Kulan ay ku yeesheen Urur Goboleedka IGAD magaaladaAddis Ababa oo habeenkii xalay ahaa la soo gaba gabeeyay ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo lagaga hadlayay xaalada Soomaaliya iyo howgalka ay ciidamada Kenya ka wadaan gobolada JubooyinkaMadaxa Ururka oo akhriyay Bayaanka gaba gabada ah ayaa sheegay in qodobada ay ka kooban yihiin taageero lagu taageerayo howlgalada ay ciidamadaKenyaka fulinayaan gobolada Jubooyinka ee dalka Soomaaliya ee ay kula jiraan Ururka Al shabaab.
Qodobka xiga ayaa ahaa cambaareyn ay IGAD u soo jeedisay DowladaEritreaiyaga oo ku eedeeyay in ay hub u dirtay gudaha Soomaaliya ayna taageero Military ay siiso Xarakada Al shabaab.
Sidoo kale waxa uu Ururka IGAD codi u diray Dowlada Itoobiya in ay ka qeyb qaadato howlgada lagula jiro Xarakada Al shabaab wuxuuna Ururku amanay talaabadii hore ay ay qaateen Military-ga Itoobiya ee ay meesha ugu saareen khatartii Islaamiyiinta Soomaaliya .
Codsi kale waxa uu Ururku u diray UN-ka iyo Midowga Yurub in ay taageeraan howgalada lagu soo af jarayo khatarta Xoogaga Xag jirta uu ku tilmaamay Ururka IGAD ee Al shabaab.
Qodobka ugu dambeeyay ee bayaanka ay sida wada jirka ah u soo saareen Xubnaha Ururka IGAD ayaa ahaa in Ururka iyo xubnihiisu ay meel uga soo wada jeedan la dagaalanka Ururka Al shabaab.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Ururka IGAD ka hadlo Xarakada Al shabaab wuxuuna mar hore Ururka IGAD xarakada Al shabab ka dhigay koox aragigixiso balse markan waxa cusubi waa la dagalanka Al shabab oo lagula dagaal galo gudaha Soomaaliya lama saadaalin karo sida loo wiiqi doono jiritaanka Al shabaab.

Related posts:
Arintu ma ta ilaahay bay noqon misa ta iGAD ?WA SU ,AAL JAWAb u baahan