Xarakada Shababul Mujaahidiin ayaa ka hadashay duqeymihii shalay galab ay Diyaaradaha dagaalku ka fuliyeen Magaalada Kismaanyo kuwaas oo ay wax ku noqdeen dhowr qof oo shacabka ah waxayna Shababku duqeymahaas ku eedeeyeen DowladaKenya.
Maamulka Waliyaahada Jubada Hoose ee Xarakada Shababul Mujaahidiin ayaa ka hadlay qaraxyadi halkaa ka dhacay wuxuuna gudoomiyaha Kismaanyo oo lagu magacaabo Sheekh Abu Bakar Cali Aadam sheegay in qaraxaas ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee DalkaKenya.
Waraysi uu siiyay Sheekh Abu Bakar Cali Aadam Idaacadda BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayuu ku sheegay in diyaaradaha duqeymaha geystay ayaa ahaayeen 2 diyaradood noocooduna ahaa Migg 29.
Waxa uu xusay in duqeymuhu ka dhaceen meel magaalada qiyaastii u jirta 1KM wuxuuna waxbakamajiraan ku tilmaamay wararka sheegayay in duqeymaha lala bartilmaameedsaday Saldhig ay Shababku ku lahayeen gudaha Magaalada.
Waxa uu Gudoomiyuhu cadeeyay in duqeymaha ka dhacay Kismaanyo ay ka qeyb ahaayeen duqmo maalmihii la soo dhaafay ay sidan oo kale ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka eeKenyagudaha Soomaaliya gaar ahaa deegaanka Qoqani iyo goobo kale.
Ugu dambeyntii waxa uu DowladaKenyau jeediyay in ay ka waantowdo faragalinta ay ku heyso Dalka Soomaaliya wuxuuna intaa raaciyay in ay iska caabin doonaan weerar kastaa oo uga yimaada dhankaKenya.
Howgaladii ay shalay casarkii ka fuliyeen diyaaradaha dagaalku magaalada Kismaanyo ayaan ilaa hadda si cad loo ogeyn halka laga leeyahay iyo saldhigyada ay ka soo duuleen intaba .

Related posts: