London oo lagu wado in lagu qabto shir lagaga hadlayo arimaha burcad badeeda Soomaaliya

Published on November 16, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay in ay marti galin doonaan shir lagaga hadlayo sida looga hortagi lahaa khataraha ka jira Soomaaliya gaar ahaan dhinaca badda.

Waxa uu Cameron sheegay inSomaliaay dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah ku heys guud ahaan caalamka marka laga soo gudbo dhinaca amniga oo ay kaalinta kowaad uga jirto , sidaa darteedna loo baahan yahay in la qiimeeyo xaaladeeda.

Waxa uu yidhi “Somaliawaa dowlad fashil ah cabsina ku heysa danaha tooska ah ee Ingiriiska” wuxuuna intaa raaciyay in la waxyeeleeyo dalxiisayaasha iyo shixnadaha gargaarka.

Hadalkan ayuu Cameron ka jeediyay faxlad lagu soo dhaweynayay duqa cusub ee Magaalada London ayuu sidoo kale ka sheegay in lagama maarmaan ay tahay wax ka qabashada xaalada Somalia dhinaca badda wuxuuna yidhi “ waxaa jirto baahi dhabka si loo eego arimaha dibadda …. Sido kale baahi dhab ah ayaa ka jirta sidii dadaalka caalamka arintan loogu soo jeedin lahaa iyada oo ayBritainmarti galinaso shirka sanadka soo socda”.

Shirka lagaga hadlayo qaabka loola tacaalayo wax ka qabashada dhibaatada budhcad badeeda ayaa lagu wadaa in uu furmo bilowga sanadka soo socda ee 2012 waxaana lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan wadamo badan iyo shirkadaha Maraakiibta xamuulka qaada leh.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Shirka lagaga hadlayo Arimaha Dalka Soomaaliya oo lagu wado in uu maanta ka furmo Dalka Turkiga
  2. Dowladda Yemen oo sheegtay in ay ka qeyb galayso shirka lagaga hadlayo arimaha Soomaaliya
  3. Shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo Burcad badeeda oo lagu xusay in Burcad badeedu ay qeyb ka tahay Amaan darida ka jirta Soomaaliya
  4. Shir looga hadlayo Burcad Badeeda oo lagu qaban doono Masar
  5. Kenya oo ku Baaqday shir looga hadlayo Burcad Badeeda

Readers Comments (1)

  1. Farxaan says:

    Cameron asagaa budhcad wayn ah

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shirka lagaga hadlayo Arimaha Dalka Soomaaliya oo lagu wado in uu maanta ka furmo Dalka Turkiga
  2. Dowladda Yemen oo sheegtay in ay ka qeyb galayso shirka lagaga hadlayo arimaha Soomaaliya
  3. Shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo Burcad badeeda oo lagu xusay in Burcad badeedu ay qeyb ka tahay Amaan darida ka jirta Soomaaliya
  4. Shir looga hadlayo Burcad Badeeda oo lagu qaban doono Masar
  5. Kenya oo ku Baaqday shir looga hadlayo Burcad Badeeda

Latest Headlines