Sirdoonka Ingiriiska oo sheegay in ay baadhitaano kadib heleen in ay jiraan Soomaali dagan Ingiriiska o xidhiidh la leh Al shabaab

Published on November 3, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Laamaha Amniga ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ay heleen wararka la xidhiidha in ay jiraan dad ku nool dalka Ingiriiska asalkooduna yahay Somali in ay xidhiidh la leeyihiin Xoogaga Al shabaab.

Wargeyska The Guardian  oo warbixintan qoray ayaa sheegay in wararka la xidhiidha in dad Soomaali asalkoodu yahay kuna nool Ingiriiska ay xidhiidh dhow la leeyihiin Al Shabaab dhinaca kalena ay wadeen olole la xidhiidha sidii dhalinyaradu uga mid noqon laheyd dagaal yahanahada Al shabaab .

Waxa uu Wargeysku intaa ku daray in Ciidamada Sirdoonka Ingiriiska ee MI5 ay aaminsan yihiin in 100 qof oo ku dhaqan gudaha Ingiriiska ay tababaro iyo dagaalaba ku soo galeen gudaha Soomaaliya oo ay u socdaaleen wakhtiyo kala duwan.

Wargeysku waxa uu xusay isaga oo soo xiganaya Ilo la tirsan MI5 in daka u socdalay Somaliya dhalashadoodu aysan Soomaali kaliya ahayn ee ay wehliyeen dad dhalashadodu ka soo jeedo wadamadaPakistan,Bangladeshiyo wadamada dhaca galbeedka Qaarada Afrika.

Wargeysku waxa uu sheegay in ay jiraan digniino ay soo jeediyeen MI5 oo la xidhiidha suura galnimada in Soomaalida tababarada ku soo qaatay gudaha Soomaaliya ay weeraro ka fuliyaan gudaha Ingiriiska gaar ahaan Maagaaloyinka Birmingham, Sheffield, London, Blackburn , Liverpool iyo Manchester wuxuuna wargeysku intaa raaciyay in cabsida ugu badan ee la qabaa ay tahay in waxyeelooyin ay kooxahaasi ka geystaan Magaalooyinka Liverpool iyo Manchester oo sanadihii dambe ay Soomaalidu ku soo badaneysay.

Ciidamada MI5 ayaa bogooda Internet-ka daabacay warbixinta uu soo xigtay Wargeyska ayaa yidhi “tiro badan oo ka midka dadka dagan Ingiriiska ayaa la soo tababar qaatay Xoogaga Al shabaab si ay ugu mid noqdaan xoogaga xagjirka ah”.

Dhanka kale waxa uu wargeysku warbixintiisa ku lifaaqay in laamaha amniga ee Ingiriiska gaar ahaan MI5 iyo MI6 ay si hoose askarnimo ugu qorteen dad ku hadla afka Soomaaliga si ay ula shaqeeyaan.

Digniinaha ay soo saareen lamaha amniga ee Ingiriiska ayaa ku soo beegmaya xili ay Wadamada Reer galbeedku soo saareen digniino kala duwan oo la xidhiidha maangalnimda in weeraro ay soo qaadan Xoogaga Al shabaab.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dadka haysta Dhashada Ingiriiska ee u socdaalaya Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Xogagga Al shabaab oo soo badanaya
  2. Maraykanka oo 3 nin oo Soomaali ah ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin Al shabaab
  3. Ciidamada sirdoonka Uganda oo sheegay in ay heleen qalab qarxa dadna ku qabqabtay kampala
  4. Maxkamad Ingiriis ah oo Madaxa Ciidanka Ingiriiska ku xakuntay in uu is casilo kadib fashil ku yimid
  5. Wasiiradii hore ee Arimaha Dibada Yuhuuda oo ka carartay Ingiriiska kadib Markii Maxkamad ku taalada London ay amartay in la soo xidho

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dadka haysta Dhashada Ingiriiska ee u socdaalaya Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Xogagga Al shabaab oo soo badanaya
  2. Maraykanka oo 3 nin oo Soomaali ah ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin Al shabaab
  3. Ciidamada sirdoonka Uganda oo sheegay in ay heleen qalab qarxa dadna ku qabqabtay kampala
  4. Maxkamad Ingiriis ah oo Madaxa Ciidanka Ingiriiska ku xakuntay in uu is casilo kadib fashil ku yimid
  5. Wasiiradii hore ee Arimaha Dibada Yuhuuda oo ka carartay Ingiriiska kadib Markii Maxkamad ku taalada London ay amartay in la soo xidho

Latest Headlines