Diyaaradaha Dagaalka oo duqeymo ka fuliyay Magaalada Kismanyo

Published on October 24, 2011 by   ·   No Comments   ·   print

Diyaarado nooca dagaalka ah ayaa shalay gabal dhicii duqeymo ka fuliyay Magaalada Kismaanyo oo ay ka taliyaan Xarakada Shababul Mujaahidiin waxaana duqeymahaasi lagu bartilmaameedsaday Dekada Magaalada iyo Saldhig.

 

Dhowr qof  ka mid ah dadka ku dhaqan Kismaanyo ayay dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen  duqeymaha, waxana guud ahaan xalay ilaa saaka magaalada ka jiray xaalad kacsanaan ah.

 

Sheekh C/laaahi Abuu Xasan oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Al shabaab ayaa Wakaalada Wararka ee France Press u sheegay in diyaarado ay leeyihiiin cadowgu weerar ku soo qaadeen magaalada wuxuuna yidhi “ diyaaradaha cadowgu waxa ay soo wareereen Kismaanyo iyagoo ku soo tuuray Bambooyin ay la eegteen Dekada waxaa wax ku noqday dad shacab ah …… ciidamada Kenya waxa ay adeegsadeen Migg 29 oo ah mid lagu soo sameeyay Dalka Ruushka waxna kuma noqon mujaahidiintu”.

 

Ma jiraan wax cadeymo ah oo muujinaya halka laga lahaa diyaaradaha duqeymaha geystay iyo halka ay ka soo kaceenba marka laga reebo hadalka ka soo baxay dhinaca Al shabaab.

 

Jawiga guud ee magaalada ayaa laga daremayaa in uu is badal la soo darsay waxayna wararka halkaa laga helayaa sheegayaan in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan gudaha Magaalada iyo duleedkeedaba kuwaa oo ay sameynayaan Xoogaga Al shabaab.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Diyaaradaha Yuhuuda oo Duqeymo ka geystay Magaalada Qassa
  2. Duqeymo dad ku dilay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho
  3. Xukun tacsiir ah oo laga fuliyay magaalada kismaayo
  4. Diyaaradaha Nato oo Dad rayid ah ku Laayey Magaalada Tripoli
  5. Dagaalo goos goos ah oo saaka ka socda Muqdisho iyo duqeymo xalay magaalada loo geystay

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Diyaaradaha Yuhuuda oo Duqeymo ka geystay Magaalada Qassa
  2. Duqeymo dad ku dilay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho
  3. Xukun tacsiir ah oo laga fuliyay magaalada kismaayo
  4. Diyaaradaha Nato oo Dad rayid ah ku Laayey Magaalada Tripoli
  5. Dagaalo goos goos ah oo saaka ka socda Muqdisho iyo duqeymo xalay magaalada loo geystay

Latest Headlines