Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay markii ugu horeysay wararka la xidiidha ciidamada DalkaKenyaee howlgalada Military ka wada gudaha soomaaliya wuxuuna sheegtay in taaasi ay tahay mid aan haba yaraatee la aqabali karinHadalkan ayuu Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka sheegay kadib shir jawaa’id oo uu qabtay wuxuuna ka hadlay howlgalada ay ciidamada Kenyaanka ahi ka wadaan Gobolkada Jubooyinka iyo Gedo wuxuuna tilmaamay in arintaasi tahay mid meel ka dhac ku ah Dalka Sooomaaliya wuxuuna yidhi “Waxaa jira waxyaabo yaryar oo aan u aragno inaysan habbooneyn. Waana kala hadalnay dowladda Kenya, waxaana ka mid ah waxyaabahaas ciidamo inay iska soo galaan Soomaaliya, Dowladuna ma gola, shacabka Soomaaliyeedna ma ogola……..Sidaad la socotiina ciidamada hadda jooga ee AMISOM waxay ku joogaan oggolaansho Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka iyo mandate uu siisay UN-ka iyo African Union”
Sidaa oo kale waxa uu sheegay in ciidamada DKMG ah ay diyaar u yihiin in ay wuxuuna yidhi “Marka iskaashi ayaa naga dhexeeya dowladda Kenya, laakiin waxaan kala hadalnay habka aan anaga u rabno inay noo kaalmeeyaan inuu yahay hab cad oo ah in …Ciidamada Qalabka Sida inay diyaar u yihiin inay shaqada qabsadaan, Kenyana aan uga baahanahay inay gacan siiyaan ciidamada ee aysan dhicin wax intaas ka duwan. Wadashaqeyn xooggana ay jirto oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo soo-celinta nabadda dalka”
Sheikh shariif waxa uu dhanka kale carabka ku dhuftay in ay aad uga xunyihiin inKenyaay Al shabaabku dhibaato u geystaan wuxuuna sheegay in wixii awood ah ee ay ku hor isaagayaan..
Hadalka sheikh shariif ayaa ku soo begmaya xili ay wali sii socdaan howgalada hubeysan ee ayKenyaka wado gudaha Dalka Soomaaliya kuwaas oo ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah.

Related posts: