waxa si rasmi ah u bilowday waxbaristii sanad dugsiyeedka 2011/2012 iyadoo waxbarashadu si rasmi ah u bilaabatay 05-09-2011 xiliganna ay si rasmi ah isugu duba dheceen dhamaan hawlaha ka socda dugsiga Imamu Shaafici ee Magaalada Boosaaso
Mar ay Somali mirror la kulantay maamulka dugsiga wuxuu uga warbixiyay heerarka kala duwan ee dugsigu soo maray, wuxuu sheegay maamulaha dugsigu sh.maxmed faahiye ciise in dugsiga la asaaday sanad dugsiyeed kii 1992/1993 laguna bilaabay arday gaaraya (73) sanad dugsiyeedkan lagu jirona ay gaarayaan ilaa 1213 (841) wiil iyo (372) gabdhood dugsiga waxaa ka qalin jebiyay ilaa hadda arday gaaraya(284 ).
Dugsiga wuxuu ka kooban yahay (30) fasal, hawl wadeenada ka shaqeeya oo isugu jira maamul macalimiin iyo shaqaale hoosaad waxay gaarayaan (54) qofood.
Sidoo kale dugsiga manhajka lagu dhigo wuxuu isugu jiraa manhaj ay dejintiisa iska kaashadeen daladda wax barashada (pen) iyo wasaaradda waxbarasahada ee puntland.
Sidoo kale waxyaabaha dugsigu xaqiijiyay waxa ka mid ahaa in uu kaalinta kowaad ka galay sandkii la soo dhaafay
Imtixaanadii centralized-ka(guud) ahaa 2010/2011 iyadoo ardaydii ugu badnayd ee heerka kowaad galay ay ahaayeen arday ka socotay dugsiga imam al-shaafici.
Iskuulka ayaa ka kooban qeybo kala duwan sida dugsiga Hoose kandhexe iyo midka Sare waxaana kala baxsan dhamaan Fasalada Wiilasha iyo gabadha oo mid walbaa u leeyahay fasal u gaar ah.
Iskuulka ayaa soo jiray mudo ka badan 16 sano soona maray heerar kala duwan ,hadafka ugu weyn ee uu higsanayaana waa soo saaridda jiil cusub oo tacliin sare leh kana dhisan dhinacyada Diiniga iyo Maadiga.


Related posts: