Eritrea oo waxba kama jiraan ku tilmaantay in ay hub u dirtay Al shabaab

Published on November 3, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

DowladaEritreaayaa  iska fogeysay in ay hub siisay Xoogaga Al shabaab waxayna wararka sheegaya in ay hub u dirtay Al shabaab ku tilmaantay in ay yihiin warar xaqiiqda ka fog.
af hayeen u hadlay MadaxtooyadaEritrea ayaa sheegay in aysan ahayn markii koobaad ee soo gaadhaan eedaymo la xidhiidha ama muujinaya in ay hub u direen Soomaaliya sidoo kalena ay xidhiidh dhow la leeyihiin Xarakada Shababul Mujaahidiin.

Afhayeenka ayaa yidhi “waxa ay DowladaEritreacadeynaysaa ayna si toos ah u diidaysaa tuhunada loo soo jeedayay oo ay ku tilmaamayso in ay yihiin kuwo akhlaaq xumo ka muuqdo iyo been si cad ayaan u diidanahay  arimahaas waxaana cadeynaynaa in aanan hub u dirin gudaha Soomaaliya”

Af hayeenka ayaa sheegay in eedaymaha intooda badan ay ka yimaadaan dhinaca  DKGM ah wuxuuna tilmaamay in mas’uuliyiinta sar sare ee DKMG ah ay Eritrea ku sugnaayeen xiligii ay Soomaaliya gudaha u galeen ciidamada Itoobiya halkaa ay ku asaaseen Uruka Dib u xoreynta Soomaaliya ,waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in abaalkii ay Eritrea u gashay Soomaaliya loogu badalay eedaymo uu ku sheegay in ay daba ka wadaan Maraykanka iyo Itoobiya.

Ma ahan markii ugu horeysay ee DowladaEritrealoo jeediyo eedaymo la xidhiidha in ay hubeyso Xoogaga Islaamiyiinta ee dagaalka kula jira DKMG ah ee Soomaaliya, waxayna sidan oo kale isaga fogeysayEritreadhowr eedaymo oo ay u soo jeediyeen Maraykanka, DKMG ah, Itoobiya, Urur Gobolkeedka IGAD.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Cumar C/rashiid “waa la igu been abuurtay waxba kama ogi hishiiska la sheegaayo”
  2. Sirdoonka Ingiriiska oo sheegay in ay baadhitaano kadib heleen in ay jiraan Soomaali dagan Ingiriiska o xidhiidh la leh Al shabaab
  3. Baarlamaanka KMG ah oo ka Hadlay Heshiiskii Badda“Q.M …waxaa loo gudbiyay Go’aankii Baarlamaanka Waxba kama jiraane Wada”
  4. DKMG oo sheegtay inay ciidamo u dirtay deegaanka Jasiira oo shaley Al Shabaab ay yimaadeen
  5. Eritrea:“Maahan Eritrea ee Waa Mareykanka Cida Hurineysa Dhibaatada Soomaaliya”.

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Cumar C/rashiid “waa la igu been abuurtay waxba kama ogi hishiiska la sheegaayo”
  2. Sirdoonka Ingiriiska oo sheegay in ay baadhitaano kadib heleen in ay jiraan Soomaali dagan Ingiriiska o xidhiidh la leh Al shabaab
  3. Baarlamaanka KMG ah oo ka Hadlay Heshiiskii Badda“Q.M …waxaa loo gudbiyay Go’aankii Baarlamaanka Waxba kama jiraane Wada”
  4. DKMG oo sheegtay inay ciidamo u dirtay deegaanka Jasiira oo shaley Al Shabaab ay yimaadeen
  5. Eritrea:“Maahan Eritrea ee Waa Mareykanka Cida Hurineysa Dhibaatada Soomaaliya”.

Latest Headlines