Midowga Afirka oo Madaxweynihii hore ee Chana u magacaabay arimaha Soomaaliya

Published on November 9, 2011 by   ·   4 Comments   ·   print

Midowga Afrika ayaa arimaha Soomaaliya Soomaaliya u soo magacaabay Madaxweynihii hore ee DalkaGhanaJerry Rolling waxayna magacaabistiisku ku timid kadib codsi ay gudbiyeen madax sare sare oo ka mid ah Xubnaha Midowga Afrika .

Xubno kala duwan ayaa Gudoomiyaha Midowga Afrika ka Jan Beng  ka codsaday in uu arimaha Soomaaliya u magacaabo xubin heerkiisu sareeyo si uu wax uga qabto xaalada Soomaaliya ee aan isbadalka lahayn ilaa 1991-kii .

Jerry Rolling ayaa 63 sano jir ah wuxuuna awood muuqata ku dhex leeyahay wadamada Afrika iyo sidoo kale Hey’ado dowli ah wuxuuna dalkiisa Ghana Madax ka soo ahaa intii u dhaxaysay 1981 ilaa 2000 .

Xafiiska ayaa lagu wadaa in uu la wareego isbuucyada soo socda kadibna uu Magaalada Nairobi kulamo xog waraysi ah kula qaato Xubnaha sar sare ee DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale jiri doona safaro uu ku tagi doono Jerry Rolling wadamada la dariska ah Soomaaliya ee Kenya, Jabuuti , Itoobiya kuwaa oo lagu wado in uu kala hadlo arimaha  Soomaaliya.

Sidoo kale howlaha bilowga ah ee horyaala waxaa lagu sheegay in ay ka mid tahay dar dargalinta shaqada ay hayaan Ciidamada Midowga Afrika ka jooga gudaha Soomaaliya oo ay tiradoodu gaadhayso 7200 oo Askari oo ay mudooyinka soo socdaa ku soo biiri dooonaan 400 oo askari oo ka iman doona Dalka Jabuuti.

Xunaha Midowga Afirka ayaa soo dhaweeyay magacaabista Jerry Rolling waxayna ku tilmaameen qaarkood oo la hadlay Wakaalada Wararka ee Itoobiya ee ENA in Jerry Rolling ay ku rajo weyn yihiin in uu wax badan ka qaban doono xaalada Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Midowga Afirka oo soo dhaweeyay Heshiiska Djibouti
  2. Midowga Afrika codsaday in Soomaaliya loo diro 20 Kun oo Askari
  3. Midowga Afrika oo sheegay in ay cagta marin doonaan Argagixisada ka jirta Dalka Soomaaliya
  4. Midowga Afrika oo xaalada Soomaaliya ku tilmamay in ay tahay tan Caalamka ugu khatarsan
  5. Shirkii 14-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Adis Ababa loogana hadli doono xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya ka jira

Readers Comments (4)

  1. Mahamed says:

    Asc@ wa mahad santhin hawsha aad u haysan umada

  2. WAXAAM RUMEYSNAHA OO ILA TAHAY says:

    November 17, 2011 at 7:01 pm
    WALAALAYAAL ALSHABAAB WAXAA TAAGEERA KENYA KENYA WAXAA TAAGEERA IGAD IGADNA WAXAA AMAR SIIYA ITOOBIYA ITOOBIYA WAXAA TAAGEERA QARAMADA MIDOOBEY LACAGTA LA SIIYO XILDHIBAANADA HADII AY OOFIN WAAYAAN GO AANADA KENYA MUSHAHAR MA HELAYAAN MARKA WAA IN AAN KALA DOORANAA IN NALA GUMEYSTO IYO IN AAN BANAANBAXNO WAX KA DHAXEEYO MALE ITOOBIYA WAA SOO GASHEY SOOMAALIYA INTA HARTEY IYADAA LEHE

  3. WAXAAM RUMEYSNAHA OO ILA TAHAY says:

    DOQN BAA RUMEYSAN IN AFRIKAANKII MARKII DADKA SOOMAALIYEED DHAMAANAYEEN ISKA SHIBANAA XABASH SOOMAALIYEEY HORUMARKULAMA RABO HURDADAKA KACA

  4. Farxaan says:

    Kkkkkkkkkk filim been ah dheh .indho saraxaad dheh.gaal san wayn miya soomaliya wax u qaban kara hadu wax garanayo ha rumeeyo allihii abuurtay w.b.tawfiiq




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Midowga Afirka oo soo dhaweeyay Heshiiska Djibouti
  2. Midowga Afrika codsaday in Soomaaliya loo diro 20 Kun oo Askari
  3. Midowga Afrika oo sheegay in ay cagta marin doonaan Argagixisada ka jirta Dalka Soomaaliya
  4. Midowga Afrika oo xaalada Soomaaliya ku tilmamay in ay tahay tan Caalamka ugu khatarsan
  5. Shirkii 14-aad ee Midowga Afrika oo lagu wado in uu Maanta ka furmo Adis Ababa loogana hadli doono xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya ka jira

Latest Headlines