Xogyaha guud ee Jaamacadda Carabta oo lagu wado in uu booqdo Muqdisho

Published on November 9, 2011 by   ·   4 Comments   ·   print

U qeybsanaha Jaamacadda Carabta Arimaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Idris ayaa sheegay in Xogyaha guud ee Jaamacada Carabta Nabiil Al Carabi uu booqasho ku iman doono Dalka Soomaaliya si uu arko dhibaatada ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay abaaraha .

 

Safiirka Jaamacadda Carabta u jooga Soomaaliya waxa uu tilmaamay in hadda ay wadaan u gogol xaadhida imaatinka Nabiil Al Carabi wuxuuna intaa raaciyay in ujeedooyinka imatinkiisa ay ugu weyntahay booqashada xeryaha barakacayaashu ay ku sugan yihiin ayna wehlin doonaan kulamo xog qaadasho ah oo uu la yeelan lahaa mas’uuliyiinta ugu sar sareysa DKMG ah ee Soomaaliya.

 

Waxa uu dhinaca kale sheegay in imatinka Nabiil Al Carabi ay jaamacadda Carabtu darsi doonto sida ugu macquulsan ee gudaha Soomaaliya lagu gaadhsiin karayo kaalmooyinka gargaarka ee loogu tala galay shacabka ay abaaruhu saameeyeen.

 

Talaabada ugu horeysa ee dhinaca gargaarka ay ee Jaamacadda Carabtu sameyn doonto ayuu ku sheegay in ay tahay in marka hore goobaha amnigoodu sugan yahay dadka ku sugan la gaadhsiiyo kaalmooyinka goobaha kale ee aysan Dowladu maamulina ay la kaashan doonaan Hey’ado maxali ah oo ka wakiil noqon doona.

 

Go’aanka la xidiidha imantinka Xogyaha guud ee Jaamacada carabta ayuu ku sheegay in uu ku yimid kadib Shirkii heer Wasiireedka ahaa ee dhacay bishii September kaa oo ay qodobadii ka soo baxay ay ka mid ahayd sidii gargaar deg deg ah loola gaadhi lahaa shacabka Soomaaliya ku dhibaateysan.

 

Imatinka Xogyaha guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al carabi ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee uu Soomaaliya booqdo tan iyo markii uu xafiiska kala wareegay Camar Muusa oo ay isku dal ka soo wada jeedaan mudo hadda laga joogo 6 bilood.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. DKMG ah oo Dalbaneysa Ciidamo Carbeed & Sh. Shariif oo lagu wado inuu Booqdo Masar
  2. Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay Doorashada Sh. Shariif
  3. Jaamacadda Carabta oo Canbaareysay Dagaalada Muqdisho
  4. Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in si deg deg ah gar gaar loola gaadho Soomaaliya
  5. Jaamacadda Carabta oo ku Baaqday in la labo jibaaro Dadaalka Xal u helida Soomaaliya

Readers Comments (4)

  1. Ali Guure says:

    scw

    Bahda Somalimirror waad salaman tihiin. Raggii waayo waayo mee. Waxyaabo badan ayaa dhacaya oo isbeddello ku jiraan.

    Raggii dood wadaagga aynu lahayn foe and friendba bal ha soo jiireeyeen. Ninkii Cali Guure ahaa waxaa uu doonayaa inuu caddeeyo sida shabaab ugu khamaareen mirihii jihaadka iyo dacwada Soomaaliya.

    Caku illayn doqoni calaf malaha ee daamamkay meermeerisaa

  2. WAXAAM RUMEYSNAHA OO ILA TAHAY says:

    WALAALAYAAL ALSHABAAB WAXAA TAAGEERA KENYA KENYA WAXAA TAAGEERA IGAD IGADNA WAXAA AMAR SIIYA ITOOBIYA ITOOBIYA WAXAA TAAGEERA QARAMADA MIDOOBEY LACAGTA LA SIIYO XILDHIBAANADA HADII AY OOFIN WAAYAAN GO AANADA KENYA MUSHAHAR MA HELAYAAN MARKA WAA IN AAN KALA DOORANAA IN NALA GUMEYSTO IYO IN AAN BANAANBAXNO WAX KA DHAXEEYO MALE ITOOBIYA WAA SOO GASHEY SOOMAALIYA INTA HARTEY IYADAA LEHE

  3. Farxaan says:

    Sxb yaal adoonku wuu imtixaananyahay intu aduunkan joogo aakhrina wa abaal marintii marka anigu waxan aminsanahay dadka muslimka ah aya kalexday wadadi alla s.w.c.oogu talagalay markaasu dhib ku habsaday w.b.tawfiiq

  4. jigjija says:

    cullima awdiinka uuxidhxidhay madaxwayne ina illey, kililka Ethiopia waxay ukeeni dontaa cuqubo iyo habaar ninba waxuyidhi waanqufacayaye xagee la iga sogaadhay! Alleysa minkum rajulun rashiid? Somalia cuqubadu xagay kasogadhay? Culimadi laxidhxidhay e lalaalay, ninkii islam ah ciyar ciyar kadhigta xadhiga iyo laynta culmada isaga kajawaabi doona,




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. DKMG ah oo Dalbaneysa Ciidamo Carbeed & Sh. Shariif oo lagu wado inuu Booqdo Masar
  2. Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay Doorashada Sh. Shariif
  3. Jaamacadda Carabta oo Canbaareysay Dagaalada Muqdisho
  4. Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in si deg deg ah gar gaar loola gaadho Soomaaliya
  5. Jaamacadda Carabta oo ku Baaqday in la labo jibaaro Dadaalka Xal u helida Soomaaliya

Latest Headlines