Yuhuuda ayaa sheegtay in ay aqbashay codsi uga yimid DowladaKenyaoo la xidhiidha taageerida howlgalada hubeysan ee ay ciidamadaKenyakula jiraan Xoogaga Xarakada Alshabaab ee ka socda gobolada Jubooyinka .
Shimon Peres oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Cibriga “Hibrow” ayaa cadeeyay in ay aqbaleen codsiga Kenya ayna siin doonaan taageero maaliyadeed iyo mid Military Kenya si ay meesha uga saran ayuu yidhi xag jirnimada Al shabaab.
Waxa uu muujiyay suurtagalnimada in qorshaha Kenya ay fakar ahaan wax ka geystaan wuxuna sidaa oo kale sheegay in cadowga Kenya uu yahay kan Israel ay leedahay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu tilmaamay in Al shabaab ay awood ahaan soo kordheysay Sanadihii tagay awoodeedana ay baahisay sidaa si la mid ahna ay u korodhay cabsida Caalamku ka qabo falalka argagixisonimo ee ay ku kacaan.
Rayla Odenga ayaa codsiga gaadhsiiyay Yuhuuda isagoo sii marsiiyay Xafiis ay Yuhuudu ku leedahay GudahaNairobi wuxuuna xafiiskaasi qoraalka u sii gudbiyay madaxda Yuhuuda.
Kenya ayaa codsiyo dhowr ah u kala dirtay UN-ka,Midowga Yurub,Maraykanka iyo Jaamacadda Carabta kuwa oo ay ku codsanaso in laga gacan qabto dhanka dhaqaalaha ku baxaya howlgalada ay ka wado gudaha Soomaaliya mudada bisha kor u dhaafasa.

Related posts:
Somalimirror oo aan waqtigii Xabashida ku aqaaney inay dagaalka dhinac kaga jirtey,oo aad garab taagnaydeen mujaahidiintagaalada la dagaalamaysay maanta ma waxay idinkaga soo ururtey in aad sida websiyada cilmaaniyiintu qoraan ku hadashaan? aawey doorkiinii muslimo, adanimo?mise waxaadna ku aragti tihiin dadka caadiga ee aysan u kala soocnayn diinta iyo diinla’aantu?xaalku maanta wuxuu taagan yahay meeshii aad shalay ku ogaydeen iyo waliba ka sii daran.keliya waxaan idin leeyahay tixdan yar ee gabayaagii waynaa Ismaciil mire ku yiri wiil uu dhalay, kaas oom ahaa “maandhow xagguun labada daarood ku daran ha is xatabin meele”
waxaan leeyahay Yahuud iyo dhamaan wadamada Kenya iyo Ethiopia,in ay cadow ku yihiin diinta islaamka ,waxaa la yirahdaa Muslimka waa terrorst,taa waa been waxaa terrorist eh niki rabo dhul uusan laheyn iyo maal inuu boobo,taana dhici meyso,Alshabab waa beni aadan oo dad ku jiro qalad sameeyan weyna ku hadlaan,ma waxaa ka wanaagsan yahuud mise kuwa kalle,waa may Soomaliyey waxaad ogolaatenin culumo loo dhiibodowlada shisheeye adinkoo go aan ka qaatey in aad ku noolataan diinta islamka,culumo iyo caami xukun doon aa tihiin isku xishooda,ilaahey waa gafooru raxiim hadii aad isleedahay naar aa gelo ee tiinbo ma jerto toobo wey banan tahay.tankalle hadii aad hoogmiye kooxed tahay ama wadad nin Amerika wax ku soo bartey aa idin xakuma marka giv upp please,do not west time and life even your money goes on nothing.Hawiye xukun dhulkada kadibna ku darso Somali land soomali waa intaa.