Xoogaga Al shabaab ayaa hor istaag ku sameeyay gawaadhi tiro badan oo ay saareeyeen dad doonayay in ay dib ugu laabtaan Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay ka soo barakaceen wakhtiyo kala duwan .
Dadka doonayay in ay dib ugu laabtaan guryahooda ayaa waxaa celinayay askar taraafiko ah oo ka tirsan Al shabaab waxayna dadka la celinayay u badnaayeen dad doonaya in ay dib ugu laabtaan Xaafadaha Baar Ubax , Laba Dhagax, Black Sea , Hodan, Howlwadaag iyo qeybo ka tirsan Degmada Wardhiigley.
Ma jiraan wax faah faahin oo ka soo baxday dhanka Al shabaab oo la xidhiidha amarka is hor istaaga ah ,waxaa jirtay in mar sii horeysay mas’uuliyiin ka tirsan Al shabab oo ka dadka kula hadlay Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in dadka dib ugu laabanaya magaalada Muqdisho ay dhibaato kala kulamayaan Askarta DKMG sidaa dartedna ay muhim tahay in ay amniga ay heystaan ku sii jiraan.
Dhinaca kale mid ka mid ah dadka soonayay in ay dib ugu so laabtan magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in ay aad ugu xun yihiin is hortaaga lagu sameeyay wuxuuna yidhi “ waxa aan ka carareyno waa inaan dhibaato kala kulano diyaarada duqeymaha wada caruurta iyo dadka waalidka ah uma dul qadan karaa dhibaatooyinka laga cabsi qabo marka waan codsanayaa in nala fasaxo xumaan iyo dhib waligay kalama kulmin Al shabab”.
Mudooyinkii dambe waxaa jiray dad badan oo dib ugu soo laabanayay xaafadahii ay markii hore uga qaxeen dagaalada aan joogsiga lehayn ee ka socday xaafadahooda .

Related posts: