DowladaKenyaayaa sheegtay in markii ugu horeysay ay dagaal dhinaca dhulka ah la gashay Xarakada Al shabaab kadib 2 isbuuc oo ay cidamadaKenyaku sugan yihiin gudaha Dalka Soomaaliya.
Af hayeen u hadlay dhanka ciidamada eeKenyaayaa sheegay in dagaal ay ciidamadaKenyamarkii ugu horeysay la galeen xoogaga Al shabaab wuxuuna af hayeenkaasi xusay in dagaalkaas ay uga awood roonaaden Al shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu intaa raaciyay in dhankooda ay soo gaadheen dhimashada 3 askari iyo dhaawaca 5 kale halka uu sheegay in Al shabaab ay ka dileen ugu yaraan 14 askari ,wuxuna ku daray in ay gacanka ku dhigeen goobihii ay iska hor imaadyadu ka dhaceen waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu dhanka kale sheegay in dagaalka dhinaca dhulka ah ee ay Al shabaab la galeen uu yahay mid sii socon doonan ilaa iyo inta ay ka soo af jarayaan kooxaha uu ku tilmaamay in ay cadow ku yihiin amnigaKenya.
Ma jiran wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al shabaab waxaana jirtay in mar sii horeysay ay Al shabaab sheegeen in ay dagaal toos ah la gali doonaan ciidamada DalkaKenyaoo ay sheegeen in ay ku soo gardaroodeen dhulka soomaaliya.

Related posts: