (4)

  1. cali says:

    Allah haw naxariisto. Culimaduse markay xaqa sheegi waayeen, qowlkoodii iyo ficilkoodiina is-khilaafay, iyagiibaa laysula soo dhacay!!

  2. shaymaa says:

    INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN ,WAXAAN TACSI UDIRAYAA EHELADII ,QARAABADII,UMADDA SOOMAALIYEED IYO MUSLIMIINTA DHAMAANTOOD WAAYOSHEEKHO WUXUU KA DHINATY ISLAANAAMKA OO DHAN ,WAXAAN LEENAHAY ALLAH JANADIISA HA WARAABIYO KHAASTAN BAABURAYAAN WAAYO WAA UU SOOMANAA.
    WAXAAN SAAKA JOOGAY ISBITAALKII WEYN E BOSASO OO MAYDKIISA LASOO DHIGAY OO LA YAABAYSO WAXA HALKAA UMMAD ISUGU TIMID ..WAXAAN ALLAHA CAALIMULQAYBKA OG INUU SOO KASHIFO WIXII DILAY DRKA ….AAAMIN AAAAMIN

  3. salaamuliaahi calykum waraxmatuhu wa barakaatuh
    inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaan halkaan tacsi tiiraanye leh ooga dirayaa sheekh DR axmad xaaji c/rixmaan in ilaahay janatul firdaws ka waraabiyo eheladiisii iyo qaraabadii oo ka geeriyoodana samir iyo iimaan ka siiyo

    waxaana sidoo kale tacsi guud u dirayaa dhamaan ummadda muslinka ah meel kasta oo ay ku nooshahay gaar ahaan culimada iyo waxgaradka reer puntiland in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.

  4. Axyaa Wadani says:

    Astagfurullaah , SubxaanaAllaah.

    Allaan idinku dhaarshee , qofka Muslimka ah msabidashadiisa miyaan Xaaraam ahayn , goormeey agtiina ka xalaaloowday ?

    Waxaa lagu xariirinaa ineey dileen …..Shabaab , bal hadalkaas miizaanka saar.

    Wiilka maqaalka Qorayoow , kooxi kaa saari maydo Alle hortii , Muslimiinta ha iisku GOOYN




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dr. axmad xaaji C/raxmaan oo sunan al-tirmidi ka billaabi doona masjidka al-rashiid ee boosaaso
  2. Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Boosaaso
  3. Nabadoon xaley lagu dilay magaalada Boosaaso
  4. Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo si nabad ah ku soo gaadhay M. Boosaaso laguna soo dhaweeyay
  5. Nin maanta lagu dilay Suuqii hore ee Sarifka ee M. Boosaaso

Latest Headlines