Ila wareedyo kala duwan ayaa shaaca ka qaaday in howgalada Ciidamada AMISOM ee ka wadaan gudaha Soomaaliya uu Maraykanka ku bixiyay lacag gaadhaysa 250 Milayn oo Dollar si wax looga qabto amniga Soomaaliya.
Warkan oo uu soo xigtay Wargeyska Sharqal Owsad waxa ay ila wareedyo ku sugan Aqalka Bentagon ka sheegeen in lacagta gaadheysa 250 Milayn ee uu Maraykanku ugu deeqay ama uu ku taageeray howglada Amisom ay tahay mid aad u fara baxan .
Waxa uu Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gashaandhigu sheegay in Maraykanka ay ku dhib tahay bixinta 250 Milyan oo Dollar iyadoo awooda AMISOM aysan ahayn mid muuqata sidaa darteedna loo baahan yahay in istaraatiijiyad midaa ka duwan uu Maraykanku la yimaado taasi oo uu ku sheegay in ay ka natiijo fiican tahay taageero toos ah oo la siiyo howglada wada jirka ah ee ay Kenya iyo Itoobiya ka bilaabeen gudaha Soomaaliya wuxuuna xusay in Amisom aysan si wanaagsan aqoon ugu lahayn dhulka Soomaaliya halka Kenya iyo Itoobiya ay la daris yihiin Soomaaliya ayna kala garanayaan dhulka , dhaqanka dadka iyo cimilada deeganka.
Waxa ay dhinaca kale saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhigu sheegeen in Barrack Obama ay u gudbiyeen isataraatiijiyad ah in uu Maraykanku ka hoos u dhigo howgalada tooska ah ee uu kula jiro argagixisada badalkeedana uu qaato in uu taageero dhinacyada markaa ugu dhow halka ay dhibaatooyinku ka jiraan si hoos loogu dhigo kharashaadka iyo khasaaraha iyo sumcad xuma soo gaadheysa Maraykanka.
Sidoo kale waxa ay saraakiishaasi sheegeen in ay lagama maarmaan tahay in wax badan dib loogu laabto si qoryashayaasha mustaqbalka dagan aysan ugu iman habacsanaan la xidhiidha howlaha oo la isku badiyo lagana dhaxlo in wax badan oo aan lagu tashan ay halkaa ka soo if baxaan.
Waa markii ugu horeysay ee si cad looga war helo in uu Maraykanku taageero muuqata siiyo Ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha Dalka Soomaliya kuwaas oo lagu eedeyay in howgalkii ay u yimaadeen Soomaliya badalkiisa ay ka dhigeen in ay shacabka dhibaateeyaan.

Related posts: