Eritreaayaa iska fogeysay eedaymo uga yimid dhinacaKenyaoo ay ku eedaysay in ay hub gaadhsiiisay asbuucyadii tagay Somaliya Hub ay ugu tala gashay Xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah ee Soomaaliya.
Kenyaayaa sheegtay dhankeeda in ay heshay cadeymo muujinaya inEritreaay hub gaadhsiisay kooxaha mucaaradka Soomaaliya maalmo ka hor wuxuuna af hayeen dhankaEritreau hadlay sheegay inKenyaeedaymaha ay soo jeedisay ay yihiin kuwo aad looga xumaado.
Af hayeenka ayaa sheegay in ay jecel yihiin in Soomaaliya ay noqoto dal xasiloon cagihiisana isku taaga balse waxa uu carabka ku dhuftay in ay jiraan wadamo wakhti ku bixiya sidii Soomaaliya ay fudo u sii aan laheyd.
Boga ay Internetka ku leedahay Wasaarada Arimaha Dibadda ee Eritrea ayaa lagu qoray in Dowlada Eritrea aysan wax lug ah ku lahayn eedaymaha ka imanaya Kenya ayna yihiin kuwo xaqiiqda ka fog “ waxa ay Dowlada Eritrea u aragtaa eedaymaha ay u soo jeedisay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Kenya oo la xidhiidha in la hub kala duwan lagu hubeeyay Al shabaab waa mid aad looga xumaado”
Dhinaca kale Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya Muses Watangula ayaa u yeedhay Safriika Eritrea u jooga Kenya si uu su’aalo uga weydiiyo wararka la xidhiidha hubka ay Eritrea u dirtay Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Eritrea lagu eedeeyo in ay hubeyso Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya balse markan waxa eedaymahan soo jeediyay waa dowlada Kenya oo gudaha Soomaaliya ka wada Duqeyn iyo barakicin ay ku wado shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Jubooyinka.

Related posts:
scw
Bahda Somalimirror waad salaman tihiin. Raggii waayo waayo mee. Waxyaabo badan ayaa dhacaya oo isbeddello ku jiraan.
Raggii dood wadaagga aynu lahayn foe and friendba bal ha soo jiireeyeen. Ninkii Cali Guure ahaa waxaa uu doonayaa inuu caddeeyo sida shabaab ugu khamaareen mirihii jihaadka iyo dacwada Soomaaliya.
Caku illayn doqoni calaf malaha ee daamamkay meermeerisaa