Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa heshiis dhanka howlgalada hubeysan ah la soo gashay DowladaKenyakadib kulan shalay ka dhacay magaaladaNairobioo ay goob joog ka ahaayeen xubno kala duwan oo ka tirsan DKMG ah ee Soomaalaiya.
wafdiga DKMG ah uga qeyb galay heshiiskaa waxaa hogaaminayay Ra’iisal Wasaare C/Wali Maxamed Cali Gaas dhanka Kenya-na waxaa u ma talayay Rayla Odenga wuxuuna heshiiska oo ka koobnaa 11 qodob u qoraa sidan.
1. Howlgallada ciidamadaKenyaee Gudaha Soomaaliya waxa uu u jeedkiisu yahay ka hortagga hanjabaadaha kooxda Al-shabaab, ee ah in ay qal qalgelineyso amniga iyo dhaqaalaha dalkaasi, iyadoo dowladdaKenyaay xaq u leedahay in ay isdifaacdo sida uu dhigayo qodobka 51-aad ee xeerka Qaramada Midoobay.
2. Al-shabaab waa codowga, labada dal ee Soomaaliya iyoKenya, waxa aynaQatarku tahay gobolka iyo caalamka intiise kale, waana in si isku mid ah labada dowladood ay uga hortaggaan dhibaatada kooxdaasi, iyagoo la kaashanaya beesha caalamka.
3. Howlgalkaan waxaa hogaaminayo ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya ciidamadaKenya, si ay bartilmaameedsadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayan Al-shabaab.
4. Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa howlgallada ciidamadaKenyaee ay ku taageerayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo si daris wanaag ah iyo ka mid ahaanshiyaha Midowga Afrika uga qayb qaadanaya howgalkaasi.
5. Labada dowladood waxa ay isweydaarsan doonaan warbixinada ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Al-shaabab, iyadoo la dhisi doono guddi wada jir ah kuwaasi oo si gaar ah uwada shaqeyn doono, islamarkaana kulamo gaar gaar ah ku wada qaadan doono magaalooyinka Muqdisho iyoNairobi.
6. Dowladaha Soomaaliya iyoKenyawaxa ay sameyn donaan dib-lomaasiyiin labada dhinac ah kuwaasi oo u ololeynaya taageerada howlgalada bilowga ah, islamarkaana xubno ka tirsan kooxdaasi dib-lomaasiyiinta ah waxa ay kulan 1-da bisha November ku yeelan doonaan magaaladaNairobiee xarunta dalkaKenya, waxa ayna safaro ku kala bixin doonaan caasimadaha labada dal.
7. Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la geyn doonaa goobaha laga sifeeyo maleeshiyada Al-shaabab ee koonfurta Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo nabadgelyada deegaannadaasi, ayna u caawiyaan maamulada ay dowladda Soomaaliya ka hirgelin doonto Gobolladaasi.
8. Beesha caalamku waxa ay kaalmo beni’aadanimo oo deg deg ah gaarsiin doontaa goobihii dhawaan laga saaray Al-shabaab, iyadoo sidoo kale deegannadaasi ka hirgelin doonto xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho.
9. Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC waxa ay dowladda Soomaaliya ka caawin doontaa baaritaannada shaqsiyaadka dambiyada dagaal geystay ee Al-shabaab ka tirsan, sidii maxkamad loo soo taagi lahaa.
10. Beesha caalamku waxa ay keeneysaa taageero dhinaca farsamada iyo maaliyadda ee ku aadan xanibaadda isticmaalka dekadda Kismaayo, ilaa iyo inta Al-shabaab laga saarayo dekadda Kismaayo.
11. Dowladda Kenya marnaba wada xaajood la gelimeyso Al-shabaab, balse dowladda KMG ee Soomaaliya waxa ay u madax banaan tahay in ay wada hadalo la yeelato Al-shabaab, iyadoo laga tixraacayo heshiisyadii Jabuuti iyo kii Kampala oo ay taageereen Urur gobolleedka IGAD iyo Midowga Afrika.
heshiiska ayay xubno ku dhow dhow DKMG ahi waxa ay sheegeen in DKMG ah ay heshiiskaas si guud ugu qanacsan tahay ujeedada ugu weynna ay tahay sidii ciidamada Kenya ee howlgada wada ay howlagaladooda ugu ekeyn lahaayeen dhinaca cirka oo kaliya .

Related posts: