Ra’iisal Wasaaraha Dalka Kenya Rayla Odenga ayaa qiray in Ciidamadoda cirku ay ahaayeen kuwii shalay casarkii duqeymaha ka fuliyay Magaalada Kismaanyo oo ay gacan ku hayaan xoogaga Al shabaab.
Odenga waxa uu si cad u sheegay in howlgalka ay ka caawiyeen wadamo reer galbeed ah balse cidda fulisay ay tahayKenyawuxuna intaa raaciyay in duqeymihii shalay ay ku bartimaameedsadeen xarumo ay lahaayeen xoogaga Al shabaab halkaana ay khasaare ku gaadhsiiyen waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu dhanka kale carabaabay in howgalkan circa iyo dhulka ah ee ay ka wadaan gudaha Dalka Soomaaliya uu sii socon doono ilaa iyo inta la dabar goynayo khatarta Al shabaab sidoo kalena laga xoreynayo shacabka ay ciqaabta ku hayaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in howgalkooda ay fasax uga heystaan DKMG ah ee Soomaaliya sidoo kalena ay taageero buuxda ka heystaan Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu sheegay in labaduba ay la socdaan dhaq dhaqaaqa ay ciidamadaKenyaka wadan Soomaaliya.
QirashadaKenyaay qiratay in ay ka dambeyso duqeymihii shalay galab loo geystay Magaalada Kismanyo ayna ku waxyeeloobeen dhowr qof oo ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada ayaa noqoneysa markii ugu horeysay ee ay diyaaradaha dagaalkaKenyahowlgan caynkan oo kale ah ka fuliyaan ciida Soomaaliya.

Related posts: