Qarax labaad oo xalay ka dhacay Magaalada Nairobi

Published on October 25, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

Qarax Bam xoogan ah ayaa xalay fiidkii ka dhacay meel ay dadku ku badan yihiin oo ku taala Magaalada Nairobi wuxuuna qaraxaasi sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca 16 qof oo kale,waxayna goobtaasi ahayd meel basaska laga raaco.

Dadka ay dhaawcyadu soo gaadheen ayaa loo qaaday Isbitaalka weyn ee Kenyata si loo baxnaaniyo xaaladooda caafimaad waxayna dadka ay dhawacyadu soo gaadheen isugu jiraan  dadka ay wajiga iyo feedhaha wax ka soo gaadheen iyo kuwo lugaha iyo madaxa wax ka gaadheen.

War sidaa u faah faahsan wali lagama helin laamaha amniga ee DalkaKenyaoo la xidhiidha qaraxa dhacay iyo dadka ka dambeeya intaba , wuxuuna sarkaal la hadlay Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ahi xusay in baadhitaano ay wadaan mudo kadibna ay soo saari doonaan warbixin ka hadlaysa sida ay wax u dhaceen.

Qaraxan ayaa noqonaya kii 2aad ee ka dhacaNairobimudo 24 saac gudahood ah waxaana qarax shalay ka dhacay isla magaalada wax ku noqday 15 qof oo ay soo gaadheen dhaawacyo kala duwan.

Ma jiraan ilaa iyo hadda cid sheegatay in ay iyadu ka dambeyso qaraxyada ka dhacay Magaalada MadaxdaKenyaeNairobi

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qarax xalay ka dhacay Magaalada Laascaanood
  2. Qarax bambaano oo khasaare sababay oo xalay ka dhacay Xaafada Afisyooni ee magaalada Muqdisho
  3. Faah faahin qarax xalay ka dhacay Magaalada Garoowe
  4. Faah Faahin Qarax xalay ka dhacay Boosaaso oo keenay dhimasho iyo dhaawacyo
  5. Faah faahin qarax xalay fiidkii ka dhacay Boosaaso

Readers Comments (1)

  1. Ahmed says:

    Waxaa hubaal ah dadka qaraxa samaynaya inay ku raaxaysanayaan hotelada Nairobi oo TV ka daawanayaan cida dusha laga saarayo. Waa dad u shaqeeya sirdoonka Kenya, si ay dawladu u hesho taageero dadweynaha reer Kenya, hujuumka ay ku qaaday Soomaaliya. Dadka Soomaalida iyo Muslimiinta Kenya oo waligood nabad kula noolaa walaalahooda Keyatiga, haday dhib wadaan ugu yaraan 50 sano kahor baa dhibta la wada arki lahaa. Maantana arintaas waa lagu kala bixi lahaa, oo Muslim ama Gaalo baa Kenya milkiyi lahaa. Markii dawlada Kenya dan yeelatay baa qaraxyo dheceen oo Muslimiin iyo Soomaali baa ka danbeeya, si Muslimiinta dhibtu ugu badato, inta gaalada ahna noloshu ugu fiicnaato, taas qof caqli yar haloola tago. “Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodana ha dheerayn, ku dhici doontidaa ma ogide”




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qarax xalay ka dhacay Magaalada Laascaanood
  2. Qarax bambaano oo khasaare sababay oo xalay ka dhacay Xaafada Afisyooni ee magaalada Muqdisho
  3. Faah faahin qarax xalay ka dhacay Magaalada Garoowe
  4. Faah Faahin Qarax xalay ka dhacay Boosaaso oo keenay dhimasho iyo dhaawacyo
  5. Faah faahin qarax xalay fiidkii ka dhacay Boosaaso

Latest Headlines