Bogga Tigg Debaka”Israel si toos ah ayay uga qeyb gali doontaa la dagaanka Al shabaab

Published on November 26, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Bogga “Tigg Debaka” ee ka hadla Amniga Yuhuuda ayaa oo faafiyay Maqaal dheer oo uu ku faah faahinayay kulan dhex maray Madaxda yuhuuda oo ay ugu horeeyaan Shimon Peres , Binyamin Netanyahu iyo Ra’iisal Wasaarada Kenya Rayla Odenga ayaa sheegay in kulankaa kadib ay Israel ku qanacday qorshaha taageerada ah ee uu soo weydiisay Rayla Odeyna ee la xidhiidha la dagaalanka xoogaga Al shabaab .

 

Sida uu bogaasi shegay Yuhuudu waxa ay diyaar u noqotay in ay taageerto ciidamada Dowladaha codsiyada military  u soo gudbiyay in ay ku taageeri doonto diyaarada duuliye la’aanta ah,doonyaha dagaalka , gadiidka dagaalka, hub ,tangiyo iyo aqabka lagu ogaado xadiida deegaanka (GPS),wuxuuna Netanyahu sheegay in ay Kenya la xulafo noqdeen si looga hortaggo waxa uu ku tilmaamay usuuliyiinta Geeska Afrika ee ku kala sugan Kenya Itoobiya , Koonfurta Sudan iyo Tanzania.

 

Bogga oo soo xiganaya Ila wareedyo ayaa sheegay in talaabada ayIsraelqaaday ay ka dhigayso mid si toos ah ugu qeyb gasha dagaalada ka jira wadamada ,ayna ku jirto dagaalka ayKenya  16 October ka bilowday gudaha Soomaaliya gaar ahan Al shabaab.

 

Bogga ayaa sidoo kale sheegay xog gaar ah oo uu helay in ay sheegayso in dhaq dhaqaaaqa Israel ay ku timid kadib wax ila eegid ay la yeesheen Xukuumada Barrack Obama taas o oak dhigan in Maraykanku uu la macaamilo dhinacyo u dhow Ikhwaanul Muslimiinka ku sugan wadamada waqooyiga Afrika halka France iyo Israel ay la macaamilaan kuwa aan xidhiidha la laheyn Islaamka ee ku sugan Wadamada Bariga iyo Waqooyiga Afrika.

 

Xoga uu faafiyay bogaas ayaa ku soo beegmasa xili uu maraykanku si toos ah ku shaaciyay in uu ka qeyb galayo howgalada wada jirka ay gudaha Soomaaliya uga wadaan Kenya iyo Itoobiya sidaa oo kale waxa mar sii horeysay ay Yuhuudu shaaca ka qaaday in ay taageero buuxda siinayso howlgalka ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya ee la xidhiidha la dagaalanka xoogaga Al shabaab ee ka arimiya gobolada Jubooyinka

Isha warka-  al.riyad 

 

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Malaga qeyb gali karaa Ciidda Gaalada (Qeybtii 1aad)?
  2. Xubnaha Ururka UWSLF uga qeyb gali doona Shirka Saxiixa Heshiiska UWSLf & Itoobiya oo kulan gaar ah yeeshay
  3. Maraykanka oo shaaciyay in uu ka qeyb galayo la dagaalanka Al shabaab
  4. Al-Shabaab oo Guul ka sheegtay Dagaalka Gal-gaduud qirayna in Xisbul Islaam uu kala qeyb galay
  5. Sirdoonka Ingiriiska oo sheegay in ay baadhitaano kadib heleen in ay jiraan Soomaali dagan Ingiriiska o xidhiidh la leh Al shabaab

Readers Comments (1)

  1. Jacfar says:

    Subxana allah war maxad u buunbuninaysan Yahuuda iyo Nasaarada oo cadowga ILLAH ah!!Akhii Illah kacabso.look before you leap.wsc




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Malaga qeyb gali karaa Ciidda Gaalada (Qeybtii 1aad)?
  2. Xubnaha Ururka UWSLF uga qeyb gali doona Shirka Saxiixa Heshiiska UWSLf & Itoobiya oo kulan gaar ah yeeshay
  3. Maraykanka oo shaaciyay in uu ka qeyb galayo la dagaalanka Al shabaab
  4. Al-Shabaab oo Guul ka sheegtay Dagaalka Gal-gaduud qirayna in Xisbul Islaam uu kala qeyb galay
  5. Sirdoonka Ingiriiska oo sheegay in ay baadhitaano kadib heleen in ay jiraan Soomaali dagan Ingiriiska o xidhiidh la leh Al shabaab

Latest Headlines