DKMG ah ee Soomaaliya ayaa shacabka ku dhaqan Gobolada hoos tagga Maamulka ugu baaqay in ay ka baxaan meelaha ay ku sugan yihiin si aysan ugu waxyeeloobin weerarada cirka ee lagu qaadayo Xoogaga Al shabaab.
Wasiiirka Gaashaandhiga DKMG ah Xuseen Carab Ciise oo waraysi siiyay Idaacada Codka Marayka ayaa xaqiijiyay war horay uga soo baxay Dowlada Kenya oo ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay ka qaxaan ilaa 10 Magaalo oo ay sheegeen in ay qorsheynayaan in ay howlgalo cirka ah ka fulin doonaan Wuxuuna Xuseen Carab sheegay in shacabka ay gaadhsiinayaan digniintaa mid la mid ah .
Waxa uu waraysigiisa ku sheegay in waxa laga doonayaa shacabka deegaanada la calaamadeeyay ku sugani ay tahay in ay ilaashadaan badqabkooda ayna taxadar buuxda u yeeshaan howlgalada bilaaban doona.
Ujeedada weerarada cirka ah ayuu ku sheegay in looga gol leeyahay sidii meesha looga saari lahaa Al shabaab sidoo kalena looga xoreyn lahaa shacabka ay dhibaatada ku hayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ugu dambeyntii waxa uu waraysigiisa ku sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada la calaamadiyay ay howlgalada kadib ay heli doonaan amaan buuxa oo ay u balan qaadayso DKMG ah .
Hadalka DKMG ah ayaa ku soo beegmaya mudo yar kadib xili ayKenyashaacisay wararka la xidhiidha duqeynta 10 Magaalo oo ka tirsan Gobolada Jubada Hoose iyo Shabelada Dhexe kuwaa oo wada hoos taga Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Related posts:
asc.walaal waxay ila tahay inaad taageeradiina siisaan muslimka si aad uga bad baadaan cadaabta allah way is badalin xaaldana waana la idinku maxkamadayn inshaa allah wal caaqibatu lil mutaqiin.wabilaahi towfiiq