Kenya oo sheegtay in ay soomaaliya ku soo galeen codsi uga yimid DKMG

Published on October 25, 2011 by   ·   1 Comment   ·   print

DowladaKenyaayaa ka hadashay eedeymo uu shalay galab u soo jeediyay Madaxweynaha DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la xiriiray howlgalada ay ciidamadaKenyaka wadaan gudaha SoomaaliyaWasiiirka Arimaha Dibada ee Kenya Moses Watangulla oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in howlgalada ay wadaan ciidamadoodu ay ku yimaadeen kadib codsi ay u soo gudbisay ,wuxuuna intaa raaciyay inKenyaay codsigaa aqbashay halkana ay kula dagaalantay sida uu hadalka u dhigay kooxo lidi ku ahaa amniga dalkiisa .

Sido kale waxaa isna hadal kaa la mid ah BBC-da siiyay Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji wuxuuna sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu yahay hadal la yaabkiisa wata wuxuuna intaa raaciyay in uu goob joog ka ahaa heshiis ay wada gadheen labada dhinac kaasoo dhanka DKMG ah uu u matalayay Ra’iisal Wasaarahooda C/wali Maxamed Cali Gaas.

Mar sii horeysay ayay ahayd markii Madaxweynaha DalkaKenyauu ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay gudaha u galeen kadib codsi uga yimid DKMG ah ee Soomaaliya.

 

Ma jiraan wax faah faahin ah oo laga hayo heshiiska ay Mas’uuliyiinta Kenyanka ah ka dhawaajinayaan ee sheegaya in dowlada KMG ahi ay u gudbisayKenyain ay gudaha Dalkeeda kula dagaalanto Xoogaga Al shabaab.

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kenya oo Sheegtay in ay Ciidamo u soo dirayso Soomaaliya
  2. Kenya oo Sheegtay in ay Adkeyneyso Amaanka Xadka ay la Wadaagto Soomaaliya.
  3. DKMG ah oo soo badnigtay dhalinyaro ay sheegtay inay u galeen.
  4. Safiir cusub oo Hindiya u soo magacwday Soomaaliya oo maanta Muqdisho yimid [SAWIRRO]
  5. Baraket Simon oo Beeniyay in ciidamadooda ay mar kale ay dib u galeen Soomaaliya

Readers Comments (1)

  1. Hussein says:

    Cajiib,

    Sharif inuusan balan lahayn hada maysan ogaan Somalida, waagii maxaakiimta balantii wuu ogabaxay asxaabtiisa, bahdil ayuuna kusameeyay Dr Abdiweli Gaas maxaa yeelay isaga ayaa saxiixay oo amarka Sharif ayaa bixiyay. Arinta intaa waa ay kawayntahay, balse Shariif waxuusan ogayn in waa hore ladiyaariyay ninkii lagubadali lahaa, Kenyana si cad usheegtay inaysan raali kanoqonayn in Shabaab Kismaayo joogo. Runtii hadal wadatashi lalasoosameeyay maahayn hadalkiisa taasina aqoon la’aanta ayaa ugu wacan. Hadii berito Kenya ay xirto xuduudeeda, Qaxootigana laga sooceliyo Kenya, Hantida Somalidana lagudhaco hadalka uu yiri, yaa masuul kanoqonaya wixii dhaca. Teeda kale, Waxaan kuraacsanahay Farah Moalim, hadii xataa lasiiyo dhaqaale iyo hub ciidanka shariif way iibasnayaan, isaga iyo Shariff Hasaana madhaafayso wixii dhaqaale ah. Wadanka uma afduubnaanayo niman aanan aqoon iyo caqli toona lahayn. Kenyana way kusaxsantahay inay ladagaasho Alshabaab. Waa nin shaar badan, balse rag waligood siyaasi soo ahaa, kana cilmi badan, iyo wadamo kaxoog badan ayuu isku taagayaa. Hadii uusan raali kabixin hadalkaas waxaa soo deg degi doonta khilaaf isaga iyo Dr Abdiweli sookala dhexgala sababna unoqda inaysan dhamaysan inta sanadka ogaharay. DR Abdiweli wuu cadeeyaya in ay Kenya iska kaashadaan ladagaalanka Shabaab, wuu kuqasbanyahay inuu sidaasi yiraahdo oo uu isdifaaco si hadhowtii hadii saxiixiisa lakeeno uu ubadbaado. Why is he doing this, because he is educated.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kenya oo Sheegtay in ay Ciidamo u soo dirayso Soomaaliya
  2. Kenya oo Sheegtay in ay Adkeyneyso Amaanka Xadka ay la Wadaagto Soomaaliya.
  3. DKMG ah oo soo badnigtay dhalinyaro ay sheegtay inay u galeen.
  4. Safiir cusub oo Hindiya u soo magacwday Soomaaliya oo maanta Muqdisho yimid [SAWIRRO]
  5. Baraket Simon oo Beeniyay in ciidamadooda ay mar kale ay dib u galeen Soomaaliya

Latest Headlines