Saraakiil ka tirsan laamaha Sirdoonka ee Maraykanka ayaa shaciyay in Marayaanku uu si toos ah ugu qancay howlgalada ay gudaha Soomaaliya ka wadaan wadamadaKenya,UgandaiyoEthiopia.
Saraakiishu waxa ay sheegeen in taageerada Maraykanku ay ku timid kadib markii uu arkay sida Caalamku uga soo wada horjeedo la dagaalanka xagjirnimada Xoogaga Al shabaab iyo khatarta ay huwan yihiin iyada oo ay sii dheertahay dhibaatooyinka joogtada ah ee ay ku hayaan dadka ku dhaqan deegaanada ay gacanta ku hayaan.
Wasaarada Gaashandhiga ee Maraykanka “Bentagon” ayaa war ay soo saartay laguna daabacay isaga oo qabyo ah Wargeysa Sharqal Owsad ee ka so baxaLondonwaxaa lagu sheegay in howgalka la dagaalanka Al shabaab uu Maraykanku ka qeyb qaadan doono gaar ahaan howgalada dhinaca cirka isagoo adeegsan doona diyaarada duuliye la’aanta ah sidoo kalena uu howlgalada ka haggi doono dhinaca Satellite-ka .
Saraakiil kale ayaa sheegay in taageerada Maraykanku ay ku timid kadib markii uu diraaso ku sameeyay dadka heysta dhalashada Maraykanka asalkooduna yahay soomaalida ee ka mid noqonaya Al shabaab taasina ay dhibaato joogto ah ku noqotay amniga guud ee Maraykanka, waxa ay saraakiishaasi intaa ku dareen in Maraykanku ilaa hadda uusan soo saarin bayaan uu ku taageersan yahay howlgalada Kenya ee gudaha Soomaaliya waxaana war gaaban oo uu af hayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Maraykanka uu yidhi “xaq ayay u leedahay(Kenya) in ay nafteeda difaacato”.
Taageerida Maraykanka ee ku aadan howgalada gardarada ah ee ay gudaha Soomaaliya ka wadaan WadamadaKenyaiyo Itoobiya ayaa ku soo aadaya xili ay diyaarado duuliye la’aan ahi ay howgalo kala duwan ka fuliyeen goobo kala duwan ee ka tirsan Gobolada Jubooyinka

Related posts: