Kenya oo codsiyo u kala dirtay Maraykanka,Yurub, UN,iyo Jaamacadda Carabta si loo taageero howlgadeeda gudaha Soomaaliya

Published on November 16, 2011 by   ·   2 Comments   ·   print

DowladaKenyaayaa codsiyo kala duwan u kala dirtay Maraykanka, Midowga Yurub , Un-ka iyo Jaamacada Carabta si dhinaca lojistikada looga taageero howlgada hubeysan ee ay mudada bisha ah ka wado gudaha Soomaaliya.

Kenyaayaa saraakiil kala duwan u kala dirtay Maraykanka iyo Midowga Yurub kuwaa oo ay ku dalbanaso in laga caawiyo dhinaca dhaqaalaha iyo saadka kale ee la xidhiidha howlgada ciidamadeedu ka wadaan gudaha Soomaaliya ee ay kula jiraan Xoogaga Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.

 

Ergay gaar ah oo ayKenyau dirtay Maraykanka ayaa lagu wadaa in xili dambe oo manta  ah uu mas’uuliyiinta Maraykanka ah u gudbiyo qorshaha ayKenyaku doonaso in lagu caawiyo howlgaleeda , sidoo kale ergaygaas waxa uu codka kaa la midka gadhsiin doonaan Qaramada Midoobay Golihiisa Amniga .

 

Sidoo kale waxaa jira ergay ay Kenya u dirtay Midowga Yurub xaruntiisa Brussels wuxuuna ergaygaas 2 kulan la kala yeelan doonaa Wadamada Contact Group-ka Arimaha Soomaaliya iyo Golaha Amniga iyo dhan dhaqaalaha ee Midowga Yurub waxana lagu wadaa in uu sharax guud ka bixiyo dhaqalaha la doonayo in mudada howgaladu socon donaan.

 

Kenya waxa ay dalab taageero ah u gudbisay Jaamacadd Carabta iyadoo ka dalabtay taageero dhaqaale balse ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka Carabta oo la xidhiidha aqbalid ama diidis la xidhiidha codsiga Kenya.

 

Dhinaca kale Saxaafada Carabta ayaa si toos ah u weerartay qorshaha Kenya ay wato waxayna wax laga xumaado ku tilmaantay in Jaamacada Carabta la soo weydiisto dhaqaalihii lagu xasuuqi lahaa shacabka Soomaaliya ,waxaana ciwaanada bogaga hore wargeysyad ka soo baxa London ee Afka Carabiga ku soo baxay ku qoraa ciwaano muujinaya diidamada qorshaha Kenya doonaso.

 

Ma cada sida ayKenyaugu guuleysan doono dhaqaale u helidda qorshahe colaadeedkeeda iyadoo ay dhaqaalo xumo ka jirto Midowga Yurub sidoo kalena Maraykanku hoos u dhigay kharashaadkii uu dhinaca Military  ku bixin jiray

Diyaarin & Tarjumid___ Abdulrahmaan yare

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maraykanka oo taageeray howgalada ay Kenya ka wado gudaha Soomaaliya
  2. Jaamacadda Carabta oo ku Baaqday in la labo jibaaro Dadaalka Xal u helida Soomaaliya
  3. Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in si deg deg ah gar gaar loola gaadho Soomaaliya
  4. DKMG ah iyo Kenya oo ku heshiiyay 11 qodob oo la xidhiidha howlgada Kenya ee gudaha Soomaaliya
  5. Jamacada Carabta oo soo dhaweysay Imaanshiyaha Sh.Shariif Gudaha Soomaaliya.

Readers Comments (2)

  1. Readers comments sidaasaa u danbeyn cidii diinta alle la dirirta bal wakaase hela cid tacliiq idinku qorta halka sanad ka hor meel lakala istaago la la,aa

  2. YUUSUF says:

    YAAB BADADNAA NINKII MIDYAHA LOO TUMANAAYEY OO JIIFA IYO KIIN TUMANAAYEY OO DIYAAR GAROW KU JIRO




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maraykanka oo taageeray howgalada ay Kenya ka wado gudaha Soomaaliya
  2. Jaamacadda Carabta oo ku Baaqday in la labo jibaaro Dadaalka Xal u helida Soomaaliya
  3. Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in si deg deg ah gar gaar loola gaadho Soomaaliya
  4. DKMG ah iyo Kenya oo ku heshiiyay 11 qodob oo la xidhiidha howlgada Kenya ee gudaha Soomaaliya
  5. Jamacada Carabta oo soo dhaweysay Imaanshiyaha Sh.Shariif Gudaha Soomaaliya.

Latest Headlines